Maxamed Jaamac Meygaag
Waxaa akhristayaal wali inoo sii socda maqaalkeenii,
Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? waxaanay inoo maraysay bulshada qeybeheeda kala duwan
ee ka masuulka ah ama loo tiriyo inay qeyb wayn ka qaataan hoos u dhaca
afkeena, waxaan soo aragnay inay Dawladdu, ururada ama Hay’adaha, Culimaa’u
diinka iyo Ganacsatadu siday ugu lug-leeyihiin hoos u dhaca afkeena hooyo, oo
run ahaantii hiil qaran u baahan. Waxaa kaloo ka mid ah;
1.
Goobaha caafimaadka ayaa iyaguna ah kuwa masuulka ka
ah hoos u dhaca afka soomaaliga, iyadoo maanka lagu hayo, lana ogyahay in
hadalada ama odhaahyada loo isticmaalo caafimaadku aan loo haynin eray bixinno
afsoomaali ah. Laakiin haday taasi jirto waa la iska daynayaa miyaa oo sidooda
ayaa loo qaadanayaa? Jawaabtu waa maya. Dadkeena inta wax akhrida ama wax
qortaa iyadoo ay aad u badan yihiin, aanan hayninna tirikoob sax ah ama inta ay
boqolkiiba ka noqon karto bulshada inteeda kale, yaa la raalli gelinayaa? Ma
dad ingiriis ah ayaa meesha jooga miyaanay joogin dadkeenii danyarta u badnayd
ee xataa hadaad soomaali ku qorto ay ku adkaan lahayd inay fahmaan, ayaa hadana
goobkasta oo aad tagto oo caafimaad iyo qaansheeg kasta oo ay ku siiyaan waxaa
ku qoran af ingiriisi. Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxaad moodaa inuu aad u
dhaamo goobaha kale oo isagu in badan waxay isticmaalaan waadhdhka iyo qeybaha
kale ee uu cisbitaalku ka kooban yahay afsoomaali. Walow ay jirto goobaha cusub
ee imika lagu soo kordhiyay inay ingiriis ku qoran yihiin. Dhinaca kale marka
aad booqato goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, waxaad ku arkaysaa halkani
waa (Reception-kii, room-kii hebel, delivery room-kii, surgery room-kii) IWM.
Waxaa kale oo aan aadka uga yaabay xayaysiisyada ay soo galiyaan warbaahinta
qaybeheeda kala duwan ayaa waxaa ku wada qoran ingiriisi, mararka qaar ayay
farriimo afsoomaali ka gaadhsiis ah u dhiibtaa shirkadaha is gaadhsiinta si ay
u tebiyaan macaamiisha kolba adeegyada caafimaad ama dhakhaatiirta ajaanibka ah
ee ay shaqaale ahaan u soo kaxaystaan. Haddaba hadii aan loo haynin eray-bixin
soomaali oo u gaar ah caafimaadka maxaa
macnaha ama takhasuska dhakhtarkan loogu sheegi waayay afsoomaali. Tusaale
ahaan haduu ku takhasusay kalyaha ama ilkaha ama qeybaha kala duwan ee jidhka,
midkasta waa loo hayaa afsoomaali. Magacyadooda bal u fiirso GARGAAR MULTI
SPECIALITY HOSPITAL, HARGEISA CANADIAN HOSPITAL, SHIFO HOSPITAL, ABC DENTAL CLINIC
AND LABORATORY, mararka qaar ayaan is idhaahdaa malaha ma joogtid dalkii ee
waxaad joogtaa qurbihii afkan iska lahaa.
2.
Goobaha waxbarasho ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo
leeyahayba ayaa iyaguna qeyb laxaad leh ka qaata hoos u dhaca afka soomaaliga, marka
hore ba afka soomaaligu muhiimad wayn uguma fadhiyo mana aha duruusta loogu
jecelyahay ama tixgalin gaar ah la siiyo dugsi kastaba ama ha ahaado mid dawli
ah ama mid aan ahayn bee. Waxaana hadaad waydiiso ay kuugu jawaabayaan
soomaaliga sawnaga ku hadalna, ma barasho kale ayuu nooga baahan yahay, imikana
waxaaba laga dhigay in ardaygii doonayaana uu doorto ardaygii aan doonayna uu
iska dayn karo marka la soo gaadho dugsiyada sare. Marka imtixaan sanadeedka
lagaga gudbayo dugsiyadda sare iyo hoose ardayda dhibta ugu weyn ee soo
waajahdaa tahay inay baraarugaan oo ay dib u raadiyaan qof u sheega waxa uu
afsoomaaligu ka kooban yahay, kamana aha lexejeclo ee waa imtixaan ku dhaaf uun
waana masiibo kale iyaduna.
Doorkaasina waa mid ay dayacday
Wasaarada Tacliintu. Maamulayaasha iyo macalimiinta laftoodu ayaa iyaguna
dhankooda la daadagay afkeena, 2008dii
marbaan u shaqo tagay dugsi ka mid ah dugsiyada gaarka loo
leeyahay waxay ii qaateen macalin dhiga, farqurxinta (Handwriting) carabida iyo
tan laatiinka. Markaan shaqo galay ayuu maamulihii maalintii labaad igu yidhi
Maxamed-oow afka soomaaligana u dhig inta macalin kale aynu u helayno, waxaan
ku idhi soomaaliga dhigistiisu ma sahlana mana doonayo inaan ardayda yar yar
caameeyo, ee macalinkale u soo raadi. Wuxuu iigu jawaabay waar Maxamed maantana
ma afkii aad ku hadlaysay ayaad leedahay ma dhigi karo. ana haa ma dhigi karo
ayaan ugu jawaabay. Waxaan ku idhi ma dhigi karee ma u YEEDHIYAA uun. Markiiba
haaye u yeedhi ayuu igu yidhi. Ana sidii ayaan ugu yeedhin jiray laakiin
mararka qaarkood ayay I soo waajihi jireen kalmado aanan waligay maqal
ardayduna ay markaas kaa doonayso inay ogaadaan macneheeda, waxaan ku qancin
jiray inaanan u dhigin anigu soomaaliga ee aan u yeedhiyo uun, waanu soo wada
baadhi jirnay aniga iyo ardayduba. Sidaasaanan ku dhamaystay sannad
dugsiyeedkii, waxaaba suurta gal ah inaan anigu ku dhaamayba macalimiin badan
oo iyaguna afka soomaaliga u yeedhiya ardayda kala duwan ee heerarka kala duwan
ku jirta.
3.
Nolosha caadiga ah ee dadweynahay siiba dhalinyarada
ayaa iyaguna doorkooda ku leh hoos u dhacan. Kumana qaldana sida aan filayo,
waayo may arkin cid ku aba-bisa ama u sheegta inay afsoomaaliga leeyihiin.
Dhalinyaradu marka ay si caadi ah iskaga sheekaysanayaa ama ay wadaagayaan ba
fikrado ama aqoon-is- waydaarsi ba dhamaan waxay ku xoojinayaan fikradahooda
ingiriisi. Marka la isku dirayo dhambaaladda noocyadooda kala duwan ayaa
iyaguna waxay kuwada qoran yihiin afafka qalaad ee Ingiriisiga ama Carabida.
Marka ay dhalinta yaryari wadaagayaan doodo cilmi haku dhisnaadaan ama
af-miishaarnimo haku dhisnaadaane waxay ku saleeyaan af qalaad. Marka dhalintu
haasaawayso dhambaalada la isku gudbiyaa ama hadalada dabacsan ee
beer-laxawsigu ku jiro, ama wakhtiyada xanaaq jiraba waxay u badan yihiin af
ingiriisi, marka qof guursaday loo tahniyadaynayo ama farxadda ciidaha la is
waydaarsanayo ama qof loo tacsiyadaynayo, dhamaan qoraaladda iyo farriimuhu waa
wada af ingiriisi, waliba kaaga sii darane qof kan soo diray dhambaalku haduu
lahaan lahaa waxan uu soo qorayo way fiicnaan lahayd waaba horumar laakiin,
qofkaasi wuxuu ka soo dheeganayaa (copy-garaynayaa) qofkale oo isaga la mid ah
oo sidiisoo kale aan lahayn fahamsanayn na. halkaasna waxaa kabaxay xuquuqdii
qoraha. bal u fiirso hadalada la isla dhex maro mareegaha internetka ee
dhalinyaradu ku kulanto, haddii xikmad la soo dhigayo waa tu af Ingiriisi ah,
waxaana laga bixiyaa faallooyin aad u badan. Haddii aad soo qaadato xikmad ama
hadal isku toosan oo aan soo dhigto barta aad ku leedahay Facebookga waxaa laga
yaabaa in aad waydo dhawr qof oo faallo ayaad sheegaysaa aan xataa isku
mashquulinin akhrinta afsoomaaligan. Liidasho ayay u arkaan ba. marka laga
reebo. Hal-abuuro da’yar oo iyagu farriimahooda ku soo gudbiyo tixo yar yar
4.
Qurba-joogta oo iyaguna marka ay dalka ku soo noqdaan
soona booqdaan qoysaskooda ku kala nool dhamaan dhulalka afka soomaaliga lagaga
hadlo ayaa iyaguna koox kasta oo dal gaar ah ka timaadaa af gaar ah ayay wataan,
markay noqonayaan na qayb ayay inagaga tagaan oo iyaduna saamaynteeda leh ama
kuwa la yidhaahdo DHAQAN-AAN DHOOFIN oo iyaguna aad isku gu mashquuliya sidii
ay u matali lahaayeen ama loo moodi lahaa inay ka yimaadeen qurbaha kadib na
afar eray oo ninba dalkuu jecelyahay inuu tago ah ayuu sadex isku toosan ka
bartaa taasina soomaaliga ayay ka go’antahay.
