Monday, August 26, 2013

Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? Q.1aad W/Q. Maxamed Action

Qeybta Koowaad
Maxamed Jaamac Meygaag

Dhamaan marka hore waxaan salaamayaa bahweynta wax-akhriska jecel iyo qalin leydaba kani waa maqaalkii labaad ee aan u qalin qaato markaa wali waan ku cusubahay dhinaca wax qoristee wixii aan dhaliil yeesho intaas iigu cudurdaara. Maqaalkani waxaa laga yaabaa inaanu dad badan macno u samaynin una qaataan wax-iska maalaayacni ah oo aan wakhti badan oo aan helay uun kaga faaiidaystay laakiin walaahi waa arrin aan aad uga damqaday una baahan in lagu baraarugo ay aad u muhiim tahay, wali ay dhawdahay waxka qabashadeedu. waxaanan ku bilaabayaa magaca Eebe. Afka Ingiriisigu malaha wuxuu ku wanaagsanaan lahaa in laga dhigo afkeena koowaad waa u jeedada ugu weyn ee aan maqaalkan kooban u soo gudbiyay, waana iga talo soo jeedin markaan arkay meelkasta iyo wakhti kasta inuu inagula fal-galay.
Iyadoo aanay sidaad u sii durug-sanayn wakhtigii afka Soomaaliga la qoray oo ay ahayd 1972kii. Haddana waxaad moodaa in uu sii dabar-go’ayo afkeenii hooyo. Waana sababta aan maanta ugu qalin qaatay inaan bal wixii ilaahay iga garan siiyo aan ka qoro, intaas oo dhan ka hor waxaan jecelahay inaan bal dib u yara eegno ama aan is waydiino, afkan Soomaaliga ahi ma afkeena koowaad baa sida dastuurkeenu sheegayo? Yaa ka masuul ah ilaalintiisa iyo keydintiisa ba? In laga xarragoodo yaa sababay? In afkeena hooyo laga doorbido afafka qalaad halkay asal ahaan ka soo jeedaa ama waxyaabaha sababaa maxay yihiin? Ma waxaa ilaalintiisa laga sugayaa dhamaan umadda afka Soomaaliga ku hadasha mise ciddii is-xilqaami kartaaba way soo celin kartaa haybaddii iyo sharaftii afkeena hooyo? Weydiimahan iyo kuwa badan oo kale ayaa igu kalifay inaan intii karaankayga ah aan idiin soo gudbiyo.
Anigu aad uguma wanaagsani afka kumanaan soo barbaarin meelo lagaga hadlo Af Soomaali sax ah sida meelaha baadiyaha ah. Laakiin waxaan ku garaadsaday iyadoo afkeena ay muquuniyeen afaf badan oo kale. Kalmaddaan is idhaahdo asal ahaan maxaa looga jeedaa marka ay isku kay qaban waydo macnaha ay ku fadhido iyo kalmadda lafteedu waxaan marka dambe ogaan jiray inay kalmaddani tahay mid laga soo waariday af qalaad. Inkasta oo uu afkasta oo adduunka ahi leeyahay afafkale oo badhxaa lakin dadyawga ama dawladaha horumaray way ladagaalamaan intii ay awoodaan. Hadday dalalka kale ee ay xidhiidhada la leeyihiin la shirayaan ama ay wax wada qabsigooda ka hadlayaan, dalna dalka kale ugama tanaasulo afkiisa isagoo ku sharfaya dalkan uu martida u yahay ama martida u ah. Haday sidaasi dhacdo na waxaaba suurta gal ah sida aan maqlay in masuulkii afkiisa af aan ahayn ku hadlaa sabab kamid ah  sababahaas aynu soo sheegnay ay ku dhacdo in uu waayo mansabka uu hayo culayska uu doonaba ha lahaadee. Afkeenu waa sida kuwaas aynu soo sheegnay wuxuu na koobsadaa afaf ay ka mid yihiin Hindiga, Carabiga Ingiriisiga IWM. Hadaba inaga maxaa inoo diiday oo aynu uga sii jeednaa afkeena, miyaa laga waayay cid u kacda oo u tafa-xaydata ama u damqata afkan sii dabar-go’aya. Waan u mahadcelinayaa way jiraan ururo badan oo jecel ama ku magacaaban soo celinta iyo dib u ururinta afkeena laakiin iyaguna wax la taaban karo kama qabtaan ee xafladdo iyo munaasibado aan midho dhalin ayay wakhti badan ku lumiyaan.
Dawladda Djabouti waa dawlad aad iskaga xilsaarta sidii ay u ururin lahayd ama ay u hanan lahayd dhamaan hal-doorka ay ku tuhmayso inay yihiin Maktabadaha Suugaanta ama afka Soomaaliga. Maalinta afka hooyona si fiican ayay u xusaan, taas lafteedu may yaraynin sii liidashadii afka Soomaaliga. Dhamaan dalalka afka Soomaaliga ku hadla dastuuradooda waxaa ku xardhan in afka Soomaaligu yahay afka koowaad ee lagaga hadlo dalkooda, laakiin in uu afka koowaad noqdaa ma waxay ku dhamaystiran tahay in lagu hadlo inyar inta kalena lagu hafiyo afaf qalaad. Waa in la ogaadaa halka ay sartu ka qudhuntay, dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu masuul ayay ka yihiin dhibtan ku dhacday afkeenii aynu ku dhaadan jirnay.in badan ayaan u kuurgalay bal inaan ogaado oo aan indha-indheeyo waxaana ii soo baxay qaybahani inay yihiin kuwa xagal-daaca ku ah horumarka afkeena hooyo ugu horeyna waxaa ka mid ah
1.      Dawladda: Dawladdu waxay masuul ka tahay ilaalinta waxyaabaha soo jireenka ah ama bulshada ay maamulaysaa laga dheehanayo jiritaankeeda sida Hiddaha, Dhaqanka, iyo Suugaanta oo uu afku sal ba u yahay. Hadaba siday dawladdu uga qayb qaadataa hoos u dhaca afkeena hooyo? Weydiintan jawaabteeda waad haysataan, haddaan se idiin saafo, dhamaan xafiisyada dawladda, warbixinaha ay soo saaraan iyo munaasibaddaha ay ka qeyb qaataan ba waxaa aad uga muuqda inay afka qalaad ee uu Ingiriisigu u xoog badan yahay ku hadlaan intooda badan. Oo haba yaraatee afkii Soomaaliga ahaa uu ku yaryahay, marka laga tagi waayo, araajida la qorto marka xafiis ay dani kaa gasho, war saxaafadeeddada qaar. Waxaan mar ka qeyb galay munaasibad ay shirkadi ku soo bandhigaysay waxay ka shaqayso iyo sida ay dadku uga faaiidaysanayaan badeecadooda, shirkadani mar hore ayay ahayd furitaankeedu laakiin munaasibaddani waxay ahayd mid ay hawleheedii si toos ah u bilaabaysay ayaa mid ka mid ah wasiirada oo lagu marti qaaday munaasibaddaas hadalna ku lahaa ayaa markii ay gaadhay wakhtigii uu/ay hadal ayaa wuxuu ku bilaabay/bilawday, shirkaddan markaanu LAUNCH-garaynaynay sanadkii hebel. Launch waa kalmad af ingiriisi ah laakiin loo hayo soomaali fiican mana aaminsani in baahi loo qabo kalmad soomaali fiican loo hayo in ingiriisi lagu badasho. Kuma dhaleecaynayo kumana durayo masuuliyiinta dawladda, intooda badani intii karaankooda ah way ku hadlaan tixgalinna way siiyaan soomaaliga.
Lasoco……………….Qeybta Labaad
W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag
+252 63 4429181


Email: action50@gmail.com

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete