Mukhtaar Cabdi Jaamac
Qofka
bini-aadamka ahi waa noole uu illaahay ‘SWC’ uumay oo ku dul nool arladan
guudkeeda, waxaa uu soo maraa marxalado badan oo kala gedisan, meerto-nololeedkiisa
wuxuu leeyahay han iyo hiigsi nololeed, wuxuu ku barbaaraa iyadoo la leeyahay
hoo, cun, cab iyo daaya waa ilmo yare, wuxuu isku qaataa wax kastoo aduunka
yaala inuu kaligii leeyahay, cid ka saraysaana aanay jirin inta aduunka
guudkiisa ku nool.
Aadamaha
adduunka ku nooli wuxuu kala leeyahay jinsiyado, midabo kala duwan, wuxuu ku
kala noolyahay adduun-waynaha, waxay kala haystaan diimo kala duwan, waxay kala
aamin-sanyihiin mabaadii iyo afkaar, hadana qof waloo bini-aadam ahi wuxuu
rumaysanyahay in tiisu ay tahay ta saxda ah, wuxuu yaqiin-sanyahay inuu yahay
qofka ugu wanaagsan, inta og dhaliishoodu ama og meelaha lagaga fiicanyahay ee
ka garaabaysaa waa faro ku tiris.
Qaaradaha
addunnka ee tirade badan, qof walba tuu ku noolyahay baa la qiimo iyo qaayo
badan in yar oo maan-gaab ah mooyaane, oo hunguri wadkii ma arkee la yidhi
arsaaqdaadii qaaradaasay taalaaye udoono halkan waxba kuuma yaalaane.
Siyaasiga
dalkeenuna wuxuu ka dhiganyahay sidaasoo kale waxaa ku jirta qab ah dalka
adigaa kaligaa saxsan, aragti dheer umada hor-mood u ah hadii wax lagu waydiin
waayo xaajaba hagaagi mayso. Waxaana laga yaabaa inaanu mabda’ iyo aragti
wax-ku-ool ahna aanu la iman oo uu bulshada ku hogaamiyo ee sababta uu ku yimi
tahay aad ka fara-qabsatid, jaha-wareerna soo kordhisid, waayo haddii ay wax
hagaagaan isaga dan uma aha oo ujeedadiisii horaan ahayn sidaas.
Qof
walba wuxuu sitaa muraayad kaliya tusta uun muuqiisa oo qudha, markaasuu
maankiisa u sheegaa inuu yahay ka kaliyee udoor-roon, waana ta la yidhaa qofkaa
qumanihiisa ayaa qoorta u sudhan. Waxaad arkaysaa qof ay wax ka baylah-sanyihiin
haddana aan isku qabin, waxaad arkaysaa qof meel ku fashilmay haddana isku arka
inuunan isagu sababin guul-darrada ee uu
hannaanku‘system-ku’ qaldanyahay.
Noloshu
waa cayn-ba-cayn, waa hadhka labadiisa gelin, mar wakhtigaa kuu roon marna way
kaa yara dhantaalan-tahay. Qof baa qaba in qiimo uu leeyahay oo uu dadka kale
dheeryahay wax ku taransaday, qof na maba yaqiinsana ee wuxuu dhaleecaynayaa
qaabka ay wax u socdaan laakiin way yartahay qof qirta inay isaga wax ka
qaldanyihiin.
Dhinaca
nolosha arimaha bulshada dadku way cabanayaan, curyaamin dhaqaale iyo mid
maskaxeed bay tirsanayaan, cod-dheer bay ku hadlayaan haddii wax loo qabtana ma
qirayaan oo sababo kale oo ay qabyaalad ka mid tahay ayay ku qiimeynayaan tusaale
ahaan Dalkeena Somaliland waxaynu soo marnay marxalado adag oo nololeed,
waxaynu kasoo gudubnay duruufo dhaqaale oo qallafsan oo sag-xadda laga soo
bilaabay. Waxaynu soo tirsanay guyaal badan haddana waxaad moodaa inaanay
haantii wali tolmin, hadaynu maanta dadka ra’yigooda waydiino inta wax qiraysaa
waa wax yar.
Dhinaca xisbiyada mucaaridka: waa xaq dastuurkeenu
siiyay in xisbiyada mucaaridku dhaliilo u soo jeediyaan hadday arkaan meelo ay
dawladdu ka gaabisay, waxay kale oo ay xaq-u-leeyihiin inay dawladda ku
bogaadiyaan meelaha ay wax fiican ka qabatay. Wali maan arag mucaarid qiray horumar
la sameeyey, oo xisbi ahaan bay isku waafaq-sanyihiin inaanay wax kasta
mucaaridaan. Oo hadday ku bogaadiyaan waxay isku odhanayaan waxaad ku
waayaysaan taageerayaal badan. Sidoo kale wali lama arag Dawlad ama xisbi
muxaafid ka garaabay hor-umar xisbi mucaarid ahi sameeyey ama wax uu hor-umar
ah bulshadiisa kusoo kordhiyey.
Wali
lama arag masuul xil-haya oo culayska iyo miisaanka masuuliyada uu hayo awgeed
intuu umadda uu u hayey xilka u tagay oo ku yidhi way igu adkaataye wax badan
oon qorsheeyeyna way ii suurta gali waayeene cid kale u igmada. Laakiin waxaa
dhacday marar badan inuu markuu hayana wax walbaa ay sax ula muuqato, markuu ka
tagana ama laga qaadana waxyaabihii saxda ula muuqday ay dhinaca kale ula
muuqdaan oo wada khalad uu u arko, eedana uu u jeedo ciddii markii hore u
igmatay.
Gabo-gabadii waxaan ku talin lahaa
Fikirkayga gaaban
·
Adduunka cid laga maarmayaa ma jirto ha yaraado ama ha
waynaadee, cidna cid kama xoog wayna in maskaxda la maalo oo la isku noqdo
arimahana cagta loo dhigo ayuun baa haboon
·
In dadku ay xaqiiqda iyo horumarada la sameeyay ka garaabaan,
wixii qaldan ee ay arkaanna ay ka qeyb qaataan sidii loo sixi lahaa.
·
In dib la isku xisaabiyo si aan caadifadi ku jirin
·
In Muxaafid iyo Mucaarid bad anta guud iyo horumarka dalka
iyo dadka laga wada shaqeeyo oo la iska joojiyo midi-midi ku taagta.
Waxaa
la yidhi ‘laba caaqil’ way kala baxaan laakiin ‘laba caamo’ ma kala baxaan.
·
Hadday
adhiyeysi tahay
·
Hadday
adhax-tuujin tahay
·
Ilduuf
iyo jeeble tahay
·
Hadday
wada ‘Anniga’ tahay
·
Siyaasi
aabe ma leh
·
Ku
daalka abaabulkeeda
·
Alooskiyo
baaneheeda
·
Ujeeddo
ka keeni maysid (Abwaan ‘Hadwaari)
W/Q:
Mukhtaar Cabdi Jaamac
Berbera,
Somaliland
No comments:
Post a Comment