Sheekooyin

Kala maan W/Q. Faysal Cabdi Aw-Cambalaash
Qaybta 1aad

Xassan waa Nin aad u dadaal badan, waa nin naftiisa inuu meel ka soo saaro jecel, waana nin qurbaha ku noolaa Labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey. Waxa uu bartay Tacliin heer jaamacadeed, waa aqoon yahan wax shaqo ah se ma hayo. Waxa uu kala garan la’yahay ma wixii uu bartaybaan lagu helin shaqo mise isagaan nasiib ku lahayn shaqada. . Da’ahaan ma yara se wali isagu wuxuu isku arkaa in uu dhalinyaro yahay, waayo Malaha reer iyo carruur. Waligiiba muu guursan...

Maalmaha jimcaha iyo khamiista wuu iska qayilaa, inta kale se waxa uu raadiyaa bal inuu shaqo helo. Maalinta galinkeeda hore waxa uu wareegaa meelaha shaqada laga raadiyo, kolba albaab ayuu garaacaa. Galibtiina Qolkiisa fadhiga ayuu PC ga hor fadhiistaa, hablaha facebook uga sheekeeyaa. Wakhtigiisu waa iska wareeg aan is baddal badan lahayn. Haddii aad aragto marka uu meelahaa maraayo waxaad odhan lahayd waa Nin ingiriis ah oo madaw. Dhaqan ahaan wuxuu u tallaabsadaa sidii aanu soomaaliba ahayn.

Hablo badan ayay isla soo qaadeen Guur, walise Xassan la fahamsiin kari waa inuu go’aan ku gaadho inuu gabadh meher ku xidho. Waxaabad odhanaysaa isagaa sax ah. Jawaabtiisa ayaad ku qancaysaa oo odhanaysaa malaa wuu saxan yahay. Ma jecla Xassan inuu isaga oo aan shaqo haysan Biilkana ka adkayn uu caruur iyo xaas isku soo kordhiyo.

Xassan oo iska dhex wareegaaya Facebook, ayay is heleen Nin isagu jooga dalkii hooyo. Waa nin dhoofku madaxa ka galay, shan jeer laga soo celiyay Liibiya iyo Turkiga. Waxa lagu soo furtay Lacag aad u badan oo aanay reerkoodu kaba tag lahayn. Waxa uu furay illaa saddex gabdhood oo ta ugu da’da wayni 24 jir tahay carruur Todoba ah ayay u kala hayaan. Wax shaqo ah ma hayo. Balwaddiisa qaadka ayaa waxay dheeraatay balwadaha waa belwad qaaliya oo jaadka nooca ugu qaalisan ayuu jecel yahay inuu cuno. Carruutiisa se ma oga inay qadeeyeen iyo in kale saa hooyooyinkoodba wuu dalaaqay.

Magaca facebook lagu soo gala maaha magic soomaali. Waa magic aad ka garan karto inta uu jacayl u qabo in uu Europe soo gaadho. Gidaarka xasan waxa ku qoran Murti Soomaali odhanaysa . ” Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga Hooyo” faalada iyo jawaabaha laga bixiyay waxay gaadheen in ka badan kun. Taas ayaa keentay In uu (Stivenson) ku soo darsado Asxaabta facebook. Ka dib markii uu arkay dadka ka faaloonaya odhaahda gidaarka ku qoran oo uu ku arkay asxaabtiisa kale gidaarkooda

Xassan waxa uu dul fadhiyay Kambayuutarka Marka uu Stivenson ku soo darsaday isna wuu wuu aqbalay m arkiiba isaga oo u haysta NIN ajanabi ah. Xassan wuxuu eegay warbixiniiha waxaana u caddaatay ninka meesha maraya in aan la sixi Karin cidda uu ka soo jeedo. Ma soomaali baa mise waa Ajanabi? Ayuu is waydiiyay. Taas ayaa keentay inuu u waraysi tago.

Xassan: Hi

Stivenson: haloow haloow

Xassan: You just add me can i ask you .......Who R U.....do you know me????

Stivenson waxa dhibaato ku ah intaa uu qurba u ordaayo wali isma waydiin malaa waxa ku hortaagani waa Afka aad dadka ku af garan lahayd ee ugu yaraan baro afkaa ingiriiska ee cid waliba hadda ku hadlayso. Ma fahmin waxa la waydiiyay haba yaraatee. Waxa uu is yidhi malaa ninku waa soomaaliye soomaali afka u gali hadduu ka jawaabo la wada haddii kalena liiska ka masax sheekadiisuna halkaa haku xidhan to
Stivenson: waar saw soomaali ma tihid?

Xassan: Haa soomaali waan ahay Adigu ma soomaali baad tahay

Stivenson: KKKKKKKKKKKKKKKKKKKkk waar haaye ii warran ma fiican tahay

Xassan oo yara yaabay: Oo magacan na xaggeed ka keentay?
....waxa sheeko dheer laga doodayaa magaca iyo macnaha magaca sidan oo kale ah. Run ahaan muu badalin magaciisa oo kaliya eek ii aabahii ayuu badalay oo wuxuu ka dhigan yahay inankii STIVEN dhalay. Sharaxaad dheer ka dib

Xassan: Xaggeed joogtaa?


Stivenson:................................................

La soco Q.2aad........................

No comments:

Post a Comment