Samatar Cabdiqaadir Gaaxnuug
Waxa aynu nahay Bani-aadam, ILAAHAY-NA (SW) wuxuu inoo sheegay inuu karaameeyay Bani-aadamka.Mayeedhaanka iyo Moodka waxaynu kaga duwanahay waa; Hanka, Hammiga, Hadalka, iyo Hirashada, waana halka ay ku jirto Hibada iyo Karaamada RABBI inagu galladay.
Xayawaanku way cunaan, cabaan, ciyaaraan islamarkaana, waxay kala fushadaan rabitaankooda Jinsi. Mustaqbalkoodu wer-wer iyo dhibtoona kuma hayo, waayo maba fikiraan, waxay sugaanba waa hadba Bay’ada ay ku nool yihiin siday iyaga u badasho, laakiin iyagu baabiin iyo barwaaqayn ay ku sameeyaan deegaanka ku hareeraysani haabkooda ma gasho, hankoodana maaha.
Qadarka iyo qorshaheenaba ilaahay baa qalinkooda haya. Ha yeeshee waxa laynooga baaahanyahay inaynu dadaalno, oo aynaan darjiidhin, inaynu hore-usocono oo aynaan hakanin, inaynu haybsano qayrkeena hagaagay balse aynan ku habsaamin kuwa hallaabay.
Adiga ayaa noloshaada iyo ta dadka kaleba maarayn kara, muunayn kara islamarkaana maamuusi kara, waa hadii aad xaqiiqsato inaad leedahay xeeladii iyo xirfadeedii oo aad wadato Karaamadii iyo xurmadii ilaahay kugu manaystay.
Bani-aadam iyo bahalba, barri iyo badba, buur iyo banaanba intaa way is badalayaan. Ha noqon mid aan noloshiisa qaabayn Karin, oo halkiisa ku suga saamaynta dhacdooyinka adduunka.
Waxa aad unki karta horumar iyo habayn shakhsi ah, mid bulshada kugu xeeran ah iyo mid adduuunka oo dhan ah.
Ugu horayn wa inaad tidhaahda wan samayn karaa “I Can do It” dabadeedna qorshaheediina lama timaadaa Ilaahayna (SW) tala saarataa.
Xikmad ingiriisi ah ayaa waxay tidhaahdaa.
‘’Those who can’t change their minds cannot change anything’’ oo macnaheedu yahay kuwa aan fikirkooga badali Karin ama aragtidoodu waxba ma badali karaan. Hadii aad aaminsantahay waxba ma qaban kartid, kob cagaar leh kasoo durdurin maysid, maalmahaaguna waxay noqon doonaan qaar isku mida oo aan wax farqi ahi u dhaxeyn.
Isku- day inaad bilawdo wax wanaagsan oo lagaa dhaxli karo, inaad noqoto mid samo-wade ah oo aan saxariir u horkicin bulshada, inaad noqoto Mudane ama Marwo lagu daydo balse aanad noqon mid Maxasta iyo Maatada la hadhsada, inaad noqoto Hormuud bulshada wanaaga ku hagi kara.
“AHU” Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa Gabey uu lahaa waxa ku jiray tuducyadan;
“Waxa maanta ii daran
Inaan daaro ololkii
Ragga iga danbeeyaa
Ninba dudub kor dhigi laa”
Hadaba noloshu waa qori–isu-dhiib’ e, kalkaagu yuu noqon mid lagu kadsoomo, qoriguna yaanu kaa dhacine kor u hay oo hore ula soco, oo noqo mid kob iyo karrinba lagu kaaftoomo.
W/Q: Samatar Cabdiqaadir Gaaxnuug
Email: Gahnug1@gmail.com
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete