Thursday, August 22, 2013

AYNU IS KAASHANO, WAA AYNU LIIBAANO!


Mustafe Axmed Xasan


Waxay ahayd su’aal aad u soo jiidatay dareenkayga, iguna xanbaartay iba-furidda maqaalkan kooban ee aan u qalin qaatay anoo isu diyaarinaya hurdada, waxay badhtanka u taallay maqaal kooban oo laga qoray gaajada iyo faqriga dishooday Africa, Su’aashani aadka ii xiisaha gelisay waxay ahayd “side loo yaran karaa faqriga ka jira Afrika?”1. Isla su’aashaan ayaan ka falkiyay hormo weydiimo ah oo ay ka mid yihiin, weli ma ka fekernay inaan la dagaalano faqriga? ma u heli karnaa xal waara (sustainable solution) faqriga? halkay ku qotomaan xididada guun ka ah ee faqriga ina daashaday?. Jawaabaha su’aalahaas ayaan u arkay qaar ka biyo dhiijin kara xal na u noqon kara mushkiladda kor ku xusan.
Waxa xaqiiq ah in aynu u garbo duubanahay faqri aynu inagu galabsannay, se waa wax naylala qabo oo ay inala wadaagaan intaan dub iyo degel wadaagno, dhinaca kale, yaraynta faqriga iyo gaajada afrikada madaw waa mashruuca ugu dhaqaalaha fiican ee Imbaraadoorrada gaajadu (NGO-yada reer-galbeed) kaga qadhaabtaan qaaraddan baylahda ah, khaas ahaan degelkeenan aynu ku uuman nahay, waxay ku jirtaa oo ay ka tahay mudanta waxay ugu yeedheen Higsiga Horumarka Qarniga (Millennium Development Goal) oo ah qandaraaska qawlaysatadu ku qadhaabtaan, xaqiiqdii maaha arrin daacad laga yahay in la cidhib tiro ama ugu yaraan wax buuran laga qabto. Haddii se daacad laga yahay way dhici kartaa ama dhici kari lahayd in lagaga dhabeeyo wax ka yar 100 ka sanno ee ay u qabteen.
Akhriste aan kula wadaago qoraal kooban oon ka sameeyay iskaashiga (Iskaashiga waxaan u arkay habka ugu fudud ee loo yarayn karo faqriga). Iskaashigu waa hab aad wax uga tari kara kobaca dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka, waxa uu wax wayn ka tari karaa yaraynta gaajada iyo faqriga, sidaynu xusi doonana waa hab ay diinteena suubani aad inoogu dhiiri gelisaym meelaha qaarna waajib ka dhigtay (sida Sakada). 
ISKU XIDHKA BULSHO IYO ISKAASHIGA:
Isku xidhka bulshadu waa asaaska iskaashiga iyo wax wada qabsiga mujtamac kasta oo meel ku wada nool, dadka inta EEBBE sabo ku wada uumay waxay u baahanyihiin inay abuurtaan xidhiidh soke oo iska war hayn iyo wax wada qabsi ku qotoma. Tani waxay horseedi kartaa kor u kac dhaqan-dhaqaale, yaraynta faqriga iyo badhaadhe nololeed waara. Maaha wax cusub oo hadda la tijaabinayo se waa fikrad hore loo tijaabiyay isla markaana si fiican u guulaysatay. Ka hor 1400 oo sano taariikhda hijrada (Waqtigii Nabiga NNKHA), waxa jiray qabiil reer yamaneed ahaa, qabiilkani waxay caado u lahaayeen waqtiga beeruhu soo go’aan inay hal meel isugu keenan dhamaan raashinka qaydhin ee u soo go’ay, ka qaniga ahi wax badan ayuu keeni jiray, ka faqiirka ahina inta uu awoodo, ka aan waxba haysanna naftiisa ayuu la imanjiray goobta. Marka laysu soo ururiyo dhamaan wixii dheef la hayay, ayay si siman u qaybsan jireen, qoys waliba wuxuu meesha kala caraabi jiray quruskiisa. Ninkii qaniga ahaa iyo kii faqiirka ahaa waxay goobta ka huleeli jireen iyagoo siman, markii Nabiga (NNKHA) looga sheekeeyay dhaqankoodaas fiican wuxuu yidhi “kuwaas waa iga mid anna kamid baan ahay” oo u dhigmaysa kuwaas waxaan nahay mac. 
