Thursday, August 22, 2013

18 May Siday Ku Timi

Maxamed Jaamac Meygaag
Sida aynu wada ognahay Somaliland waxaa ilaalin jiray dalka Ingriiska dhamaadkii qarnigii 19aad ilaa badhtamihii qarnigii 20aad (British Protectorate). Halkan dheer oo ay galeen awowyadeen ayaa lagu hirgaliyay inaynu dib ula soo noqono xorriyadeenii 26kii Juun ee 1960kii. Markii aynu qaadanay xorriyadeena ayaa markiiba waxaa Somaliland aqoosaday 35 dal oo ay ku jireen dawladaha caalamka ugu awooda badan eek a mid yihiin dalki ina ilaalin jiray ee Britain, Maraykan ka.
Iyadoo dadka reer Somaliland lagu yaqaanay inay jeclaayeen in dadka ku hadla afka soomaaliga eek a koobnaa 5ta (koonfurta Somalia oo uu gumaysan jiray dalka talyaanigu, Somaliland oo uu ilaalin jiray dalka Ingriisku (British Protectorate), Jabuuti oo uu gumaysan jiray (French Somaliland) iyo NFD oo uu gumaysan jiray Ingriisku iyo Kilirka 5aad oo uu gumaysan jiray Ingriisku. Ayna wada noqdaan dawlad kaliya oo leh awood buuxda.
Hadaba, markii ay Somaliland qaadatay xornimadeedii 26kii Juun ee 1960kii oo ay dadka reer Somaliland aad ugu faraxsan yihiin helidda xoriyaddoodii aya dadkii reer Somalia na heleen xorriyaddoodii 1di Juulay ee isla sanadkaas. Ayaa markii ay odayaasheenii yidhaahdeen si aynu u helno 5tii Somali waa inaynu ku darsanaa dalkan walaaladeen ah ee iyaguna helay xorriyaddoodii. Markaasaa si shuruud la’aan ah oo aan waraaqo iyo cadaymo toona laga reebin la isku darsaday.
Kadib markii aynu isku darsanay, ayaynu waliba ku ogolaanay shuruudo aan la aqbali Karin oo aynu aqbalnay waxaana ka mid ahaa shurudahaas. Inay Koonfurta Somalia qaataan mansabyaddii ugu sarreeyay ee ay dawladdi ku dhisnaato, sida
·         inay Caasimadda dalka Somalia noqoto Muqdisho,
·         inay Madaxweynaha yeeshaan koonfurta Somalia
·         Inay wasiirka Arimaha Dibadda, Gudaha, Gaashaan dhigga ay yeeshaan Somalia
·         Inay yeeshaa badhasabka gobolka Banaadir uu noqdo qof ka soo jeeda Koonfurta
·         Inay yeeshaan Taliyaha Ciidan Qaranka iyo ka boolis-kaba
Dawladdii Somaliland ee ku ogolaatay intaas oo shuruud ah waxaa loogu abaal-guday in loo geyto dhibaatooyin aynu si fiican uga wada dharagsan nahay iyo xasuuq loo gaystay dadkii reer Somaliland ahaa eek u noolaa goboladda Somaliland. Qaybihii kala duwanaa ee bulshadii reer Somaliland ee barigaa joogtay ayaa ka dhiidhiyay, falalkii arxan-darrada ahaa ee lagu hayay dadkoodu ku noolaa koonfur iyo waqooyiba. Markaasay bilaabeen inay is abaabulaan oo ay iska dhiciyaan taliskii iyo Diktaatooriyaddii Siyaad Barre. Waxaa samaysmay ururo badan oo u dedaalaya sidii ay uga xoroobi lahaayeen, hanjabaadii, haddidaadii iyo waliba dhibaatooyinkii aan ka la go’a lahayn ee lagu hayay madaxdii iyo hal-doorkii Bulshada reer Somaliland.
Dhibaatooyinkas is xig-digay waxay dhaxal-siisay dhalinyaradii Somaliland iyo Somalia ba iyagoo is kaashadaan inay iska caabbiyaan xukunkaas kali-taliska ahaa ee Siyaad Barre. Waxaa ka dhashay DHAQ-DHAQAAQII WADANIGA SOMAALIYEED  ee (Somali National Movement SNM). Dhalinyaradii samaysay ururkan oo u badnaa dhalinyaradii ka soo jeeday goboladii Waqooyi Galbeen (imika Somaliland) ayaa micnaha iyo muhiimadda ugu wayn ee ka dambaysay ururkani ahayd sidii looga tuuri lahaa taliskii Axmaq-nimada iyo xasuuqa u saaxiibka ahaa ee uu hoomiyaha ka ahaa Siyaad Barre. Ururkii wuxuu isku badalay oo ka dhashay inay dhalinyaradii iyo odayaashii ku wada jiray ururku ay qaataan inay dib ugala soo noqdaan madaxbanaanidii aynu la doonaynay horaantii Lixdamaadkii. Hadaba 18kii May ee 1991kii ayaa dadkii reer Somaliland ku shireen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo lagu gaadhay inay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideedii.
Hadaba maalinta 18ka May ee sanadkasta waa maalin ku mudan oo muhiimad aan la soo koobi Karin u leh dhamaan umadda reer Somaliland. Laakiin waxaa kala duwan siyaabaha loo xuso 21kii sanno ee ugu dambeeyay. Hadaba horaantii 90naadkii aad looma xusi jirin oo dawladdu waxay ku mashquulsanaan jirtay nabadayntii beelaha iyo hub-ka-dhigistii dadwaynaha. Dawladdihii barigaa joogayna Madaxweynahaa ku soo saari jirey Dikreeto Madaxweyne oo uu sheegayo inay gaadhay wakhtigii xuska maalinta madaxbanaanida Somaliland. Xuska 18ka May waxay dadwaynuhu bilaabeen inay iskood isku abaabulaan oo ay xusaan una debaal-degaan. 10kii sanadood ee ugu dambeeyay iyadoo ay kala duwanayd siyaabaha loogu debaal-degay xuska maalintan qaaliga ah.
Markii uu Kulmiye ku guulaystay doorashadii Somaliland ka dhacday 26kii juun ee 2010kii iyo waliba sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee loola kala wareegay taladii dalka. Bilawgii sanadkii hore ee 2011kii dadwaynaha reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku nool ay si aan hore loo arag ugu diyaar garoobeen bilihii ugu horeeyay ee koowaad iyo labaad ayaa dhamaan goobaha ay dhalinyaradu ku kulanto ee ay ka mid yihiin Mareegaha Internetka sida facebook ga oo ay isku waydaarsadeen fikradahooda iyo isku soo dhawaanshaha dadyawga reer Somaliland kadib na  ku shaqleen kana dhigteen sawiradooda Calanka Somaliland. Taas oo markaliya indhaha caalamku soo jiiteen dalkan yar e curdinka ah ee nabadda iyo dimuqraadiyadda ka hirgashay. Hadaba maxaa sabab u ah in sanadkan na sidii sanadkii hore iyo si kasii horumarsan loogu debaal-dego, mise dawladda ayaa barigaas cusbayd oo jibbadeedii ayaa ina haysay?.
Xuska 18ka May iyadoo ay tahay maalin xus iyo xusuus mudan. Muwaadin maalinta madaxbannaanideenu ma waxay noqotay;
1.      Maalinta kaliya ee ay dadka reer Somaliland yihiin wadaniyiinta
2.      In xafladdo lagu qabto Qasriga-Madaxtooyada oo ay ku baxdo lacag aan qadarkeeda la soo koobi Karin iyadoo lacagtaas lagu qaban lahaa ama lagu dayactiri lahaa arimaha muhiimka ah ee bulshadu u baahan tahay sida horumarinta wadooyinka iyo waxyaabo badan oo danyarta iyo darbi-jiifka wax loogu tari lahaa (anigoon ka soo hor-jeedin xuska laakiin waxaan ii muuqatay in lacag aad u badan ay ku baxdo fantisayaha madaxtooyada ka dhaca, xusna waxaa inagaga filan inaynu beerta Xorriyadda subaxnimada ku xusno)
3.      Maalinta kaliya ee ay fannaaniinta dalka joogtaa ay shaqaystaan, halkaas oo ay hudheelada magaalooyinka dalka lagu qabto xaflado loogu magacdaro debaal-degga xuska sanad guurada madaxbannaanida Somaliland. Halkaas oo ay  ka dhacaan xaflado huwan magaca debaal-degga laakiin ay marka dambe isku badalaan meelo fusuq iyo fasahaad aad u xun uu ka dhaco. Halka Fannaaniinta dalka qurbaha joogtaana ay munaasibadda 18ka May u dhigaan xafladdo aad u qiimo badan ay ku xusaan dalalka ay joogaan, lacagta ka soo baxdana la sheegay inay dalka dib ugu soo celiyaan si loogu qabto dadkooda iyo dalkooda kolba halkii u baahan. Lacagtaasna ana la ogayn cidda lagu soo hagaajiyo iyo meelo ay ku baxdo ba.
Ugu dambeyntii waxaan soo jeedin lahaa in maalintan oo ah maalin qaran in laga dhigo maalin laga shaqeeyo danta guud, kharashkan badan ee ku baxa xafladaha aan macnaha badan lahayn in looga faa’iideeyo laguna horumariyo wadooyinka, lagu dhiso goobo caafimaad, waxbarasho iyo wax kasta oo wax u tari kara bulshadeena.
Dadkuna inay ogaadaan in maalinkasta ay tahay maalin loo baahan yahay in wadani-nimadu shaqayso waad mahadsantihiin dhamaantiin



W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. dalbato amaah ah

    bixiya deymaha oo leh dulsaar aad u yar oo ah 2% in ka badan ay dheer iyo mid gaabanba
    dheer
    Duration Period.

    Waxaan bixinaa deymaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah Collateral iyo Non-Collateral in
    shaqsiyaadka iyo ururada ganacsiga adduunka oo dhan.

    Iyadoo baakadaha naga dayminta dabacsan deymaha loo samayn karo iyo lacagta
    wareejiyo amaahdaana 10 maalmood oo shaqo gudahood.

    Ma waxaad raadineysaa amaah ganacsiga, daymaha shaqsiga, daymaha mortgage, Auto
    deynta, deyn arday, deyn xoojinta deynta, maalgelinta hantida maguurtada ah /
    mashruuca
    deyn gaarka ah, ay adag tahay deyn lacag iwm ..

    Haddii laguu diiday deyn iyo leedihiin taariikhda credit xun, ma
    argagax. Waxaan kaa caawin karaa
    nala soo xiriir @ alikodangotefinancialhome @ gmail.com
    ================================

    [image: Mensaje]
    Name:

    Telephone1:

    Telephone2:

    Email:

    City:

    State:

    ZIP Code:

    Country:

    Status:

    Date of Birth:

    Lacagta codsiga amaah ?:

    Length ee Loan ?:

    Haddii loo baahdo ?:

    Ujeedo ee Loan:

    Bishiiba Annual dakhliga / MUSHAHARKA:
    Shaqada:
    Category amaah lagama maarmaan ah sida ku qoran:
    email: alikodangotefinancialhome@gmail.com

    ReplyDelete