Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
SALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI
WA BARAKAATU.
Umad waliba waxay leeyahay
hal-door iyo cid ay hiigsato oo ay kolba himiladeeda iyo hiyigeeda ba uga
tilmaan qaadato, iskuna qiimeyso inay sidaas hebel/heblaayo oo kale noqdaan. Wakhtiyadii
hore Qofku markuu hana-qaad yahay ee uu la kacaa-kufayo koriinka iyo
taabba-galka dhalinyaranimo waxaa maskaxdiisa iyo fikirkiisa ugu badani ahaan
jiray markuu weynaado, halka noloshiisu ku dambayn doonto, aqoonta uu baran
doono, iyo heerka uu bulshadiisa ku yeelan doono. Su’aalahaas oo dhami waa qaar
ka weyn inuu si fudud u saadaaliyo, barta ay ku dambayn doonaan iyo inay siduu
doonayo uu noqoto iyo inkale. Wuxuu indha-indheyn jiray a dadka bulshada magaca
ku leh, ha noqdaan, culimo, aqoon-yahan, madax ama hal-doorada kale ee caanka
ka ah bulshadiisa uu ku dhex noolyahay. Kadibna wuxuu ku deyan-jiray inuu noqdo
hebelka uu doortay inuu sidiisa oo kale noqdo ama loo tix-geliyo sida looga
tix-geliyo bulshada, kuma uu raaci heybta ama qabiilka uu ka soo jeedo. Kaliya
wuxuu ku mashquulsanaa oo uu wakhtigiisa ugu badan galin jirey inuu wax ka ogaado
heerarka uu soo maray iyo siduu ku soo gaadhay heerkan uu manta joogo. Kadib na
sidaasuu isna dedaalkiisa oo dhan iskugu geyn jirey, wakhtiga iyo waayuhu haday
u saamaxaan.
Khasab maaha qofkastaa ba inuu
cid ku deydo oo dad badan ilaahay ayaa haybad u siiyay inay naftooda ku
kalsoonaadaan oo ay iyagoo aan cid gaar ah farta-ku-fiiqin ayay iskala
daalaa-dhacaan marxaladaha kala duwan ee nolosha, Caruurnimo—dhalinyaranimo iyo
waliba waayeel-nimo ba. Mararka qaar na qofku wuxu raadsadaa qof ay isku hammi
iyo hiigsi yihiin isagoo ay ka reeban tahay qofkan waxbaad isku tihiin ama
qofkani waa reer hebel ee waxa kaliya ee isku raaceen uu yahay isku dan iyo
iyagoo jiibta iyo jaanta isla helaya. Hadaba, wakhtiyadu way kala duwan yihiin,
sida dadku u arkaanna ama ay u dhaqmaan na way kala gedisan yihiin, xiliyadan
aynu ku jirno, waxaa is bedelay dhamaan waxyaabahaas aynu soo sheegnay, oo
haddii qofku cid ku dayanayo wuxuu ku dayanayaa qof reerkooda ah. Hadduu cid
difaacayo wuxuu u difaacayaa waa reerkooda ah, hadduu cid amaanayo wuxuu u
amaanayaa waa reernimo, cid hadduu ku soo hal-qabsanayo ama uu tusaale ka
dhiganayo wuxuu ka dhigayanaa qof ay isku reer yihiin, hadday doorasho
timaadana kaba sii daran oo wuxuu galayaa ol-ole balaadhan oo uu ku difaacayo
qofkaas haduu doono yaanu aqoon iyo aragti ba lahaanine.
Haddaad u fiirsato mareegaya
internet ka intooda ugu badan waxaad ku arkaysaa qof cid dhaliilaya, iyadoo
laga yaabo qofkan wax dhaliilayaa inuu isleeyahay wax toosi. Haddaba hadaad
isla inyar ka dib isla mareegtii hore ku noqoto waxaa suurta gal ah ama ay u badan
tahay ba inaad aragto qofkii la dhaliilayay oo qof reerkooda ahi difaacayo kana
jawaabayo wixii lagu dhaliilay, waxaa ba laga yaabaa qofkii la dhaliilay inaanu
ogayn qofkan wax ka sheegay iyo kan difaacay ba waana ayaan-darrada inagu
habsatay. Gabey haddii la tiriyo oo uu cid waxka sheegayo markii ba qaar baa
kuu soo jawaabaya. Waxyaabaha ugu badan ee sababayna waa qabyaaladdii oo aad u
xoogaysatay. waxaana masuuliyaddeeda leh dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada
haday noqoto madaxda oo marka ay wax doonayaan meesha kaliya ee ay wax ku
doontaan ay tahay qabyaalad. Haddii dawladda wax lagu dhaliilo oo la sheego meelo ay ka gaabisay,
ama la tilmaamo, waxaa isla markiiba ka dhalata in qofkan dawladda wax ka
sheegay sharaftiisa iyo shakhsiyaddiisa meel lagaga dhaco oo aan dib loo eegin
waxyaabaha uu qofkani ku dhaliilay dawladda, halkay ka ahaan lahayd in waxqabadka
dawladda ee uu shakhsigani dhaliilay dib loo eego wixii sixitaan u baahanna la
saxo wixii si fiican loo qabtayna loo soo bandhigo si bulshadu ugu qanacdo. waxaa kale oo iyaguna doorkooda ka qaata
ganacsatada, madaxda dhaqanka, aqoonyahanka, ururada haweenka. Waxaa kale oo
iyaguna qeyb laxaad leh ka qaata dhalinyarada oo iyana markay is raacayaan isku
raaca reer –reer taas na waxaa ka dhalankara in caruurtii soo koraysay lagu
beero xanuunkan qabyaaladda kadib na ay la koraan hadhawna sidan iyo si kadii
darani inagu dhacdo. Waxyaaha beryahan inagu soo battay oo dadka qaarkii
ilbaxnimo dheeraad ah u arka iyo geesimo iyo guul ay gaadheen in beelo beelo
loo shiro oo taasoo dhaliinyaradii ku noqotay majaro habaabin iyo jaha-wareer
hor-leh waayo waxa laga yaabaa laba arday oo asxaab ahaa oo meel wax ku wada
cuni jiray oo aqoontu walalaysay in ay hal shir iskugu yimaadaan oo ay isku
bartaan in ay isku qolo yihiin intaa kadibna noocii xidhiidhkoodii hore wax
badani iska badalo.
Markaa dhalinyarada iyo caruurtu
waxay u baahan yihiin in la hago oo hoga-tusaalayn fiican lagu barbaariyo, si
ay bulshadoodu iskugu wada mid noqoto oo aan cidna ku tixgelin qabiil iyo
qof-jeclaysi. Cidna aanay ku colaadin cid-necbaysi iyo qabyaalad.
Ayid waad is xigtaaniyo
Idinkaa isku reer iyo
Aqligii lixdankii
Maanta iib geli maayo
******************
Sidaan aaminsanahayna
Abkuu doono ha sheegtee
Wuxuunbaa ehel ii ah
Dadka kaan af aqaano
Ee si wax iila arkaaya
Ee ina midayso ujeedo (Gaarriye”
Alle ha u naxariistee)
W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag
(Action)
Email: action50@gmail.com
Hargeysa, Somaliland

No comments:
Post a Comment