Haddii fikirkani shaqeeyay 1400 oo sanno ka hor, ma kula tahay inuu hadda shaqyn karo? Jawaabtu waa ‘HAA’. Maxaa inaga inoo diiday inaan NABIGA NNKHA ka mid noqonno isaguna inaga mid noqdo?!, Miyaanay habboonayn inaan is caawino oo keenna faqiirka ah gacan qabano, oo keenna qaniga ihi hoos u eego walaalkiisa aan waxba haysan. Waxa jira xaq wayn oo jaarku isku leeyahay, xaqan inteenna badani waan dhayalsannaa, ama kama war hayno, tolow ma diintaa inagu yar?! Mooyi!. Rasuulku NNKHA wuxuu aad inoogu boorriyay is caawinta iyo ka war haynta jaarka. 
Dadkeenu waxay aad ugu fiicanayihiin wax bixinta, waa bulsho qani ku ah wax isa siinta iyo dhiiri gelinta walaaltinimada, qoomiyadaha kale ee ilaahay inagu wada uumay qaaradan dihin way inagu majeertaan arrintan. Akhriste, dhacdooyin tiro beelay oo arintan khuseeya ayaan goob jog u ahaa, se aan idilna wadaago mid ama laba ka mida. Waqti ku siman laba bilood ka hor ayaan ka war helay in culimo isu xilqaantay dib u dhisidda masaajidka Saalixiyada ee burco oo jira in ka badan 100 sanno, Maalin jimce oo aan ku tukanayay masaajidka Rusheeye (Masjidka Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir iimaamka ka yahay) ayaa culimadu ka hadleen arinkan, dadkana ku dhiiri geliyeen ka qayb-qaadashadiisa. Dadkii maalintaa ku tukanayay masaajidku waxay ku deeqeen lacag kor u dhaaftay 130,000,000 SL.SH(130 Milyan oo shilin Somaliland ah)2, lacagta guud ee loo hayo hadda masaajidkaas ayaa ka badan 4,020,000,000 SL.SH (Afar milyaar iyo labaatan milyan oo shilin Somaliland ah)3, lacagta xaddigaas leeg dawladi kumay deeqin ee waxa laga ururiyay jeebadaha dadka reer Somlailand. Markaas miyaanu dhab ahayn hadalkaygii hore ee ahaa “waxaynu nahay dad qani ku ah wax bixinta”. Tusaale kale aan idinla wadaago, waqtigii abaaraha ba’ani halakeeyeen dadka aynu walaalaha nahay ee reer Somaliya, dadka reer soomaliland waxay ku deeqeen lacag ka badan intay bixiyeen dawladaha isku sheega inay deeqaha bixiyaan (ALLAAH AYAA DEEQ OO DHAN BIXIYEE). 
Akhriste ma kula tahay inaan waqtigan u baahannahay abuuridda iskaashiyo ka dhex abuurma bulshadeena, tusaale, in 50 qoys oo kasta oo isu dhaw loo sameeyo shuraako fudud iyo sanduuq dhaqaale oo ay ku daryeelaan kuwooda an wax ba haysan. Waxaan aaminsanahay in sidani keenayso in la yareeyo faqriga muddo kooban gudaheed. Si aan kuu sii fahamsiiyo, ka soo qaad inaad shuraako iyo sanduuq dhaqaale u samaysay 50 qoys ee adiga jaarka kula ah, haddii 45 qoys oo kamida mid kiiba bixiyo 100,000 SL.SH bishii waxay noqonaysaa 4500,000 SL.SH (Afar milyan iyo badh shilin Somaliland ah), ka soo qaad in 5 ta qoys ee hadhay yihiin dad aan waxba haysan (dadka inooga baahan inaan caawino), hadii aan u qaybino 5 ta qoys, qoys waliba wuxuu helayaa wax ku dhaw Hal Milyan oo ugu fillaan karta raashinka uu bisha dhan quudanayo. Maaha culays wayn inaan bixino 100,000 SL.SH bisha dhan oon ku badbaadino nolosha qoys dhan. Wax ka badan 100,000 SL.SH ayaynu ciyaar ku luminaa maalin walba; ku cashaynaa;qof shaxaad u siinnaa; ama si kaleba inooga baxda. 
Iskaashiga noocan ihi wuxuu leeyahay faa’idooyin aad u badan, kuwaas wax aka mid ah:
1. Raxmadda ilaahay oo aan helayno, Ilaahay SWT wuxuu yidhi “isu naxariista aan idiin naxariistee”
2. Dadka oo is jeclaada
3. Is dhex-galka bulshada oo kobca
4. Faqriga oo yaraada
5. Barakada ilaahay oo aan helno
6. Nimcada roobka oo badata 
7. Maca rasuulka (NNKHA) oon aan helno I.W.M
Waxa laga yaaba inaad is waydiinayso “Sidee hawshan loo suuro gelin karaa?”, jawaabtu way fududahay. Siyaabaha ugu fudud uguna wax ku oolsan ee looga midha dhalin karo hawshan iyada ah ayaa ah wacyi gelin balaadhan oo la sameeyo, waxay u baahan tahay in dadka laga wacyi geliyo warbaahinta khaasatan fogaan aragyada (TV-yada), in sidoo kale dadka laga wacyi geliyo masaajidada iyo xalqadaha diinigi ah, iyadoo culimadu u sharxayso dadka siday shuraakada u samaysanayaan iyo siday dhaqaalaha u maamulanayaanba. Arrinta kale ee muhiim ka ah ayaa dood cilmiyeed-yo la qabto oo lagaga dodo arintan, khaas ahaan dadka bartay cilmiga dhaqaalaha oo aad u fahmaya hawshan iyo wax tarkeeda.
Guntii iyo gabo-gabodii, umaddeenu waxay ku danseegtay wax ka sugidda Hay’ado yar yar oo aan iyaba wax ina dhaamin (Gaajo Cariyayaal ah), waxaan aad ula yaaba marka hay’ad yari is tidhaa wax qabo xataa dadkeenu lacag (perdiam) ayay ku xidhaan. Waxa wax laga xishoodo ah wax aynu inagu qabsan akrno inaynu dad ka dawarsanno. Waxaan aad ula yaaba markaan warbaahinta ka maqlo magaalo wayn oo dadkeedu aanay garanayn kiciya ceelkan idika fadhiistay, oo ilaacadaha ka leh “Waxaanu hayadaha deeqda bixiya ka codsanaynaa inay noo kiciyaan ceelkii oo naga fadhiistay, ma haysano meel kalaanu ka cabno”. Runtii waa arin aad looga xishoodo, akhriste waxa laga yaabaa hadday 10 qoys isu tagaan inay iska bixin karaan qarashka yare e lagu kicinayo ceelkaas halbowlaha u ah noloshooda.
ALLE HA INAGA DHIGO KUWA WANAAGA IS FARA XUMAHANA ISKA REEBA

RAAD-RAAC:
1. Gordon McCord & Jeffrey D. Sachs (2005). Understanding African Poverty: Beyond the Washington Consensus to the Millennium Development Goals (MDG) Approach 
2. Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa masaajidka kasheegay xadiga lacagta oo ah in ka badan 20,000 oo doolar, anna waxaan u bedelay SL.SH
3. Culimadii ka hadashay dhagax dhigga masjidka ayaanka so xigtay

Mr. Mustafa Ahmed Hassan (BAE, MEPP)
E-mail: mustafeh2@gmail.com
Facebook: Musatafa Ahmed
Twitter: AhmedDeeq

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete