Ridwaan Maxamed Ibraahim
Cilmiga
waa shay aad ugu muhiim ah bani aadamka, qayb laxaad lehna ka qaata dhismaha
bulsho ahaaneed, islamarkaana siiya ummada haykal dawladnimo oo la mahadiyo,
iyada oo la’aantii aanay waxba u suurto galeen. Alle (SW) waxa uu Qur’an kiisa kariimka ah uu ku
leeyahay “Miyey siman yihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan lahayni?” isaga oo innagu baraarujinaya
qiimaha cilmigu leeyahay. Dhanka kale Nabi Muxammed NNKH meeqaam sare ayuu
siiyey aqoonta.
Aqoontu
waxa ay soo jirtay ilaa markii la abuuray aabaheen Nabi Adem, umaduhuna way soo
kala dhaxlayeen iyada oo qolo walba meel intay kaqaadaan ay meel kasaraysa soo
gaadhsiinaysay; tani waxay dhaabad adag u noqotay horumarka aadamuhu maanta ka gaadhay dhanka aqoonta.
Haddaba
waxan maanta qalinka u qaatay maqaalkan oo aan idiinku soo bandhigi doono
taariikhdii iyo habkii ay reer Yurub uga soo min-guuriyeen, isla markaana uga
dhaxleen muslimiinta. Waxaan mugdi kujirin in cilmiga iyo aqoonta maanta reer Galbeed-ku
(Western Europe) horumarka ku gaadheen uu yahay kii ay kasoo min-guuriyeen
dunida muslimka, waxaana qormadan ku soo bandhigi doonaa, dibna idiinku celin
doona qarniyadii hore iyo taariikhdii waayo hore. Ugu horrayn sida ay
xaqiijiyeen taariikh yahanada reer Yurub ee ay kamid yihiin Batler, Harkins,
Hitti, Leff, Ronan iyo kuwo kale oo badanba, “muslimiintii hore waxay ahaayeen
dadka adduunka oo dhan u haya hoggaanka haddii ay noqoto xagga dhaqanka iyo
xadaaradda labadaba” (Hitti, 1943,P. 143).
Marka
labaad, sababo badan awgood, dadyawgii hore ee Yurubta galbeed kamaa ay baxsan
karayn saamaynta muslimiintu ay ku leeyihiin iyaga. Dhulka muslimiinta iyo ka
kiristanku waxay ahaayeen kuwo dhinaca isku haya, dhulka Spain waxay hoos
imanayeen xukunka muslimiinta inka badan toddoba qarni, halka qaybo kamid ah
dhulka talyaaniga ay hoos imanayeen muslimiinta muddo hal qarni ah, dadaalkii
muslimiintu ay ugu jireen faafinta diinta islaamka oo socday muddo dheer, ayaa
waxa uu baray Kiristankii dhulkaas degganaa maba’diida Islaamka iyo habka
qurxoon ee ay u dhisan yihiin bulshada Muslimka ahi. Dhanka kale qoraaladii ay
sameeyeen culimadii waawaynayd ee dunida muslimkuna waxa loo turjumay afka
laatiiniga, sidoo kale waxa jiray xidhiidho kale oo ka dhexeeyey labada
xadaaradood ( Muslimiinta iyo Kiristaanka). Waxay ahayd intii lagu gudo jiray
qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii laba iyo tobnaad, markii reer Yurub ay isku dayeen inay waxka
ogaadaan Sayniska, Xisaabta iyo cilmiga looyaqaan Filoosofiga- halka noocyadan
cilmiga aynu xagga sare kusoo xusnay ay kamarayeen heerkoodii ugu sarreeyey
dunida muslimka. Waxa qasab noqotay in reer Yurub Muslimiinta kabartaan cilmiga
ka hor inta aanay iyaga laftoodo horumar dheeraad ah ka samaynin cilmiga,
waxaana cilmiga ay ka dheegteen aqoonyahanaddii muslimiinta ee wakhigaas waxa
ayna u qaateen habab kala duwan, waxaynu ka xusi karnaa hababkaas kuwan hoos ku
xusan:-
1. Dhammaadkii
qarnigii kow iyo tobnaad (11st centurery) ilaa horraantii qarnigii
laba iyo tobnaad (12st century), culimo badan oo Kiristan ah ayaa u
socdaalay dhulalkii Muslimiinta si ay ugasoo bartaan luuqada Carabiga iyo sayniska,
kadibna ay u baraan dadkooda. Waxan tusaale usoo qaadanaynaa caalimkii
Kiristanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Leonardo Fibonacci oo u socdaalay dalka
Algeria si uu uga soo barto Xisaabta. Leonardo markuu soo dhammaystay
waxbarashadiisa bilawgii sannadkii 1202 ee taariikhda miilaadiga, waxa uu qoray
buug uu u bixiyey (Liber Abaci), si uu ugu faa’ideeyo bulshadiisa.
