Qeybtii labaad
Maxamed Jaamac Meygaag
2.
Ururadda Dhalinyarada, kuwa maxaliga ah iyo kuwa
caalamiga ah waa meelaha anigu aan filayo inuu aad Soomaaligu uga liito.
Dhamaan magacyada ururada ama Hay’aduhuba hadaad u fiirsato magacyadooda waxay
ka kooban yihiin kalmado la soo gaabiyay una taagan afka qalaad ee Ingiriisiga,
sida Hay’adda ABC, WXYZ IWM. Dhanka kale dastuurada, shuruucaha u yaalla,
xeer-hoosaadada ay ku dhaqmaan iyo habsami u socodka xafiisyada iyo waliba afka
lagu isticmaalaa wada sheekaysiga iyo tilmaamaha oo dhani waa wada af
Ingiriisi. Mashaariicda ay fulinayaan
intooda badani waa Ingiriisi, hadalkasta oo aad ku aragto nin dhalinyaro ah
waxaa laga yaabaa in boqolkiiba 50 ay yihiin kalmado ingiriisi ah. Waxaan ka
qeyb galay tababaro badan oo ay qabanayeen Hay’addaha kala duwan ee dalka ka
dhisan, macalimiinta daadihisa tababarkaasi waxay ku hadlayaan kalmado
ingiriisi ah. Ta aad ka iiga yaabisay anoo maalin maalmaha ka mid ah ku jira tababar
dhalinyaro u badan ayaa waxaa I ga soo garaacay tilifoonkayga gacanta nin aanu
asxaab nahay, kadib waxaan u sheegay inaan ku jiro tababar, markii ba wuxuu igu
la soo booday waar ma CIIDAMADA ayaad ku biirtay waa maxay tababarka aad
sheegaysaa. Markaa waxaan is idhi ma adiga ayaa qaldan mise inanka. Markii
dambe se waxaan fahmay inanka hadaan ku odhan lahaa TRAINING ayaan ku jiraa
markii ba wuu fahmi lahaa. Taasina waa dhibaato kale oo laxaad leh.
Labadii sanno ee u dambeeyay waxaan
ururiyay kalmado af ingiriisi ah oo gaadhay 600 oo kalmadood oo
boqolkiiba 90 loo helayo turjumaadoodii afsoomaaliga ahayd oo sax ah laakiin
waxay aamineen in hadii ay kalmadahan ingiriisigooda ku hadlaan ay macno ka
wayn samaynayso ta soomaaliga. Way jiraan kalmado badan oo aan lahayn eray
bixin afsoomaali ah. laakiin kuwaasi waa
kuwo gaar ah. Sida kalmada STATEGY oo ay dadbada oo hal-door iskugu jira
sugaanyahanno, qoraayo iyo aqoon yahanno badan oo ku shiray Dalka Jabuuti waxay
kalmadaas rog-rogaan oo ay u raadiyaan afsoomaali ugu dambayntii waxay ku soo
macneeyeen ISTARAATIIJIYAD. Waxay igu qaadatay inaan munaasibad kasta oo
aan ka qeyb galo aan tiriyo dadka kala duwan ee ka hadlayaa inta ay soomaali ku
hadlaan iyo inta ay ingiriisi ku hadlaan ayaan waxaan u samaystay buug aan ku
xafido. Waanan sidan jiray buugayga munaasibad kasta kalmadahaas ingiriisiga ah ee lagu hadlayo
ayaan qori jiray, hadaan ku soo beegmo munaasibad anoon sidan buugaygana
tilifoonkayga gacanta ayaan ku sii xafidi jiray hadhawna waan ka wareejin jiray.
Kalmadah aan ururiyay aad ayay u
badan yihiin waxaase ka mid ah;
·
In capacity building ka
la dhiso
·
In advantage laga helo
·
In disadvantage ka laga
eego
·
In strategic plan ka la
horumariyo
·
In la implement gareeyo
·
In information sharing
la sameeyo
·
In la approve gareeyo
·
In la advocate gareeyo
·
In la train gareeyo
·
In la lobby gareeyo
·
In la join gareeyo
·
In la facilitate gareeyo
·
In la establish gareeyo
·
In la determine gareeyo
·
In corruption ka la
ilaaliyo
·
Institution ahaa
·
Aan comment ku daro
·
In aan context ka laga
bixin
·
In civic education ka la
sameeyo
·
In Youh centers la
sameeyo
·
In recreation la sameeyo
·
Effect ga uu ku leeyahay
·
In data la helo
·
In Research la sameeyo
·
In raw material la helo
·
In laga qayb qaato
Decision making ka
·
Waxaasi waa unique
·
Waxaasi waa series
·
U fikir si rational ah
·
In aan lagu confuse
garoobin
·
Anaa inoo lead gareynaya
·
Banker ayan aha
·
Follow ga barnaamijka
·
Waa role model
·
Unfortunately nasiib
darro
·
Challenges fara badan
·
Donors ayaa inaga
caawinaya
·
Emergency ha igaga
dhigin
·
Context keena marka laga
eego
·
Media heenu ma
wanaagsana
·
Waa case jira
·
Waa issue muhiim ah
·
Congratulate gareeyay
·
Level ka caalamiga ah
·
Foundation caan ah
·
Reform ka la sameeyey
·
Waxay shape garaynaysaa
·
Partners ayay la yihiin
·
La launch gareeyey
·
Cabinet ka la doortay
·
Globalized ayuu
adduunkii noqday
·
Waa very logic meeshaasi
·
In revenue ga la
kordhiyo
·
Waa arrin sensitive ah
·
International
recognition la’aan
·
Lack of expertise ayaa
jirta
·
Hundred percent weeye
·
Ayaa minute-ka inoo
qaadaya
·
Sheeko funny ah weeye
Intani waa qayb ka mid ah kalmadaha
faraha badan ee aan ka ururiyay bulshada qeybeheeda kala duwan waxaanan ku soo
bandhigi doonaa maqaalo kale insha’alah.
3.
Culimada diinta ayaa iyaguna ah kuwa dhankooda masuulka
ah hoos u dhaca afkeena. Sheekhyadu hawlo aad u muhiim ah ayay u hayaan
bulshada, haday tahay tilmaamidda xaqqa iyo farista wanaagga iyo xumaan
reebista ba. Hadaba dhanka ay iyaguna ka galayaan dabar-go’a afka soomaaligu
waa iyagoo markay dadka wacdinayaan, intay afka soomaaliga ku hadli lahaayeen
ay ka doorbidaan inay afka carbeed ku hadlaan, ama ay inyar na ku hadlaan afka
soomaaliga inta kale na afka carabida. suugaanta Tusaalayaasha u soo qaataan
marka ay wanaag sheegayaan ama ay xumaan dadka uga digayaan, dhamaan waa wada
suugaanyahanada carbeed. Markaa waxaan is weydiiyay talaw Suugaantiina ama
gabayaaga Soomaaliyeed miyaanay lahayn gabayo dhinaca diinta ka hadlaya? Haa
weeye jawaabtu oo sugaanyahanno badan ayaa leh qeybaha kala duwan ee suugaanta
oo ay uga hadlaan si aanay uga hadal carabtan aynu ka soo dhuxul-qaadanayno,
markaa maxaa Culimada Diinta u diiday inay tusaale ama tilmaamid u soo qaataan
gabayaa la wada fahmo fariinta uu wado, maxaa u diiday Gaarriye, Hadraawi,
Timacadde iyo dhamaan suugaanyahannada soomaalida meelkasta oo ay joogaan inay
halkay ka soo qaadan lahaayeen nin carabi ku gabyay. Dhamaan bal u fiirso
ogaysiisyada muxaadarooyinka, astaamaha meherada Maktabadaha Islaamiga ah, iyo
duruusta kale ee lagu bixiyo masaajiddada waxaa ku wada qoran af carabi inta
fahamtaaba ay aad u yartahay.
4.
Ganacsatada oo doorka ugu wayn ba ka qaata sii
xumaanshaha afkeena; bal hal su’aal ah aan idin weydiiyee yaa wali ku arkay
dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ka kooban tahay Somaliland, dukaan ama
meherad ganacsi astaanteeda ama magaca meheradda oo ku qoran afsoomaali sax ha
ahaado ama qalad e? Waxaan filayaa inay adagtahay, hadday se jirtaba aan la soo
helayn wax ka badan mid iyo laba meheradood. Mar aan cilmi baadhis kala
shaqaynayay shirkad la yidhaahdo KIMETRICA INTERNATIONAL ayaa waxaanu ka samaynaynay cilmi baadhis
dhamaan lixda magaalo ee waawayn iyo Wajaale oo aanu tirikoobaynay caqabadaha
haysta ee dhinac kasta ah, dadka aanu waraysanaynayna waxay wada iskugu jireen
ganacsatada waaweyn, dhexe iyo kuwa yar yar ee quutal-daruuragooda kala soo
baxa ganacsigaas. Marka laga tago shaqadayda iyo buuxbuuxinta weydiimaha looga
baahan yahay in wax laga ogaado, waxaa ii raacsanaa cilmi-baadhistaydii kale ee
ku saabsanayd u fiirsashada astaamaha (Boodhadhka) meherada aan waraysanayay
ama aan ku arkayay wadooyinka. Waxaan helay Dukaan ku yaalla Magaaladda Burco
oo ahaa ka kaliya ee aan ku arkay boodhkiisa afsoomaali oo uu si fiican ugu
qoray waxyaabaha uu ka ganacsanayo oo afsoomaali sax ah inta aan aniga ka
garanayay, laakiin anoo u bogay meheradan ayaa hadana waxaan arkay in Magaca
meheraddu ba ku qoran tahay af ingiriisi.
W/Q. Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Mobile: +252 63 4429181
Email: action50@gmail.com
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete