Friday, August 30, 2013

Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? Q.3aad W/Q. Maxamed Jaamac Meygaag Samater

Qeybta Saddexaad


Maxamed Jaamac Meygaag

Waxaa akhristayaal wali inoo sii socda maqaalkeenii, Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? waxaanay inoo maraysay bulshada qeybeheeda kala duwan ee ka masuulka ah ama loo tiriyo inay qeyb wayn ka qaataan hoos u dhaca afkeena, waxaan soo aragnay inay Dawladdu, ururada ama Hay’adaha, Culimaa’u diinka iyo Ganacsatadu siday ugu lug-leeyihiin hoos u dhaca afkeena hooyo, oo run ahaantii hiil qaran u baahan. Waxaa kaloo ka mid ah;

1.      Goobaha caafimaadka ayaa iyaguna ah kuwa masuulka ka ah hoos u dhaca afka soomaaliga, iyadoo maanka lagu hayo, lana ogyahay in hadalada ama odhaahyada loo isticmaalo caafimaadku aan loo haynin eray bixinno afsoomaali ah. Laakiin haday taasi jirto waa la iska daynayaa miyaa oo sidooda ayaa loo qaadanayaa? Jawaabtu waa maya. Dadkeena inta wax akhrida ama wax qortaa iyadoo ay aad u badan yihiin, aanan hayninna tirikoob sax ah ama inta ay boqolkiiba ka noqon karto bulshada inteeda kale, yaa la raalli gelinayaa? Ma dad ingiriis ah ayaa meesha jooga miyaanay joogin dadkeenii danyarta u badnayd ee xataa hadaad soomaali ku qorto ay ku adkaan lahayd inay fahmaan, ayaa hadana goobkasta oo aad tagto oo caafimaad iyo qaansheeg kasta oo ay ku siiyaan waxaa ku qoran af ingiriisi. Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxaad moodaa inuu aad u dhaamo goobaha kale oo isagu in badan waxay isticmaalaan waadhdhka iyo qeybaha kale ee uu cisbitaalku ka kooban yahay afsoomaali. Walow ay jirto goobaha cusub ee imika lagu soo kordhiyay inay ingiriis ku qoran yihiin. Dhinaca kale marka aad booqato goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, waxaad ku arkaysaa halkani waa (Reception-kii, room-kii hebel, delivery room-kii, surgery room-kii) IWM. Waxaa kale oo aan aadka uga yaabay xayaysiisyada ay soo galiyaan warbaahinta qaybeheeda kala duwan ayaa waxaa ku wada qoran ingiriisi, mararka qaar ayay farriimo afsoomaali ka gaadhsiis ah u dhiibtaa shirkadaha is gaadhsiinta si ay u tebiyaan macaamiisha kolba adeegyada caafimaad ama dhakhaatiirta ajaanibka ah ee ay shaqaale ahaan u soo kaxaystaan. Haddaba hadii aan loo haynin eray-bixin soomaali  oo u gaar ah caafimaadka maxaa macnaha ama takhasuska dhakhtarkan loogu sheegi waayay afsoomaali. Tusaale ahaan haduu ku takhasusay kalyaha ama ilkaha ama qeybaha kala duwan ee jidhka, midkasta waa loo hayaa afsoomaali. Magacyadooda bal u fiirso GARGAAR MULTI SPECIALITY HOSPITAL, HARGEISA CANADIAN HOSPITAL, SHIFO HOSPITAL, ABC DENTAL CLINIC AND LABORATORY, mararka qaar ayaan is idhaahdaa malaha ma joogtid dalkii ee waxaad joogtaa qurbihii afkan iska lahaa.