2. Talyaaniga,
Spain iyo koonfurta Faransiiska ayaa waxay u direen Ardey aad u tiro badan dhulka Muslimiinta si
ay uga soo bartaan culimadii muslimiinta ee markaas ku sugnaa dunida muslimka,
cilmiga ay ka soo baranayeen waxa kamid
ahaa Xisaabta, Filoosofiyga, Caafimaadka iyo Sayniska. Kadib markii ay
ardaydani soo dhammaysteen duruustoodii waxbarasho waxa ay kusoo laabteen
Yurub, halkaas oo qaar badan oo kamid ahaa ardaydani ay tartan ugaleen inay
macalimiin ka noqdaan jaamacadihii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Yurubta Galbeed
sida uu Mirakhor ku sheegayo buugiisii uu qoray sannadii (1983, P,352).
3. Gollahii
ay lahaayeen aqoon yahannada Kiristanka oo la odhan jiray Golaha Vienne
(Council of Vienne) ayaa waxa ay ka dhiseen shan dugsi oo lagu barto luuqadaha
magaalooyinka Roma, Bologna, Oxford, iyo Salamanca, halkaas oo lagu barayey
ardayda afka Carabiga, tani waxay ka dambaysay, kadib markii golluhu ka helay
codsi caalimkii Kiristanka ahaa ee la odhan jiray Raymond Lully oo noolaa intii
u dhaxaysay sanadahii 1232 ilaa 1315, kaas oo socdaal baahsan kusoo maray
dhulka Muslimiinta, sida uu ku sheegayo Durant buuggiisa uu qoray sanadku
markuu ahaa (1950, P, 979).
4. Dabayaaqadii
qarnigii 12 aad (12st century) ilaa intii laga gaadhayey qarnigii 13
aad iyo kii 14 aad, waxa Yurub gudaheeda si xoog ah looga dareemay dhaq dhaqaaqyadii
sida weyn loogu turjumayey qoraaladii ay sameeyeeen culimada muslimiintu,
kuwaas oo loo turjumay afka Laatiiniga (Latin), sida uu taariikh yahan Mirakhor
ku sheegay buuggiisii uu qoray (1988, P,
326). Waxa lagu turjumay buugaagtan goobo badan oo kamid ah qaarada Yurub –
khaasatan, magaalooyinka Toledo iyo Burgos oo kuyaal waddanka Spain iyo labada
magaalo ee layidhaa Sicily iyo Naples ee ku yaal Taliyaaniga intii lagu gudo
jiray labadii qarni ee u horreeyey saddexdan qarni. Intaa wixii ka
dambeeyeyna waxa loo turjumay Laatiini
qoraaladii Carabiga ku qornaa ee hore loogu turjumay afka Yahuudda ee loo
yaqaan Hebrew.
Haddaba
iyadoo ay jireen dhaq dhaqaaqyadaas baahsani, Islaamku waxa uu galay meel kasta
oo kamid ah qaarada Yurub dhinacyada diinta, dhaqanka iyo dhaqaalahaba. Waxa wax
aad loola yaabo ah in Kiniisadihii wakhtiyadaas majaraha u hayey waddamada reer
Yurub marnaba aanay ogolayn ganacsiga, alaab isku badalashada (barter trade),
iyo wixii lamid ah, iyagoo u daliishanaya inuu qanacsigu xaaraan yahay; qofka
inaba lagu arko isaga oo ganacsi faraha kula jira waxay wadaadada Kiristanku u
arkayeen sidii qof danbi samaynaya, taas oo keeni jirtay in mararka qaar
ciqaabo qalafsan lagu fuliyo ganacsatada. Waxa xusid mudan in Islaamku xorreeyey
qaarada Yurub. Tusaale ahaan, islaamku waxa uu soo nooleeyey qanacsigii, waxa
uu sare u qaaday isku beddelashada alaabaha, islamarkaana waxa uu door muhiima
ka ciyaaray hirgelinta nidaamka dayn isa siinta (credit). Waxa intaas dheer in
mufakiriintii Muslimiintu (Muslim thinkers) ay siyaabo kala duwan saamayn ballaadhan
ugu yeesheen culimadii Kiristanka, tusaale ahaan, taariikh yahanadii ayka mid
ahaayeen Crombie (1963), Sarton (1931), iyo Winter (1950) ayaa iftiimiyey doorka
ay culimada Muslimiintu ku lahaayeen helitaankii culuunta Physics-ka,
Chemistry-ga, iyo Astronomy-ga.
Guntii
iyo gunnaanadkii, akhristayaal, sidaan qormadan idiinku soo bandhigay, waxa cad
oon sinnaba indhaha looga qarsan karin doorka ballaadhan ee muslimiintu kasoo
qaateen aas aasida, kobcinta, iyo horumarinta aqoonta iyo culuunta ay maanta
Yurubta Galbeed sheegtaan inay iyagu hindiseen, isla markaana adduunka ku soo
biiriyeen ikhtiraacooda, iyaga oo inkaraya meelaha ay ka heleen aqoonta, waana
mid muhiim ah in aan daaha ka qaadno in aqoonta ay maanta ku faanan ay ka soo
qaateen culimada muslimiinta iyo dawladihii musliiminta ee xilligaa qabsaday
qaybo kamid ah waddamada yurub.
Allah
Mahad leh.
Ridwan
Mohamed Ibrahim.
University
of Hargeisa, BE (Bachelor of Economics and Political science)
Kampala
International University, MEPP (Masters of Economic policy and planning)
Kampala,
Uganda.
No comments:
Post a Comment