Markaan indho diiran ku eegay, dad badan na waydiiyay
caqabadahan soomaaliga hor taagan iyo dadkan kala duwani waxay uga qayb qaataan
hoos u dhaca afka soomaaliga anigu ka fikiray noqdeen inay afafkan qalaad ee uu
ingiriisigu ka kow yahay ay tahay ba waxa lagu qiimeeyo qofka heerkiisa
aqooneed, oo haduu qofku soomaali sax ah ku hadlo uu yahay mid aan lahayn aqoon
badan, haduu leeyahay na aanu aqoon tayo ah lahayn, qofka isku dhex mila af ingiriisi iyo
afsoomaali waa qof tixgalin leh oo eraygiisu gudbo. Taasina waa mid aan sal iyo
raad toona ku lahayn waxaana fiican inay qiimayntoodaa laangaabka ah ku
noqdaan. Waxaan soo jeedin lahaa in afkan inagaa iska leh, cidina uma maqna
ceelna uma qodna, hadaynaan is kaashanin dawlad, dhalinyaro, odayaal, culimaa’u
diin iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka shaqeeyo in la waayi doono ama uu
adkaan doono is fahamka dadku.
Markaan eegno dhamaan qeybahan aan soo sheegnay waa intay ka
kooban tahay bulsho kastaaba. Waxaynu u baahanahay inaynu gacmaha is qabsano oo
aynu intay goori goor tahay laga hawl galo soo noolaynta iyo u hiilinta afkeena
hooyo.
Waxaan ku talin lahaa
dhawr arimood in la sameeyo;
·
In horta la dareemo in afka soomaaliga aynu inagu
leenahay ee aynaan ingiriisiga lahayn
·
Inaynu ogaano inaanu af qalaad iyo aqoonta qofku aanay
isku xidhnayn
·
In afsoomaali kaliya lagu hadlo ama af qalaad oo isku
dhex darka laga daayo.
·
In dawladdu ku baraarug-sanaato una magacawdo guddi
heer qaran ah oo ka shaqaysa dib u soo celinta haybaddii afkeena hooyo
·
In xafiisyada dawladu ay dhamaantood ku wada hawl
galaan afkeena, haday wax qorayaan iyo haday wax gudbinayaan ba. Hay’adaha iyo
ururada oo dhan na ku amarto in cid kasta oo dawladda wax ka codsanaysa ama wax
u qabanaysaa ay ku soo qorto afka soomaaliga, halkaasna waxaa ka dhalan kara
shaqo abuur badan oo hay’ad kastaaba waxay qabsan lahayd wiil ama gabadh
dhalinyaro ah oo u turjuma/turjunta waxay u baahantahay.
·
Isticmaalkii badnaa ee erayada isku dhafka ah ee ka
kooban soomaaliga iyo ingiriisiga ah ayaa qofka aan isku dhex darin waxaa ku
jirta kalsooni darro uu ka baqanayo in kalmadiisa ay deeqi waydo ama ay gudbi-
ba waydo dadka oo la moodo inaanu aqoon tayo leh lahayn.
·
In dawladdu gaar ahaan Wasaaradda Tacliintu ay khasab
ka dhigto barashada maadada afka soomaaliga lagana daayo kala doorashada in
ardaygii doonayaana dhigan karo ka aan doonaynna iska dayn karo. Macalimiin na
loo tababaro si hufan wax ugu dhigta ardayda
·
Jaamacadda Hargeysa iyo Camuud oo iyagana intii uu
noolaa Alle ha u naxariisto Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” uu isagu ka bixin
jiray maadada soomaaliga run ahaantiina ardaydu aad ay u xiisayn jireen ilayn
sida jaamacadda loogu dhigayo oo kale kumay soo arag dugsiyadii hoose, dhexe
ama sare ba e, taas na in dib loo soo celiyo ayaan ku talin lahaa, Jaamacadaha
gaarka loo leeyahay na inay iyaguna qorshaha ku darsadaan ayaan u soo jeedin
lahaa.
·
In la helo urur dhalinyaro oo ka daacad ah dib u soo
noolaynta afkeena hooyo, lana kaashada qaybaha kala duwan ee bulshada sidii wax
looga qaban lahaa afkan sii dabar go’aya
·
In dhalinyaradu intii ay awoodi karaan ay ku hadlaan
soomaali
Waan u mahadcelinayaa dhamaan akhristayaasha, waxaan ka
cudur-daaranayaa maqaalka dheer ee aan soo qoray kaliya lexe-jeclo aan afka ka
leeyahay ayuun baan u qoray.
DHAMAAD.
W/Q: Mohamed Jama Meigag Samater (Action)
Mobile: 00 252 63 4429181
Skype: Mohamed-action
Mobile: 00 252 63 4429181
Skype: Mohamed-action
Facebook: Maxamed J Meygaag
Twitter: @ActionJama
Twitter: @ActionJama
Hargeysa Somaliland