Thursday, August 22, 2013

Sheeko gaaban: Ninka cadi cajiibsanaayee!!!

Mustafe Axmed Xasan

Waxa uu noo sheegay inaanu kulmi doono dhamaantayo berri goor-sheegtu markay tahay  8 da aroornimo ee Afrikada Bari, dhamaantayo waanu aqbalnay haddana, midkaayana ma uu san dhaadin waynaanta balanta aanu qaadnay iyo ilaalinta waqtiga, sidan waxa kuu caddaynaysa sidaanu saaka markaanu aragnay isagoo na dul taagan 8 deedii subaxnimo aanu ugu hanbabarnay waxaanu u ballansanayn inaanu qabano, ku darsoo waa kii shalay markuu naga sii tagayay na faray inaanu hawl yar soo qabanno intaanu kala maqanahay, se cidi umay dhaqaaqin, anigu kollay waqti uma helin hawshaas, waxaan qabanayayna hay weydiin, waayo aniguba ma garayo!!!, waxaan toyday saaxiibkaygii garabka igu hayay oo aan weydiiyay, wuxuu usoo qaban waayay hawshii naloo diray, hayla yaabin, waayo waa caadada soomaalida inay qof kale haaraanto iyadoo hawsheedi baylah tahay, saw tii hore loo yidhi “Maroodigu takarta saran ma arkee, ka kale ta saran buu arkaa”, waxa aad ii soo jidatay jawaabtii saaxiibkay isiiyay oo ahayd “Ninyahaw waynagii shalay halkan ka rawaxnay xilli danbe inagoo daallan, dee markaan guriga tagay ayaan haddana isla markiiba suuqa u baxay, waxaan ka soo noqday 10 kii habeennimo anoo daal awgii labada lugood is daba jiidaya, dabadeed waan iska seexday”, waxaabad mooddaa in isku jadwal naloo dhejiyay. waxan uu ii taxayay waa intii uu aniga waqtigaygii igu dhaafay, waxaaban u qaatay inuu I qalad fahmay oo uu qaatay inaan weydiiyay “Maxaan anigu hawshan yar shalay u soo qaban waayay?!” oo uu isna ii sheegayo waxaan anigu qabanayay, haddana is weydiiyay “oo ma awliyuu ahaa uurka kaala socotay, mise dayaxgacmeed buu kaa daalacanayay…….tolow mise uurkaagaaba is boobay oo adaaba u sheegay”, wuxuu se goor danbe ii sheegay inuu isaga yahay, ana ug daray inaan wadaagno taas.
Ninkan cad een sheekadaan ku soo qaaday, waa mid aniga iga yaabiyay, waxaanse hubaa inuu adna kaa yaabin doono, waayo waxa uu u dhaqmayaa si aan caadi ahayn. Waan arkaa oo waxad is weydiinaysaa, waa side tolow?!, Miyaanu ina aadam ku abtirsan? Ma mishiin (Robot) soconayaa?! Maya, horta waa ina Aadam, mana aha mishiin (Robot), laakiin kolay aniga iyo adigaba waxyaabo badan ayuu inagaga duwan yahay waana kuwa keenaya inaynu labadeenuba la yaabno. Waan arkaa inaad u soo hollanayso inaad I waydiiso, waa kuma ninkan cadi? Waa qoloma? Muxuu ka shaqeeya? Halkuu ku noolyahay? Ma gaalbaa mise waa duulkeena?!. Waxaanse kaaga jawaabi karaa uun, inuu yahay saancaddaale, qoladiisa se hay warsan waayo anba ma toyan, Istaqfurulah! waxaan balaf ku maqlay inuu Ingiriis Carre yahay, Waxaanu inagula nool yahay degelkeennan.
Hal shay oo ujeedkaygu yahay oo uu ninkan cadi inagaga duwan yahay labadeenaba waxa weeye ilaalinta waqtiga, waa arrin cajiib ah. Wuxuu waqtiga u ilaaliya si aad u qurux badan, waxay hirdamaan il-bidhiqsiyada, inagu se ma dhaadno saacadaha iyo maalmaha. Aan kaaga sheekeeyo sheekadiisa, adna dhegta ii soo raarici!. Waa kii maalintii hore nala ballamay siddeeda subaxnimo oo gow ah, annagoon dhaadinna iska soo xaadirinay goobtii, weliba qaar kayo waa habsaami lahaayeen haddaanu na soo marin darawalkii fariidka ahaa. Meeshii hawsha iyo ballanta, oo aanu fadhino ayaa waxaa ii soo muuqday saan caddaalihii oo soo ordaya, saacadda haddaan fiirshay mise wallaahi waa 8 dii oo gow ah. Halkaasi waa meeshii aan ka bilaabay dabalka ninkan cad, haddii uu noo soo galay na bariidiyay annana ka qaadnay wuxuu 5 daqiiqo gudahood noogu sheegay waxaanu manta oo dhan qaban rabno.
Waxa uu noogu horeysiiyay, “Maanta waxaan idinka tagayaa 9:40 AM waxaan shir la leeyahay wasiir hebel (Wasiir ka mida wasiirada ugu tunka wayn xukuumaddeena), waxaan isku soo noqonaynaa 1:00 PM”. Alla qalbi adagaa hadda waa kii shalay oo dhan sugayay wasiir hebel, eel aba saacadood iyo rubuc kaga lumen, ee welibana ku soo hungoobay, isagoon aragna ka soo hulleeley qasrigii madaxtooyada!, Isla markiiba buugayga yar ayaan ku xarriiqay waqtigii uu noo sheegay inuu naga tagayo. Waxaanu guda-galnay hawl maalmeedkayagii caadiga ahaa, haddii ay goorsheegtu gaadhay 9:38 saacadaydii ayuu istaagay oo joojiyay hadalkii, si wacanna noo macasalaameeyay, waxaan filayay inuu waqti dheer qaadan doono waayo hawsha ayaa badnayd, laakiin ninkani wuu ka taxadiray arintaas. Intayadii soo hadhay wada Soomaali ahayd waxaanu ku yaacnay koombuyuutarada, oo aanu galnay baraha internetka ninba tuu calmaday!. Saancadaalihii oo soo dhamaystay hawshiisii nagu soo noqoy isla 1 dii duhurnimo oo gow ah, Waar wuxu ma mishiin baa, ilayn 10 daqiiqana wa la soo habsaamaaye?!. Haddii aanu hawshii bilaabnay wuxuu noogu calaamadiyay 3:30PM xiliga dhamaadka hawl qabadkan maanta, ima aaminaysid haddaan ku idhaah hal daqiiqo kumuu darsan, labo daqiiqo oo qudha se wuu ka dhimay, macnaha wuxuu soo gabo-gabeeyay hawl qabadka maalintaas 3:28 PM. Intii hawshaasi socotay maalintaas iyo maalmo kaleba waan daba gurayay, se wuxuu ahaa qof aan caadi ahayn, marka la eego ilaalinta waqtiga. Hadduu ku yidhaahdo waxaan kuu imanayaa 2:12 duhurnimo, lagama yabo inuu hal daqiiqo kaa habsaamo, hadda kuma lihi wuxuu xaga hore ka soo qadimayaa waqti, waxaan u jeedaa; wuxuu kuu imanayaa isal daqiiqadda uu kula ballamay.
Waxaan ogaaday qofka aqoontiisa waxa dhisi kara inay kow ka tahay kolba siduu waqtiga u ilaaliyo. Ilaalinta waqtigu waxay ka turjumaysaa shaqsiyadaada, iyo qiimahaaga qof ahaaneedba. Inteena badani se waynu ka been sheegnaa ballanta, waxaanse filayaa inay wadato noloshan magaaladu. Nin aanu saaxiib nahay (SAXAFI, Sadaam Maxamed Axmed) ayaa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye (AHUN) weydiiyay ilaalinta waqtiga iyo soomaalidii hore, waxaan aad uga helay jawaabtii uu maalintaa siiyay Abwaanku Saxafiga, waxay ahayd sidan “ Berigii hore Somalidu markay ballamayso waxay odhan jirtay, hayno ahaato barqada, ama gelinka danbe ama cawayskiiba, ogow ma jirto saacad khaas ama daqiiqad khaas ah, sidaasi waxay sheegaysaa inaanay been sheegi jirin”.
Waxaan idinkaga tegayaa, cashar fiican oo aan ka bartay ninkan cad, oo ah inaad ilaaliso waqtiga waxaa kuugu hagaagay dhamaan noloshaada, waxay kugu hagaysa badhaadhe nololeed, waxay bilaysaa naftaada iyo shaqsiyadaada, waxay kaa dhigaysaa nin door. Intaanan idinka tegin, aniga iyo aadiguba ma bilaabi karaynaa inaynu nafta ku tababarno ilaalinta waqtiga. Waxaan inoo rajaynaa inuu ilaahay inoo fududeeyo hawshaas.
ALLE HA INAGA DHIGO KUWA KHAYRKA ISU SHEEGA XUMAHANA ISKA REEBA

Mustafe Ahmed Hassan (BEA, MEPP)
Mustafeh2@gmail.com
Twitter: Ahmed Deeq
Facebook: Mustafa Ahmed
Skype: DeckAhmed

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete