GUURKU WAA BADHAADHAHA NINKUU EEBBE GARANSIIYO!!! W/Q: Mustafe Axmed Xassan
Mustafe Axmed Xasan
Waxaan jeclaystay inaan mar labaad ka fal celiyo qoraalka “Afrika lama
dhalee waa la dhagaroobaa!” ee uu qoray Axmed Ismaaciil Maxamuud
(Axmed-Deeq). Ka falcelintaydu waxay inta badan ku jaan go’naan doontaa
doodaha cilmiga ah, iyadoon dhaabbad uga dhigi doono isa sixid, iyo
wanaag farid. Maqaalkaygii hore (Adaa deeqda bixiyee allow ubadka noo
badi) ayaan kaga hadlay, halka ay shareecadu ka taagantahay fikirka
Qorshaha Qoyska, mana rabo inaan mar labaad ku noqdo. Hal mid ayaase u
baahan ku feejignaan, arintan ayaa ah; Haddii dooda soo galaan HADALKA
EEBBE (QURAANKA KARIIMAKA AH) iyo Hadalka Rasuulkeenii shariifka ahaa
(XADIISKA), waxa meesha ka baxaya afarta kelmadood ee kala ah “Waxay ila
tahay”, “waxaan u malaynayaa”, “aniga fikirkayga”, iyo “sidaan u arko”.
Sababta aan u soo qaadanayay Aayadaha Qur’aanka ah iyo Axaadiistu waxay
ahayd: Ku shareer waxay sheegataba ha waydee!, dulucdayduna waxay ahayd
inaan walaakeen Axmed deeq ku saxo una tilmaamo tubta san. Welise waxaa
muuqata in walaalkeen si ugu indho adagyahay fikirkan, aynu se isku
dayno bal inaynu haddana u caqli celino. Sida aad ku aragteen
intiinii akhriday qoraalkaygii hore, waxaan ku sheegay in ALLAAH arsaaq
oo dhan bixiyo, haddana dadka looga baahan yahay inay la yimaaddaan
sababta (Irsiqooda Raadsadaan). Sida qoraaga hadalkiisa ka muuqatana
wuxuu baal marsan yahay xaqiiqada iyo mucda hadalka, wuxuu yidhi ”Lama
arag arsaaq fawdo ah oo samada ka soo daadata”, Iskuma hayno in ILLAAHAY
arsaaqda bixiyo, adaaba qiray taas, iskumana hayno in arsaaqdu u
baahantahay juhdi iyo dadaal, oo anaaba kuugu sheegay qoraalkaygii hore.
Waxa aynu isku haynaa se waxa weeye; Ma loo baahan yahay in dhalinta
lagu dhiiri geliyo inay guursadaan? Mase loo baahan yahay in taranta la
badiyo? Inta aanan se bilaabin jawaabaha labadaas su’aalood, waxaan
jeclaan lahaa inaan wax ka idhaahdo weedho aad iiga yaabiyay oo qoraagu
ku tiraabay, akhriste adna aad iila dhugo. Qoruhu wuxuu yidhi “Haddii
sidan raqiiska ah lagu dodo oo ubadka soomaaliyeed EEBBE lagu xawilo,
waxaa maanka shaqynaya ku soo dhacaya; EEBBE ubadka soomaaliyeed ee
muslinka ah ma wuxuu ka jecel yahay kuwa ingiriiska ah ee gaalada ah”.
Qoraha waxaan garan waayay inuu hadalka EEBBE u yaqaano raqiis iyo in
wax kale is tuseen, waayo qoraalkayga waxaan dhaabad uga dhigay HADALKA
ALLAAH IYO RASUULKIISA (NNKHA). (walaalkay waxaan leeyahay kasoo noqo
hadalkaas). Waxaa kale oo iyana iga yaabisay fikradda ah ah inaan
ingiriis ilmo faqiir ahi ku noolayn oo uu qoruhu aaminsanyahay! Dunidan
aynu ku nool nahay ilaahay ma simin, xikmad ayaana ku jirta arintaas.
Dadku waa sida faraha oo iyana ma sinna, mid waa faqiir, mid waa
miskiin, mid inyar ayuu ALLAAH u dhiibay midna ALLAAH waa u badiyay,
isagaana xikmadiisa sidaa ku yeelay. Tani waxay ku tusaysaa in aanay
dhici Karin in dadku sinaadaan (Fikirkii shuuciyadda) sida dad badani
aaminsanyihiin. Inta badan qoruhu wuxuu isku qaldayaa laba doodood
oo isaga isku si ugu muuqda se aad u kala fog, aan isku dayo inaan idiin
kala saafo. Midda koowaad waa dhasha badan oo uu u haysto hooyada
mushkiladda, midda labaadna waa masuuliyadda waalidka ka saran ubadkooda
(Waxaan xasuustay heeskii Khadra Dahir Cige Cudurka kaa gala fardaha…..
Haddii laga gubo dameer…. Daawada lama gaadhayee….). Masuuliyad darada
waalidka siiba aabbaha waa wax jira, waanan ku raacsanahay walaalkeen,
waxaanan ugu darayaa inay iyadu tahay halkay sartu ka qudhuntay!, Aabbo
aan shaqo tagayn; Aabbo aan caruurtiisa daryeelayn; Aabbo aan ubadkiisa u
war hayn; Aabbo iska qayilaya; Aabbo aan diyaar u ahayn inuu gutto
waajibaadkiisa ayaa ah ka sababay faqriga iyo dib u dhaca. Aniga
fikirkayga, in ka badan 75% qoysaska soomaaliyeed waxa gacanta ku haysa
hooyo, kaalintii aabuhuna waa banaantahay. Balka waran hadii aabuhu ka
soo bixi lahaa kaalintiisa, isagoo masuul ka noqon lahaa quud raadinta
qoyskiisa, hooyaduna tarbiyadda ubadkeeda iyo xanaanayntooda, maxaa inoo
soo bixi lahaa? Jawaabtu waa, Ummad dhisan, dad jidhka iyo caqligaba ka
caafimaad qaba. Walaalkeen aan saxo e, “iska dhal dhal” waxa keentay
masuuliyad darrada aabaha, waana mushkilad aad u dhib badan oo inna
haysata. Dooddii aan kusoo noqdo, Ma loo baahannahay in dhalinta
lagu dhiiri geliyo inay guursadaan? Mase loo baahan yahay in taranta la
badiyo?, jawaabtu waa HAA, sababtoo ah xigmadda guurku waxay ku salaysan
tahay cibaado buuxda. Nebiga NNKHA ayaa laga weriyey in uu yidhi “Ninka
guursadaa wuxu dhamaystiray qayb (50%) diintiisa ah inta kalena Allaah
ha uga baqo oo keliya.” Waxa kale oo iyana cad inuu guurku daawo u yahay
mushkilado badan oo ka dhex jira bulshada, ha ugu horeyso cudurada wax
gumaada, sinada, faqriga, raxmadda EEBE oo yaraata, abaaro iyo
dhibaatooyin soo noqnoqda, iyo qaar kaloo badan. Nin aanu saaxiib nahay
ayaa igula kaftamay hadalkan isagoo igu dhiiri gelinaya guurka “Mustafow
markaad imika ilaahay baryayso waxaad la hoos joogtaa hal bilaydh
(saxan), markaad se guursato waxaad ilaahay la hoos tagaysa laba
bilaydh” ana waxaan ugu daray “Iyo laba saxan wax ka badan” anoo u jeeda
ubadka soo kordhaya. Waxaan idinkana idinkana idin leeyahay “Ilaahay
saxanno fara badan la hoos taga!!”, macnaha ubadka badsada. Shaikh
Al-Nafsawi oo ahaa caalim Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu
buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir fii Nus-hatil-Khaadhir), aad ugu dhiiri
geliyay guurka, xataa wuxuu gaadhay inuu yidhaahdo “gabadha leh
astaamahan soo socda yaan sinaba looga daahin guursigeeda….”. waxaan
kaloo idinku dhiiri gelinayaa inaad daawataan muxaadarada (Lecture)
“dhiiri gelinta guurka” ee sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, si
aad uga heshaan aqoon aad u badan (Muxaadarada sheekha waxba kamaan soo
qaadan markaan qoraalkan samaynayay; keligeed ayaa u baahan in qoraal
xaashiyo fara badan) Guntii iyo gabo-gabadii, guurkuu waa sunne
fiican, aynu kaga dayano Rasuulkeenii suubbanaa (NNKHA), aynu badsano
dhasha ALLAAH na ka barino ubad wanaagsan. Haddi aynu nahay aabayaasha
aynu ku dadaalno inaynu gudano waajibkeena, aynu daryeelno ubadkeena,
aynu u raadino nolol fiican. Haddii aynu nahay waalidka waxa ina saran
xil wayn iyo xaq culus, aynu iska xil saarno ubadka. Yeynaan se dhasha
isaga dayn cabsida aynu ka qabno faqriga. ALLE HA INAGA DHIGO KUWA WANAAGA IS FARA XUMAHANA ISKA REEBA Mustafa Ahmed Hassan (BAE, MEPP) Mustafeh2@gmail.com Facebook: Mustafa Ahmed
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDeleteWaxaan bixinaa cayn kasta ah oo amaah @ 3%, siday u kala horreeyaan. codsan
ReplyDeleteHadda in ay ka jawaabaan.
magacaaga:
Country:
qadar ah:
muddo of time:
Galmada:
Haddii ay sidaas tahay, fadlan igala soo xidhiidh e-mail: westerrnunionagency1@outlook.com
Salaan,
Mr.Peter Johnson.
Waxaan bixinaa cayn kasta ah oo amaah @ 3%, siday u kala horreeyaan. codsan
ReplyDeleteHadda in ay ka jawaabaan.
magacaaga:
Country:
qadar ah:
muddo of time:
Galmada:
Haddii ay sidaas tahay, fadlan igala soo xidhiidh e-mail: westerrnunionagency1@outlook.com
Salaan,
Mr.Peter Johnson.