Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
LABA-AAN-IS-QABAN
Umadi mustaqbalka dhallinteeda iyo horumarkeeda waxaa
go’aamiya oo laga dheehdaa hadba manhajka waxbarasho ay u diyaariyeen iyo
ujeeddooyinka loo sameeyay manhajkaas. Taasaa keenta in dalkaasi uu gaadho
himilada uu hiigsanayo ee uu dejistay iyo inuu noqdo dal heehaabaya oo hadba
dhinac u lig-liganaya. Marka laga hadlayo tayada waxbarashada Somaliland waxaa
ugu horeyn ba niyaddaada ku soo dhacaysa; horta Somaliland ma leedahay manhaj u
gaar ah? Hadday leedahay yaa dejiyay? Cidda dejisay ma tahay cid Somaliland dan
ka leh oo u diir-naxaysa? Manhajku ma ka turjumayaa baahida iyo qorshayaasha
mustaqbalka ee Somaliland? Taariikhda Somaliland ma ku jirtaa manhajka? Hadday
ku jirto Taariikhdu ma waxay ka soo bilaabmaysaa dib-ula-soo noqoshadii xornimada
Somaliland? Mise intii Ingiriisku ina Gumaysan jiray? Hal-doorkii Somaliland ma
yihiin qaar ku jira laguna xusay doorkii ay ku lahaayeen Somaliland xornimada
ka hor iyo ka dib ba? Waa side xaaladda dhabta ah ee dugsiyada dawladdu? Mase
haystaan cid ka war-heysa oo u dedaalaysa sidii ay uga saari lahayd xaaladdan
adag, haba yaraado dedaalkooduye?
Su’aalahaas iyo kuwa badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin ayaa
mashkaxdaada ku soo xoomaya oo aanad jawaab u helayn, cid jawaab shaafiya kaa
siisana aanad helayn.
Manhaj-yada lagu isticmaalo Somaliland aad bay u tiro badan
yihiin, oo dalal badan oo caalamka ah manhaj ay u diyaariyeen bulshadooda ayaa
halkan loogu dhigaa dhallinta Somaliland. Macallimiinta manhajkaas
hirgelinaysaana waa macalimiin intooda badani ay ka yimaadeen ama wax ku soo
bartay dalalka manhajkaas iska leh, tusaalayaasha ardayda la siinayaana waa
tusaalayaal dalalkaas ah.
Manhajka Somaliland ay isticmaasho waa manhaj ay diyaarisay
Hay’ad ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay haba la shaqeeyaan aqoonyahanno ka soo
jeeda Somaliland, Hay’addu umay diyaarin manhajka Somaliland ee waxay u
diyaarisay Dalka Somalia. Inaga waxaa la inooga soo badalaa jaldiga sare ee
buugaagta, oo waxaa lagu soo xardhaa, calaamadda qarankeena, Puntland-na sidoo
kale jaldiguun baa lagu dhigaa calankeeda iyo calaamaddeeda, koonfurtana waa
sidoo kale. Tusaale ahaan marka buugaagta calanka iyo calaamada Somaliland ku
yaalaa ay ka dhamaadaan goobaha lagu iibiyo, waxaa la iibiyaa kuwa dalka
Somalia.
Dugsiyada dawladdu waa kuwo dhisme ahaan, caafimaad ahaan iyo
agab ahaan ba u liita dugsiyada wax laga barto, waxaa dhigta ardayda qoysaska
danyarta ka soo jeeda. Waayo ma awoodaan inay lacag badan ka bixiyaan
caruurtooda oo waxay la kacaa-ku-fayaan nolol maalmeedkii. Aad bay u yar tahay
qoys ladan oo caruurtoodu ay dhigtaan dugsiyada dawladda waayo meesha waxba
laguma hayo. Masuulkasta iyo qofkasta oo awooda inuu caruurtiisa geeyo
dugsiyada la isku baadho ee gaarka loo leeyahay kuwaasuu geystaa oo uu ku
aaminaa, filayaana inay waxbadan ka soo korodhsanayaa.
Dhaqanka iyo af-soomaaligu waa meelaha aasaasiga ah ee qofka
caruurta ah looga bilaabo si aanu ugu milmin dhaqamada iyo afafka qalaad.
Dugsiyada gaarka loo leeyahay intooda badan afsoomaaliga laguma dhigo
baddalkeedana waxaa loo dhigaa luuqada ingiriisiga. Hadaba maxaa laga filayaa
ilmaha isagoo afar jir ah lagu bilaabay af-qalaad, looga sheekeeyay dal aanu
garanayn, shakhsiyaad aanu magacoodaba kicin karin, halka lagu ababin lahaa
afkiisa hooyo, deegaankiisa, dhirta iyo noocyadeeda, hal-doorka, taariikhsa
Somaliland IWM.
Hadaba dawladdu gaar ahaan wasaaradda waxbarashadu waxaas oo
dhan ma dhaadana, qorshe lagaga baxayana ma soo bandhigin, siyaasad cad oo
dhallinta maanta loogu carbiyo mustaqbalka dhaw iyo ka dheer na ma diyaarin.
Manhajyadaas faraha badan waxa ka dhashay maxsuulka maanta
xalkiisu adagyahay ee ay ka mid yihiin aafooyinka qaran ee maanta dhallinyarada
haysata, hadday noqoto, shaqo-la’aanta, tahriibka, qabyaaladda, balwadaha iyo
mukhaadaraadka amni xumada, takoorka iyo rajo la’aanta ka muuqata dhallinyarada
ee ku sababa inay waxaas oo ficil ah ku kacaan.
Waxaan soo jeedin lahaa si tayo-xumada waxbarashada looga
baxo dhawr qodob;
·
In la sameeyo manhaj dalka Somaliland u gaar ah
cidkasta oo inaga caawinaysana lagu khasbo inay doonisteena ku diyaariyaan.
·
In samaynta manhaj Somaliland u gaar ah lagu daro
taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland u gaar ka ah,
·
In dib u eegid lagu sameeyo dugsiyada dawladda lana
xoojiyo, lagana dhigo meel lagu soo hirto,
·
In dugsiyada gaarka loo leeyahay ay qeyb ka ahaadaan
kobcinta iyo horumarinta dhaqan iyo afka soomaaliga,
·
Dhiigi-gelinta, wacyi-gelinta iyo ilaalinta deegaanka
lagu ababiyo ilmuhu intuu yaryahay
·
In manhajka lagu daro Maaddo ka hadlaysa waddaniyadda,
Xaqqa qofku ku leeyahay waddankiisu iyo xaqqa waddanku ku leeyahay qofka,
noqotana maaddo aan ardaygu ka hadhine dugsi hoose ilaa ka sare la socota, so
ardayda loogu abuuro, rajo iyo dareen wadaniyadeed.
Maxamed Jaamac Meygaag
Hargeysa

No comments:
Post a Comment