2.      Goobaha waxbarasho ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ayaa iyaguna qeyb laxaad leh ka qaata hoos u dhaca afka soomaaliga, marka hore ba afka soomaaligu muhiimad wayn uguma fadhiyo mana aha duruusta loogu jecelyahay ama tixgalin gaar ah la siiyo dugsi kastaba ama ha ahaado mid dawli ah ama mid aan ahayn bee. Waxaana hadaad waydiiso ay kuugu jawaabayaan soomaaliga sawnaga ku hadalna, ma barasho kale ayuu nooga baahan yahay, imikana waxaaba laga dhigay in ardaygii doonayaana uu doorto ardaygii aan doonayna uu iska dayn karo marka la soo gaadho dugsiyada sare. Marka imtixaan sanadeedka lagaga gudbayo dugsiyadda sare iyo hoose ardayda dhibta ugu weyn ee soo waajahdaa tahay inay baraarugaan oo ay dib u raadiyaan qof u sheega waxa uu afsoomaaligu ka kooban yahay, kamana aha lexejeclo ee waa imtixaan ku dhaaf uun waana masiibo kale iyaduna.
Doorkaasina waa mid ay dayacday Wasaarada Tacliintu. Maamulayaasha iyo macalimiinta laftoodu ayaa iyaguna dhankooda la daadagay afkeena, 2008dii  marbaan u shaqo tagay dugsi ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ii qaateen macalin dhiga, farqurxinta (Handwriting) carabida iyo tan laatiinka. Markaan shaqo galay ayuu maamulihii maalintii labaad igu yidhi Maxamed-oow afka soomaaligana u dhig inta macalin kale aynu u helayno, waxaan ku idhi soomaaliga dhigistiisu ma sahlana mana doonayo inaan ardayda yar yar caameeyo, ee macalinkale u soo raadi. Wuxuu iigu jawaabay waar Maxamed maantana ma afkii aad ku hadlaysay ayaad leedahay ma dhigi karo. ana haa ma dhigi karo ayaan ugu jawaabay. Waxaan ku idhi ma dhigi karee ma u YEEDHIYAA uun. Markiiba haaye u yeedhi ayuu igu yidhi. Ana sidii ayaan ugu yeedhin jiray laakiin mararka qaarkood ayay I soo waajihi jireen kalmado aanan waligay maqal ardayduna ay markaas kaa doonayso inay ogaadaan macneheeda, waxaan ku qancin jiray inaanan u dhigin anigu soomaaliga ee aan u yeedhiyo uun, waanu soo wada baadhi jirnay aniga iyo ardayduba. Sidaasaanan ku dhamaystay sannad dugsiyeedkii, waxaaba suurta gal ah inaan anigu ku dhaamayba macalimiin badan oo iyaguna afka soomaaliga u yeedhiya ardayda kala duwan ee heerarka kala duwan ku jirta.

3.      Nolosha caadiga ah ee dadweynahay siiba dhalinyarada ayaa iyaguna doorkooda ku leh hoos u dhacan. Kumana qaldana sida aan filayo, waayo may arkin cid ku aba-bisa ama u sheegta inay afsoomaaliga leeyihiin. Dhalinyaradu marka ay si caadi ah iskaga sheekaysanayaa ama ay wadaagayaan ba fikrado ama aqoon-is- waydaarsi ba dhamaan waxay ku xoojinayaan fikradahooda ingiriisi. Marka la isku dirayo dhambaaladda noocyadooda kala duwan ayaa iyaguna waxay kuwada qoran yihiin afafka qalaad ee Ingiriisiga ama Carabida. Marka ay dhalinta yaryari wadaagayaan doodo cilmi haku dhisnaadaan ama af-miishaarnimo haku dhisnaadaane waxay ku saleeyaan af qalaad. Marka dhalintu haasaawayso dhambaalada la isku gudbiyaa ama hadalada dabacsan ee beer-laxawsigu ku jiro, ama wakhtiyada xanaaq jiraba waxay u badan yihiin af ingiriisi, marka qof guursaday loo tahniyadaynayo ama farxadda ciidaha la is waydaarsanayo ama qof loo tacsiyadaynayo, dhamaan qoraaladda iyo farriimuhu waa wada af ingiriisi, waliba kaaga sii darane qof kan soo diray dhambaalku haduu lahaan lahaa waxan uu soo qorayo way fiicnaan lahayd waaba horumar laakiin, qofkaasi wuxuu ka soo dheeganayaa (copy-garaynayaa) qofkale oo isaga la mid ah oo sidiisoo kale aan lahayn fahamsanayn na. halkaasna waxaa kabaxay xuquuqdii qoraha. bal u fiirso hadalada la isla dhex maro mareegaha internetka ee dhalinyaradu ku kulanto, haddii xikmad la soo dhigayo waa tu af Ingiriisi ah, waxaana laga bixiyaa faallooyin aad u badan. Haddii aad soo qaadato xikmad ama hadal isku toosan oo aan soo dhigto barta aad ku leedahay Facebookga waxaa laga yaabaa in aad waydo dhawr qof oo faallo ayaad sheegaysaa aan xataa isku mashquulinin akhrinta afsoomaaligan. Liidasho ayay u arkaan ba. marka laga reebo. Hal-abuuro da’yar oo iyagu farriimahooda ku soo gudbiyo tixo yar yar
4.      Qurba-joogta oo iyaguna marka ay dalka ku soo noqdaan soona booqdaan qoysaskooda ku kala nool dhamaan dhulalka afka soomaaliga lagaga hadlo ayaa iyaguna koox kasta oo dal gaar ah ka timaadaa af gaar ah ayay wataan, markay noqonayaan na qayb ayay inagaga tagaan oo iyaduna saamaynteeda leh ama kuwa la yidhaahdo DHAQAN-AAN DHOOFIN oo iyaguna aad isku gu mashquuliya sidii ay u matali lahaayeen ama loo moodi lahaa inay ka yimaadeen qurbaha kadib na afar eray oo ninba dalkuu jecelyahay inuu tago ah ayuu sadex isku toosan ka bartaa taasina soomaaliga ayay ka go’antahay.
Markaan indho diiran ku eegay, dad badan na waydiiyay caqabadahan soomaaliga hor taagan iyo dadkan kala duwani waxay uga qayb qaataan hoos u dhaca afka soomaaliga anigu ka fikiray noqdeen inay afafkan qalaad ee uu ingiriisigu ka kow yahay ay tahay ba waxa lagu qiimeeyo qofka heerkiisa aqooneed, oo haduu qofku soomaali sax ah ku hadlo uu yahay mid aan lahayn aqoon badan, haduu leeyahay na aanu aqoon tayo ah  lahayn, qofka isku dhex mila af ingiriisi iyo afsoomaali waa qof tixgalin leh oo eraygiisu gudbo. Taasina waa mid aan sal iyo raad toona ku lahayn waxaana fiican inay qiimayntoodaa laangaabka ah ku noqdaan. Waxaan soo jeedin lahaa in afkan inagaa iska leh, cidina uma maqna ceelna uma qodna, hadaynaan is kaashanin dawlad, dhalinyaro, odayaal, culimaa’u diin iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka shaqeeyo in la waayi doono ama uu adkaan doono is fahamka dadku.
Markaan eegno dhamaan qeybahan aan soo sheegnay waa intay ka kooban tahay bulsho kastaaba. Waxaynu u baahanahay inaynu gacmaha is qabsano oo aynu intay goori goor tahay laga hawl galo soo noolaynta iyo u hiilinta afkeena hooyo.
 Waxaan ku talin lahaa dhawr arimood in la sameeyo;
·         In horta la dareemo in afka soomaaliga aynu inagu leenahay ee aynaan ingiriisiga lahayn
·         Inaynu ogaano inaanu af qalaad iyo aqoonta qofku aanay isku xidhnayn
·         In afsoomaali kaliya lagu hadlo ama af qalaad oo isku dhex darka laga daayo.
·         In dawladdu ku baraarug-sanaato una magacawdo guddi heer qaran ah oo ka shaqaysa dib u soo celinta haybaddii afkeena hooyo
·         In xafiisyada dawladu ay dhamaantood ku wada hawl galaan afkeena, haday wax qorayaan iyo haday wax gudbinayaan ba. Hay’adaha iyo ururada oo dhan na ku amarto in cid kasta oo dawladda wax ka codsanaysa ama wax u qabanaysaa ay ku soo qorto afka soomaaliga, halkaasna waxaa ka dhalan kara shaqo abuur badan oo hay’ad kastaaba waxay qabsan lahayd wiil ama gabadh dhalinyaro ah oo u turjuma/turjunta waxay u baahantahay.
·         Isticmaalkii badnaa ee erayada isku dhafka ah ee ka kooban soomaaliga iyo ingiriisiga ah ayaa qofka aan isku dhex darin waxaa ku jirta kalsooni darro uu ka baqanayo in kalmadiisa ay deeqi waydo ama ay gudbi- ba waydo dadka oo la moodo inaanu aqoon tayo leh lahayn.
·         In dawladdu gaar ahaan Wasaaradda Tacliintu ay khasab ka dhigto barashada maadada afka soomaaliga lagana daayo kala doorashada in ardaygii doonayaana dhigan karo ka aan doonaynna iska dayn karo. Macalimiin na loo tababaro si hufan wax ugu dhigta ardayda
·         Jaamacadda Hargeysa iyo Camuud oo iyagana intii uu noolaa Alle ha u naxariisto Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” uu isagu ka bixin jiray maadada soomaaliga run ahaantiina ardaydu aad ay u xiisayn jireen ilayn sida jaamacadda loogu dhigayo oo kale kumay soo arag dugsiyadii hoose, dhexe ama sare ba e, taas na in dib loo soo celiyo ayaan ku talin lahaa, Jaamacadaha gaarka loo leeyahay na inay iyaguna qorshaha ku darsadaan ayaan u soo jeedin lahaa.
·         In la helo urur dhalinyaro oo ka daacad ah dib u soo noolaynta afkeena hooyo, lana kaashada qaybaha kala duwan ee bulshada sidii wax looga qaban lahaa afkan sii dabar go’aya
·         In dhalinyaradu intii ay awoodi karaan ay ku hadlaan soomaali

Waan u mahadcelinayaa dhamaan akhristayaasha, waxaan ka cudur-daaranayaa maqaalka dheer ee aan soo qoray kaliya lexe-jeclo aan afka ka leeyahay ayuun baan u qoray.

DHAMAAD.
W/Q: Mohamed Jama Meigag Samater (Action)
Mobile: 00 252 63 4429181
Skype: Mohamed-action
Facebook: Maxamed J Meygaag
Twitter: @ActionJama
Hargeysa Somaliland

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete