Masuul, ha-ballan-qaadin wax-aanad-fulineyn
Tobankii sanno ee ugu danbeyey Somaliland waxa caado noqotey
munaasibadaha iyo goobaha bulshadu ku kulanto, xafladaha, daah-furrada goobaha
cusub, munaasibadaha qalin-jebinta ardayda. Waxa hab-dhaqan inoo ah in lagu soo
martiqaado masuuliyiin ka socota dawladda, xisbiyada mucaaridka, ganacsato iyo
dhammaan qaybaha bulshada inteeda badan.Munaasibadba ta ay ka masuuliyiin iyo
wasiiro badan tahay ayay ka culays iyo xajmi weyn tahay sida dadka badankoodu
aaminsan yihiin.
Haddaba qiimaynta la qiimeeyay masuuliyiintaa iyo maxsuulka
hadallada ay ka jeediyaan waa laba aan is waafaq-sanayn oo aan isku
jaan-go’neyn. Masuul baa wuxuu ka soo qeyb-galayaa oo lagu soo marti qaadayaa
munaasibad dhallinyaro isagoo laga filayo inuu la yimaaddo oo uu la jaan-qaado
filashada iyo rajada ay ka filayaan hadalkiisa dhallintaas dhagaysanaysaa.
Waxaa looga baahnaa inuu inta aanu iman isasii waydiiyo su’aalo ay ka mid
yihiin, munaasibaddu maxay ku saabsan tahay? Masuul ahaan se maxaa lagaa
filayaa? Wax qorshe ah ma u haysaa? Haddii aad ballan-qaadyo samayso ma
hirgelin kartaa?
Sidaasi se ma dhacdo oo marka hore wakhtigii marti-qaadka ee
ku xusnaa kaadhka masuulku inta badan ma ilaaliyo oo muddo saacad ama ka badan
ayuu dib u soo dhacaa. Marka uu yimaado ee cod-baahiyaha lagu wareejiyo ee uu
salaamo marti-sharafta ku sugan madasha,
qodobbo u diyaarsan lama soo baxo ee wuxuu isticmaalaa “hadal oo ha daalin” ama u-jawaabid mucaarid. Kolba mawduuc ayuu
isku qaadaa. Isaga oo aan mowduucii hore dhammaystirinna wuxu u boodaa mid
kale. Isma dhagaysto oo waxan uu ku hadlayo haddii hadhaw la waydiiyo waxaa
laga yaabaa in aanu si fiican u wada xasuusan karin. Xafladdii qorshaha ku
socotayna wakhtigii ugu badnaa isagaa ka qaata. Marka xidhiidhiyaha xafladdu
soo koob yidhaahdana, “waxa aan ku soo
gabogabaynayaa” ayuu yidhaahdaa si uu isaga kaxeeyo xidhiidhiyaha,
hadalkiisuna dib uun buu u sii karaar-qaataa ilaa uu daalayo. Waxaa laga yaabaa
in uu laba daqiiqo gudahood hadallo is-burinaya ku hadlo oo iska hor-iyo-daba
imanaya. Way yaryihiin masuuliyiinta in yar oo nuxur xambaarsan ku hadashaa.
Haddii uu yahay masuul dawladda ka socda sida xisbiyada mucaaridka ah loogu
jawaabo ayuu ku dheeraadaa, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah badankooduna
waxay ku mashquulaan dhaliilaha iyo gal-daloolooyinka dawladda oo waxay ka
baxaan ba mawduucii iyo ujeeddadii loo soo marti-qaaday.
Bal u fiirso xafladba ta ay ka masuuliyiin badan tahay bay ka
wakhti-dilis badan tahay oo ka mashquul badan tahay, ka daal badan tahay.
Masuul kasta oo aad kaadhka u gaysaana shuruudda uu kugu xidhayaa waxa weeye
hadal ma ku leeyahay, haddii aad tidhaahdo ‘haa’ inuu yimaaddo ayaa suurta-gal
ah, haddii aa tidhaahdo ‘maya’ kaadhkaba
kaa qaadi maayo ee xog-heynta u dhiib buu kugu qancinayaa. Xogta ay ka bixiyaan
xafiisyadooduna maaha mid ku dhisan xaqiiq waayo war badan ba kama hayo.
Masuuliyiintu hal shaqo ayay ka siman yihiin oo ay wada hayaan taas oo ah
ammaanta madaxweynaha iyo wax-qabad ka-bad-badis ah oo ay u nisbeeyaan, halkii
ay shaqaalaha ugu mahadcelin lahaayeen dadaalka ay sameeyeen.
Taas waxa kadaran, wuxuu sameeyaa ballan-qaadyo loo wada
riyaaqo oo aan ku iman ajande iyo ujeeddo balse ay ka keeneen qiirada iyo sacabku, kuwaas oo aanu awoodin
fulintooda. Haddii uu ku dadaalo waxa laga yaabaa in uu fulin kari lahaa,
balse wuu fududeysanayaa.
Masuuliyiinta sharafta leh waxaan ka codsan lahayn in ay naga
daayaan ballan-qaad ma-dhalays ah oo wuxuu awoodo ama dawladdiisu awoodo uun ha
noo sheego, ha na ka dhabeeyo. Yididiillada, kalsoonida iyo rajada ha ka dilina
dhallinyarada aad hadh iyo habeen ballan-qaadka xaqiiqda ka fog ee qiiraysan ka
buuxinaysaan
Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Hargeysa

No comments:
Post a Comment