Saturday, September 14, 2013

DOORKA AY BAANANANKA GANACSIGU KA QAADAN KARAAN KOBCINTA DHAQAALAHA SOMALILAND. W/Q. Cumar Saleebaan Cumar


Cumar Saleebaan Cumar


Maqaalkan oo aan kaga hadli doono doorka ay Baananka ganacsigu (Commercial Banks) ka qaatan horumarka dhaqaalaha waxaa igu kalifay markaan arkay ganacsiga xorta ah ee kajira dalka curdinka ah ee somaaliland iyo sida ganacsiga xadiga yari uu korayo .
Baananka ganacsigu run ahaantii waa kuwa laf dhabarta u ah koboca ee dhaqaalaha ee dalkasta oo kamida dunidan aan kunoolnahay , waxa ay dhexdhexaadiyaan kaydsadayaasha (savers) haysta lacagtii laakin aan maal gashanin taas oo ay fursad usiinayaan amaahdayaasha (Borrowers) kuwaas oo aan haysanin lacagtii laakin haya fikirkii iyo xirfadii ay ku abuuri lahaayeen fursad ganacsi. Tani waxay sababaysaa in maal gashigii kordho hadii ay taasi dhacdana waxa hoos udhacaya shaqo laantii oo ah dhibaatada ugu wayn ee haysata dalkeena Somaliland.
Intaa marka laga yimaado wadan kasto oo leh commercial Bank ama baan ganacsi waxaa u sahlaya shuruucda maaliyadeed (Financial Rules) ee uu dalkaasi leeyahay, waxa kale oo iyaduna muhiim ah lacagta wadankaas ugaarka ah iyo heerka sarifka lacagaha qalaad,
Marka laga yimaado Baananka iyo doorkooda horumarineed waxa iyaduna aan laga tagi Karin noocyada baananka, sida la ogyahay waxa jira laba nooc baanan ah Baananka dulsaarka (Traditional Banks), waxaana sal u ah lagaha la dhigto ama lagu kaydsado taas oo uu bixiyo dayn ahaan (loan) taas oo qofka qaadanaya daynta lasaaro dulsaar kusalaysan mudada uu ku bixinayo habkan oo kasoo horjeeda diinta Islaamka oo ah qaab ribo kusalaysan oo aanay ogolayn shareecada ilsaamku waxa sida qaalibka ah uu kasheqeeyaa wadamada aan islaamka ahayn inkastoo wadamo islaam ahina ay isticmaalaan. 
Nooca labaad waa Baananka Islaamka (Islamic Banks), hadaynu eegno baananka noocan ahi aad ayay uga duwanyihiin baananka dulsaarka ah ee aan kor soo xusnay, waxaa sal u ah baananka islaamka wax loo yaqaano khasaare iyo faaiido wadaag qofkii lacagta ku kaydsanayay ayaa waxa loo soo ban dhigayaa in lacagtiisu shaqaynayso isla markaa loo dhiibayo qof haya fikirkii kadib marka la hir galiyo uu faa iidadii iyo khasaarihiiba lawadaagayo qofkii lacagta la amaahiyay. Tani waxay meesha kasaaraysaa lacagtii daynta dulsaarka lahayd ee ay isticmaalayeen baananka dulsaarka ku sheqeeyaa waxaanay waafaqaysaa diinta islaamka dalalka islaamka badankooduna waa ay ku dhaqmaan iyadoo run ahaantii horumarka badan kagaadhay hadaynu soo qaadano Malaysia oo kale oo la odhan karo aad ayay uga faa iideen 
Intaas marka laga soo gudbo hadaynu uniimdno Somaliland waa dal da’ yar oo ka go’ay wadankii la isku odhan jiray Somalia 1991 kii waqtigaas oo xaqiidii bur bur aad u badani kuyimid hadana dawladihii u kala danbeeyey intii ay talada hayeen waxa is badalo badani ku yimaadeen ganacsiga gaarka loo leeyahay oo run ahaantii horumar badan sameeyay iyo dhaqaalaha oo isa soo taray 22 kaa sanadood ee ay jirtay, ganacsiga kajira Somaliland waa nooca loo yaqaano (free market) suuqa xorta ah hase yeeshee waxaad moodaa inuu meeshii larabay inuu gaadho uu aad uga gaabinayo iyo in maal gashigii caalamiga ahaa uu maqanyahay taas oo ay sabab utahay baanankii ganacsiga iyo ilihii maaliyada (Financial institution) oo aan kajirin dalka.
Maxaa ay u fududayn lahaayeen baananka ganacsigu Somaliland, waxaynu odhan karnaa siyaabo badan ayuu ugu faaiidayn karaa dhaqaalaha dalka gaar ahaan maal gashadayaasha iyo ganacsatadaba . hadaan ku bilaabo dadka lacagta dhiganayaa waxa ay heli lahaayeen lacagtoodu inay amaan u ahaato iyagoon kacabsanayn in laga xado ama laga dhaco, ta labaad lacagtii meel iska ooli lahayd iyadoo fadhiid ah waa ay shaqaynasaa oo qofkale ayaa ka faa idaysanaya iyadoo isagana uu macaash kahelayo marka la eego habka baananka islaamka,
Tan sadexaad waxaa kordhi lahaa abuurista ganacsiga yar yar iyo ka waawaynba taas oo kor uqaadaysa shaqo abuurka ardayda kasoo baxday jaamacadaha iyo schoolada sare, ugu danbayn baanan ganacsi oo kahir gala Somaliland+ganacsiga xorta ah ee kajira Somaliland waxa ay soo jiidan lahaayeen indhaha maal gashadayaasha caalamiga ah taasi oo door laxaad leh kaqaadan lahayd koboca dhaqaalaha dalka taas oo markasta dawlada ufaaiidanaysa inay qaado cashuur badan oo ay ku kaabto adeega bulshada sida caafimaadka, wax barashada iyo adeegyada kale.
Marka la isku wada geeyo dhamaan qodobada aan kor kusoo xusay iyadoo aan ka dheehan karno faaiidoyinka bangiyadu u leeyihiin koboca dhaqaalaha. Maxaa kahor taagan in ay Somaaliland kahir galaan?. Sababaha ugu waayweyn ee loo nisbayn karo waxaa kamida 
1.lacagta oo aan ahayn mid saamayn badan ku leh dalka oo ay badhxeen lacagaha qalaad sida Dollarka. 2.Baanka dhexe oon qaadanin doorkiisi uu ku dhaqan galin lahaa baananka kale ee aan dawliga ahayn. 3.Golayaasha qaranka gaar ahaan Baarlamaanka oo aan wali ansixin sharcigii baananka. 

ALLAA MAHAD LEH 
Cumar Saleebaan Cumar cscomar66@hotmail.com
BA in ECONOMICS

Friday, September 13, 2013

Habkii ay Reer Yurub uga Dhaxleen Cilmiga Muslimiinta.

Ridwaan Maxamed Ibraahim

Cilmiga waa shay aad ugu muhiim ah bani aadamka, qayb laxaad lehna ka qaata dhismaha bulsho ahaaneed, islamarkaana siiya ummada haykal dawladnimo oo la mahadiyo, iyada oo la’aantii aanay waxba u suurto galeen. Alle (SW)  waxa uu Qur’an kiisa kariimka ah uu ku leeyahay “Miyey siman yihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan  lahayni?” isaga oo innagu baraarujinaya qiimaha cilmigu leeyahay. Dhanka kale Nabi Muxammed NNKH meeqaam sare ayuu siiyey aqoonta.
Aqoontu waxa ay soo jirtay ilaa markii la abuuray aabaheen Nabi Adem, umaduhuna way soo kala dhaxlayeen iyada oo qolo walba meel intay kaqaadaan ay meel kasaraysa soo gaadhsiinaysay; tani waxay dhaabad adag u noqotay horumarka  aadamuhu maanta ka gaadhay dhanka aqoonta.
Haddaba waxan maanta qalinka u qaatay maqaalkan oo aan idiinku soo bandhigi doono taariikhdii iyo habkii ay reer Yurub uga soo min-guuriyeen, isla markaana uga dhaxleen muslimiinta. Waxaan mugdi kujirin in cilmiga iyo aqoonta maanta reer Galbeed-ku (Western Europe) horumarka ku gaadheen uu yahay kii ay kasoo min-guuriyeen dunida muslimka, waxaana qormadan ku soo bandhigi doonaa, dibna idiinku celin doona qarniyadii hore iyo taariikhdii waayo hore. Ugu horrayn sida ay xaqiijiyeen taariikh yahanada reer Yurub ee ay kamid yihiin Batler, Harkins, Hitti, Leff, Ronan iyo kuwo kale oo badanba, “muslimiintii hore waxay ahaayeen dadka adduunka oo dhan u haya hoggaanka haddii ay noqoto xagga dhaqanka iyo xadaaradda labadaba” (Hitti, 1943,P. 143).
Marka labaad, sababo badan awgood, dadyawgii hore ee Yurubta galbeed kamaa ay baxsan karayn saamaynta muslimiintu ay ku leeyihiin iyaga. Dhulka muslimiinta iyo ka kiristanku waxay ahaayeen kuwo dhinaca isku haya, dhulka Spain waxay hoos imanayeen xukunka muslimiinta inka badan toddoba qarni, halka qaybo kamid ah dhulka talyaaniga ay hoos imanayeen muslimiinta muddo hal qarni ah, dadaalkii muslimiintu ay ugu jireen faafinta diinta islaamka oo socday muddo dheer, ayaa waxa uu baray Kiristankii dhulkaas degganaa maba’diida Islaamka iyo habka qurxoon ee ay u dhisan yihiin bulshada Muslimka ahi. Dhanka kale qoraaladii ay sameeyeen culimadii waawaynayd ee dunida muslimkuna waxa loo turjumay afka laatiiniga, sidoo kale waxa jiray xidhiidho kale oo ka dhexeeyey labada xadaaradood ( Muslimiinta iyo Kiristaanka). Waxay ahayd intii lagu gudo jiray qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii laba iyo tobnaad,  markii reer Yurub ay isku dayeen inay waxka ogaadaan Sayniska, Xisaabta iyo cilmiga looyaqaan Filoosofiga- halka noocyadan cilmiga aynu xagga sare kusoo xusnay ay kamarayeen heerkoodii ugu sarreeyey dunida muslimka. Waxa qasab noqotay in reer Yurub Muslimiinta kabartaan cilmiga ka hor inta aanay iyaga laftoodo horumar dheeraad ah ka samaynin cilmiga, waxaana cilmiga ay ka dheegteen aqoonyahanaddii muslimiinta ee wakhigaas waxa ayna u qaateen habab kala duwan, waxaynu ka xusi karnaa hababkaas kuwan hoos ku xusan:-
1.    Dhammaadkii qarnigii kow iyo tobnaad (11st centurery) ilaa horraantii qarnigii laba iyo tobnaad (12st century), culimo badan oo Kiristan ah ayaa u socdaalay dhulalkii Muslimiinta si ay ugasoo bartaan luuqada Carabiga iyo sayniska, kadibna ay u baraan dadkooda. Waxan tusaale usoo qaadanaynaa caalimkii Kiristanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Leonardo Fibonacci oo u socdaalay dalka Algeria si uu uga soo barto Xisaabta. Leonardo markuu soo dhammaystay waxbarashadiisa bilawgii sannadkii 1202 ee taariikhda miilaadiga, waxa uu qoray buug uu u bixiyey (Liber Abaci), si uu ugu faa’ideeyo bulshadiisa.
2.    Talyaaniga, Spain iyo koonfurta Faransiiska ayaa waxay u direen  Ardey aad u tiro badan dhulka Muslimiinta si ay uga soo bartaan culimadii muslimiinta ee markaas ku sugnaa dunida muslimka, cilmiga  ay ka soo baranayeen waxa kamid ahaa Xisaabta, Filoosofiyga, Caafimaadka iyo Sayniska. Kadib markii ay ardaydani soo dhammaysteen duruustoodii waxbarasho waxa ay kusoo laabteen Yurub, halkaas oo qaar badan oo kamid ahaa ardaydani ay tartan ugaleen inay macalimiin ka noqdaan jaamacadihii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Yurubta Galbeed sida uu Mirakhor ku sheegayo buugiisii uu qoray sannadii (1983, P,352).
3.    Gollahii ay lahaayeen aqoon yahannada Kiristanka oo la odhan jiray Golaha Vienne (Council of Vienne) ayaa waxa ay ka dhiseen shan dugsi oo lagu barto luuqadaha magaalooyinka Roma, Bologna, Oxford, iyo Salamanca, halkaas oo lagu barayey ardayda afka Carabiga, tani waxay ka dambaysay, kadib markii golluhu ka helay codsi caalimkii Kiristanka ahaa ee la odhan jiray Raymond Lully oo noolaa intii u dhaxaysay sanadahii 1232 ilaa 1315, kaas oo socdaal baahsan kusoo maray dhulka Muslimiinta, sida uu ku sheegayo Durant buuggiisa uu qoray sanadku markuu ahaa (1950, P, 979).
4.    Dabayaaqadii qarnigii 12 aad (12st century) ilaa intii laga gaadhayey qarnigii 13 aad iyo kii 14 aad, waxa Yurub gudaheeda si xoog ah looga dareemay dhaq dhaqaaqyadii sida weyn loogu turjumayey qoraaladii ay sameeyeeen culimada muslimiintu, kuwaas oo loo turjumay afka Laatiiniga (Latin), sida uu taariikh yahan Mirakhor ku sheegay buuggiisii uu qoray  (1988, P, 326). Waxa lagu turjumay buugaagtan goobo badan oo kamid ah qaarada Yurub – khaasatan, magaalooyinka Toledo iyo Burgos oo kuyaal waddanka Spain iyo labada magaalo ee layidhaa Sicily iyo Naples ee ku yaal Taliyaaniga intii lagu gudo jiray labadii qarni ee u horreeyey saddexdan qarni. Intaa wixii ka dambeeyeyna  waxa loo turjumay Laatiini qoraaladii Carabiga ku qornaa ee hore loogu turjumay afka Yahuudda ee loo yaqaan Hebrew.
Haddaba iyadoo ay jireen dhaq dhaqaaqyadaas baahsani, Islaamku waxa uu galay meel kasta oo kamid ah qaarada Yurub dhinacyada diinta, dhaqanka iyo dhaqaalahaba. Waxa wax aad loola yaabo ah in Kiniisadihii wakhtiyadaas majaraha u hayey waddamada reer Yurub marnaba aanay ogolayn ganacsiga, alaab isku badalashada (barter trade), iyo wixii lamid ah, iyagoo u daliishanaya inuu qanacsigu xaaraan yahay; qofka inaba lagu arko isaga oo ganacsi faraha kula jira waxay wadaadada Kiristanku u arkayeen sidii qof danbi samaynaya, taas oo keeni jirtay in mararka qaar ciqaabo qalafsan lagu fuliyo ganacsatada. Waxa xusid mudan in Islaamku xorreeyey qaarada Yurub. Tusaale ahaan, islaamku waxa uu soo nooleeyey qanacsigii, waxa uu sare u qaaday isku beddelashada alaabaha, islamarkaana waxa uu door muhiima ka ciyaaray hirgelinta nidaamka dayn isa siinta (credit). Waxa intaas dheer in mufakiriintii Muslimiintu (Muslim thinkers) ay siyaabo kala duwan saamayn ballaadhan ugu yeesheen culimadii Kiristanka, tusaale ahaan, taariikh yahanadii ayka mid ahaayeen Crombie (1963), Sarton (1931), iyo Winter (1950) ayaa iftiimiyey doorka ay culimada Muslimiintu ku lahaayeen helitaankii culuunta Physics-ka, Chemistry-ga, iyo Astronomy-ga.
Guntii iyo gunnaanadkii, akhristayaal, sidaan qormadan idiinku soo bandhigay, waxa cad oon sinnaba indhaha looga qarsan karin doorka ballaadhan ee muslimiintu kasoo qaateen aas aasida, kobcinta, iyo horumarinta aqoonta iyo culuunta ay maanta Yurubta Galbeed sheegtaan inay iyagu hindiseen, isla markaana adduunka ku soo biiriyeen ikhtiraacooda, iyaga oo inkaraya meelaha ay ka heleen aqoonta, waana mid muhiim ah in aan daaha ka qaadno in aqoonta ay maanta ku faanan ay ka soo qaateen culimada muslimiinta iyo dawladihii musliiminta ee xilligaa qabsaday qaybo kamid ah waddamada yurub.
Allah Mahad leh.
Ridwan Mohamed Ibrahim.
University of Hargeisa, BE (Bachelor of Economics and Political science)
Kampala International University, MEPP (Masters of Economic policy and planning)

Kampala, Uganda.

Friday, August 30, 2013

Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? Q.3aad W/Q. Maxamed Jaamac Meygaag Samater

Qeybta Saddexaad


Maxamed Jaamac Meygaag

Waxaa akhristayaal wali inoo sii socda maqaalkeenii, Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? waxaanay inoo maraysay bulshada qeybeheeda kala duwan ee ka masuulka ah ama loo tiriyo inay qeyb wayn ka qaataan hoos u dhaca afkeena, waxaan soo aragnay inay Dawladdu, ururada ama Hay’adaha, Culimaa’u diinka iyo Ganacsatadu siday ugu lug-leeyihiin hoos u dhaca afkeena hooyo, oo run ahaantii hiil qaran u baahan. Waxaa kaloo ka mid ah;

1.      Goobaha caafimaadka ayaa iyaguna ah kuwa masuulka ka ah hoos u dhaca afka soomaaliga, iyadoo maanka lagu hayo, lana ogyahay in hadalada ama odhaahyada loo isticmaalo caafimaadku aan loo haynin eray bixinno afsoomaali ah. Laakiin haday taasi jirto waa la iska daynayaa miyaa oo sidooda ayaa loo qaadanayaa? Jawaabtu waa maya. Dadkeena inta wax akhrida ama wax qortaa iyadoo ay aad u badan yihiin, aanan hayninna tirikoob sax ah ama inta ay boqolkiiba ka noqon karto bulshada inteeda kale, yaa la raalli gelinayaa? Ma dad ingiriis ah ayaa meesha jooga miyaanay joogin dadkeenii danyarta u badnayd ee xataa hadaad soomaali ku qorto ay ku adkaan lahayd inay fahmaan, ayaa hadana goobkasta oo aad tagto oo caafimaad iyo qaansheeg kasta oo ay ku siiyaan waxaa ku qoran af ingiriisi. Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxaad moodaa inuu aad u dhaamo goobaha kale oo isagu in badan waxay isticmaalaan waadhdhka iyo qeybaha kale ee uu cisbitaalku ka kooban yahay afsoomaali. Walow ay jirto goobaha cusub ee imika lagu soo kordhiyay inay ingiriis ku qoran yihiin. Dhinaca kale marka aad booqato goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, waxaad ku arkaysaa halkani waa (Reception-kii, room-kii hebel, delivery room-kii, surgery room-kii) IWM. Waxaa kale oo aan aadka uga yaabay xayaysiisyada ay soo galiyaan warbaahinta qaybeheeda kala duwan ayaa waxaa ku wada qoran ingiriisi, mararka qaar ayay farriimo afsoomaali ka gaadhsiis ah u dhiibtaa shirkadaha is gaadhsiinta si ay u tebiyaan macaamiisha kolba adeegyada caafimaad ama dhakhaatiirta ajaanibka ah ee ay shaqaale ahaan u soo kaxaystaan. Haddaba hadii aan loo haynin eray-bixin soomaali  oo u gaar ah caafimaadka maxaa macnaha ama takhasuska dhakhtarkan loogu sheegi waayay afsoomaali. Tusaale ahaan haduu ku takhasusay kalyaha ama ilkaha ama qeybaha kala duwan ee jidhka, midkasta waa loo hayaa afsoomaali. Magacyadooda bal u fiirso GARGAAR MULTI SPECIALITY HOSPITAL, HARGEISA CANADIAN HOSPITAL, SHIFO HOSPITAL, ABC DENTAL CLINIC AND LABORATORY, mararka qaar ayaan is idhaahdaa malaha ma joogtid dalkii ee waxaad joogtaa qurbihii afkan iska lahaa.

2.      Goobaha waxbarasho ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ayaa iyaguna qeyb laxaad leh ka qaata hoos u dhaca afka soomaaliga, marka hore ba afka soomaaligu muhiimad wayn uguma fadhiyo mana aha duruusta loogu jecelyahay ama tixgalin gaar ah la siiyo dugsi kastaba ama ha ahaado mid dawli ah ama mid aan ahayn bee. Waxaana hadaad waydiiso ay kuugu jawaabayaan soomaaliga sawnaga ku hadalna, ma barasho kale ayuu nooga baahan yahay, imikana waxaaba laga dhigay in ardaygii doonayaana uu doorto ardaygii aan doonayna uu iska dayn karo marka la soo gaadho dugsiyada sare. Marka imtixaan sanadeedka lagaga gudbayo dugsiyadda sare iyo hoose ardayda dhibta ugu weyn ee soo waajahdaa tahay inay baraarugaan oo ay dib u raadiyaan qof u sheega waxa uu afsoomaaligu ka kooban yahay, kamana aha lexejeclo ee waa imtixaan ku dhaaf uun waana masiibo kale iyaduna.
Doorkaasina waa mid ay dayacday Wasaarada Tacliintu. Maamulayaasha iyo macalimiinta laftoodu ayaa iyaguna dhankooda la daadagay afkeena, 2008dii  marbaan u shaqo tagay dugsi ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ii qaateen macalin dhiga, farqurxinta (Handwriting) carabida iyo tan laatiinka. Markaan shaqo galay ayuu maamulihii maalintii labaad igu yidhi Maxamed-oow afka soomaaligana u dhig inta macalin kale aynu u helayno, waxaan ku idhi soomaaliga dhigistiisu ma sahlana mana doonayo inaan ardayda yar yar caameeyo, ee macalinkale u soo raadi. Wuxuu iigu jawaabay waar Maxamed maantana ma afkii aad ku hadlaysay ayaad leedahay ma dhigi karo. ana haa ma dhigi karo ayaan ugu jawaabay. Waxaan ku idhi ma dhigi karee ma u YEEDHIYAA uun. Markiiba haaye u yeedhi ayuu igu yidhi. Ana sidii ayaan ugu yeedhin jiray laakiin mararka qaarkood ayay I soo waajihi jireen kalmado aanan waligay maqal ardayduna ay markaas kaa doonayso inay ogaadaan macneheeda, waxaan ku qancin jiray inaanan u dhigin anigu soomaaliga ee aan u yeedhiyo uun, waanu soo wada baadhi jirnay aniga iyo ardayduba. Sidaasaanan ku dhamaystay sannad dugsiyeedkii, waxaaba suurta gal ah inaan anigu ku dhaamayba macalimiin badan oo iyaguna afka soomaaliga u yeedhiya ardayda kala duwan ee heerarka kala duwan ku jirta.

3.      Nolosha caadiga ah ee dadweynahay siiba dhalinyarada ayaa iyaguna doorkooda ku leh hoos u dhacan. Kumana qaldana sida aan filayo, waayo may arkin cid ku aba-bisa ama u sheegta inay afsoomaaliga leeyihiin. Dhalinyaradu marka ay si caadi ah iskaga sheekaysanayaa ama ay wadaagayaan ba fikrado ama aqoon-is- waydaarsi ba dhamaan waxay ku xoojinayaan fikradahooda ingiriisi. Marka la isku dirayo dhambaaladda noocyadooda kala duwan ayaa iyaguna waxay kuwada qoran yihiin afafka qalaad ee Ingiriisiga ama Carabida. Marka ay dhalinta yaryari wadaagayaan doodo cilmi haku dhisnaadaan ama af-miishaarnimo haku dhisnaadaane waxay ku saleeyaan af qalaad. Marka dhalintu haasaawayso dhambaalada la isku gudbiyaa ama hadalada dabacsan ee beer-laxawsigu ku jiro, ama wakhtiyada xanaaq jiraba waxay u badan yihiin af ingiriisi, marka qof guursaday loo tahniyadaynayo ama farxadda ciidaha la is waydaarsanayo ama qof loo tacsiyadaynayo, dhamaan qoraaladda iyo farriimuhu waa wada af ingiriisi, waliba kaaga sii darane qof kan soo diray dhambaalku haduu lahaan lahaa waxan uu soo qorayo way fiicnaan lahayd waaba horumar laakiin, qofkaasi wuxuu ka soo dheeganayaa (copy-garaynayaa) qofkale oo isaga la mid ah oo sidiisoo kale aan lahayn fahamsanayn na. halkaasna waxaa kabaxay xuquuqdii qoraha. bal u fiirso hadalada la isla dhex maro mareegaha internetka ee dhalinyaradu ku kulanto, haddii xikmad la soo dhigayo waa tu af Ingiriisi ah, waxaana laga bixiyaa faallooyin aad u badan. Haddii aad soo qaadato xikmad ama hadal isku toosan oo aan soo dhigto barta aad ku leedahay Facebookga waxaa laga yaabaa in aad waydo dhawr qof oo faallo ayaad sheegaysaa aan xataa isku mashquulinin akhrinta afsoomaaligan. Liidasho ayay u arkaan ba. marka laga reebo. Hal-abuuro da’yar oo iyagu farriimahooda ku soo gudbiyo tixo yar yar
4.      Qurba-joogta oo iyaguna marka ay dalka ku soo noqdaan soona booqdaan qoysaskooda ku kala nool dhamaan dhulalka afka soomaaliga lagaga hadlo ayaa iyaguna koox kasta oo dal gaar ah ka timaadaa af gaar ah ayay wataan, markay noqonayaan na qayb ayay inagaga tagaan oo iyaduna saamaynteeda leh ama kuwa la yidhaahdo DHAQAN-AAN DHOOFIN oo iyaguna aad isku gu mashquuliya sidii ay u matali lahaayeen ama loo moodi lahaa inay ka yimaadeen qurbaha kadib na afar eray oo ninba dalkuu jecelyahay inuu tago ah ayuu sadex isku toosan ka bartaa taasina soomaaliga ayay ka go’antahay.
Markaan indho diiran ku eegay, dad badan na waydiiyay caqabadahan soomaaliga hor taagan iyo dadkan kala duwani waxay uga qayb qaataan hoos u dhaca afka soomaaliga anigu ka fikiray noqdeen inay afafkan qalaad ee uu ingiriisigu ka kow yahay ay tahay ba waxa lagu qiimeeyo qofka heerkiisa aqooneed, oo haduu qofku soomaali sax ah ku hadlo uu yahay mid aan lahayn aqoon badan, haduu leeyahay na aanu aqoon tayo ah  lahayn, qofka isku dhex mila af ingiriisi iyo afsoomaali waa qof tixgalin leh oo eraygiisu gudbo. Taasina waa mid aan sal iyo raad toona ku lahayn waxaana fiican inay qiimayntoodaa laangaabka ah ku noqdaan. Waxaan soo jeedin lahaa in afkan inagaa iska leh, cidina uma maqna ceelna uma qodna, hadaynaan is kaashanin dawlad, dhalinyaro, odayaal, culimaa’u diin iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka shaqeeyo in la waayi doono ama uu adkaan doono is fahamka dadku.
Markaan eegno dhamaan qeybahan aan soo sheegnay waa intay ka kooban tahay bulsho kastaaba. Waxaynu u baahanahay inaynu gacmaha is qabsano oo aynu intay goori goor tahay laga hawl galo soo noolaynta iyo u hiilinta afkeena hooyo.
 Waxaan ku talin lahaa dhawr arimood in la sameeyo;
·         In horta la dareemo in afka soomaaliga aynu inagu leenahay ee aynaan ingiriisiga lahayn
·         Inaynu ogaano inaanu af qalaad iyo aqoonta qofku aanay isku xidhnayn
·         In afsoomaali kaliya lagu hadlo ama af qalaad oo isku dhex darka laga daayo.
·         In dawladdu ku baraarug-sanaato una magacawdo guddi heer qaran ah oo ka shaqaysa dib u soo celinta haybaddii afkeena hooyo
·         In xafiisyada dawladu ay dhamaantood ku wada hawl galaan afkeena, haday wax qorayaan iyo haday wax gudbinayaan ba. Hay’adaha iyo ururada oo dhan na ku amarto in cid kasta oo dawladda wax ka codsanaysa ama wax u qabanaysaa ay ku soo qorto afka soomaaliga, halkaasna waxaa ka dhalan kara shaqo abuur badan oo hay’ad kastaaba waxay qabsan lahayd wiil ama gabadh dhalinyaro ah oo u turjuma/turjunta waxay u baahantahay.
·         Isticmaalkii badnaa ee erayada isku dhafka ah ee ka kooban soomaaliga iyo ingiriisiga ah ayaa qofka aan isku dhex darin waxaa ku jirta kalsooni darro uu ka baqanayo in kalmadiisa ay deeqi waydo ama ay gudbi- ba waydo dadka oo la moodo inaanu aqoon tayo leh lahayn.
·         In dawladdu gaar ahaan Wasaaradda Tacliintu ay khasab ka dhigto barashada maadada afka soomaaliga lagana daayo kala doorashada in ardaygii doonayaana dhigan karo ka aan doonaynna iska dayn karo. Macalimiin na loo tababaro si hufan wax ugu dhigta ardayda
·         Jaamacadda Hargeysa iyo Camuud oo iyagana intii uu noolaa Alle ha u naxariisto Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” uu isagu ka bixin jiray maadada soomaaliga run ahaantiina ardaydu aad ay u xiisayn jireen ilayn sida jaamacadda loogu dhigayo oo kale kumay soo arag dugsiyadii hoose, dhexe ama sare ba e, taas na in dib loo soo celiyo ayaan ku talin lahaa, Jaamacadaha gaarka loo leeyahay na inay iyaguna qorshaha ku darsadaan ayaan u soo jeedin lahaa.
·         In la helo urur dhalinyaro oo ka daacad ah dib u soo noolaynta afkeena hooyo, lana kaashada qaybaha kala duwan ee bulshada sidii wax looga qaban lahaa afkan sii dabar go’aya
·         In dhalinyaradu intii ay awoodi karaan ay ku hadlaan soomaali

Waan u mahadcelinayaa dhamaan akhristayaasha, waxaan ka cudur-daaranayaa maqaalka dheer ee aan soo qoray kaliya lexe-jeclo aan afka ka leeyahay ayuun baan u qoray.

DHAMAAD.
W/Q: Mohamed Jama Meigag Samater (Action)
Mobile: 00 252 63 4429181
Skype: Mohamed-action
Facebook: Maxamed J Meygaag
Twitter: @ActionJama
Hargeysa Somaliland

Tuesday, August 27, 2013

GUURKU WAA BADHAADHAHA NINKUU EEBBE GARANSIIYO!!! W/Q: Mustafe Axmed Xassan

Mustafe Axmed Xasan
Waxaan jeclaystay inaan mar labaad ka fal celiyo qoraalka “Afrika lama dhalee waa la dhagaroobaa!” ee uu qoray Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq). Ka falcelintaydu waxay inta badan ku jaan go’naan doontaa doodaha cilmiga ah, iyadoon dhaabbad uga dhigi doono isa sixid, iyo wanaag farid. Maqaalkaygii hore (Adaa deeqda bixiyee allow ubadka noo badi) ayaan kaga hadlay, halka ay shareecadu ka taagantahay fikirka Qorshaha Qoyska, mana rabo inaan mar labaad ku noqdo. Hal mid ayaase u baahan ku feejignaan, arintan ayaa ah; Haddii dooda soo galaan HADALKA EEBBE (QURAANKA KARIIMAKA AH) iyo Hadalka Rasuulkeenii shariifka ahaa (XADIISKA), waxa meesha ka baxaya afarta kelmadood ee kala ah “Waxay ila tahay”, “waxaan u malaynayaa”, “aniga fikirkayga”, iyo “sidaan u arko”. Sababta aan u soo qaadanayay Aayadaha Qur’aanka ah iyo Axaadiistu waxay ahayd: Ku shareer waxay sheegataba ha waydee!, dulucdayduna waxay ahayd inaan walaakeen Axmed deeq ku saxo una tilmaamo tubta san. Welise waxaa muuqata in walaalkeen si ugu indho adagyahay fikirkan, aynu se isku dayno bal inaynu haddana u caqli celino.
Sida aad ku aragteen intiinii akhriday qoraalkaygii hore, waxaan ku sheegay in ALLAAH arsaaq oo dhan bixiyo, haddana dadka looga baahan yahay inay la yimaaddaan sababta (Irsiqooda Raadsadaan). Sida qoraaga hadalkiisa ka muuqatana wuxuu baal marsan yahay xaqiiqada iyo mucda hadalka, wuxuu yidhi ”Lama arag arsaaq fawdo ah oo samada ka soo daadata”, Iskuma hayno in ILLAAHAY arsaaqda bixiyo, adaaba qiray taas, iskumana hayno in arsaaqdu u baahantahay juhdi iyo dadaal, oo anaaba kuugu sheegay qoraalkaygii hore. Waxa aynu isku haynaa se waxa weeye; Ma loo baahan yahay in dhalinta lagu dhiiri geliyo inay guursadaan? Mase loo baahan yahay in taranta la badiyo?
Inta aanan se bilaabin jawaabaha labadaas su’aalood, waxaan jeclaan lahaa inaan wax ka idhaahdo weedho aad iiga yaabiyay oo qoraagu ku tiraabay, akhriste adna aad iila dhugo. Qoruhu wuxuu yidhi “Haddii sidan raqiiska ah lagu dodo oo ubadka soomaaliyeed EEBBE lagu xawilo, waxaa maanka shaqynaya ku soo dhacaya; EEBBE ubadka soomaaliyeed ee muslinka ah ma wuxuu ka jecel yahay kuwa ingiriiska ah ee gaalada ah”. Qoraha waxaan garan waayay inuu hadalka EEBBE u yaqaano raqiis iyo in wax kale is tuseen, waayo qoraalkayga waxaan dhaabad uga dhigay HADALKA ALLAAH IYO RASUULKIISA (NNKHA). (walaalkay waxaan leeyahay kasoo noqo hadalkaas). Waxaa kale oo iyana iga yaabisay fikradda ah ah inaan ingiriis ilmo faqiir ahi ku noolayn oo uu qoruhu aaminsanyahay! Dunidan aynu ku nool nahay ilaahay ma simin, xikmad ayaana ku jirta arintaas. Dadku waa sida faraha oo iyana ma sinna, mid waa faqiir, mid waa miskiin, mid inyar ayuu ALLAAH u dhiibay midna ALLAAH waa u badiyay, isagaana xikmadiisa sidaa ku yeelay. Tani waxay ku tusaysaa in aanay dhici Karin in dadku sinaadaan (Fikirkii shuuciyadda) sida dad badani aaminsanyihiin.
Inta badan qoruhu wuxuu isku qaldayaa laba doodood oo isaga isku si ugu muuqda se aad u kala fog, aan isku dayo inaan idiin kala saafo. Midda koowaad waa dhasha badan oo uu u haysto hooyada mushkiladda, midda labaadna waa masuuliyadda waalidka ka saran ubadkooda (Waxaan xasuustay heeskii Khadra Dahir Cige Cudurka kaa gala fardaha….. Haddii laga gubo dameer…. Daawada lama gaadhayee….). Masuuliyad darada waalidka siiba aabbaha waa wax jira, waanan ku raacsanahay walaalkeen, waxaanan ugu darayaa inay iyadu tahay halkay sartu ka qudhuntay!, Aabbo aan shaqo tagayn; Aabbo aan caruurtiisa daryeelayn; Aabbo aan ubadkiisa u war hayn; Aabbo iska qayilaya; Aabbo aan diyaar u ahayn inuu gutto waajibaadkiisa ayaa ah ka sababay faqriga iyo dib u dhaca. Aniga fikirkayga, in ka badan 75% qoysaska soomaaliyeed waxa gacanta ku haysa hooyo, kaalintii aabuhuna waa banaantahay. Balka waran hadii aabuhu ka soo bixi lahaa kaalintiisa, isagoo masuul ka noqon lahaa quud raadinta qoyskiisa, hooyaduna tarbiyadda ubadkeeda iyo xanaanayntooda, maxaa inoo soo bixi lahaa? Jawaabtu waa, Ummad dhisan, dad jidhka iyo caqligaba ka caafimaad qaba. Walaalkeen aan saxo e, “iska dhal dhal” waxa keentay masuuliyad darrada aabaha, waana mushkilad aad u dhib badan oo inna haysata.
Dooddii aan kusoo noqdo, Ma loo baahannahay in dhalinta lagu dhiiri geliyo inay guursadaan? Mase loo baahan yahay in taranta la badiyo?, jawaabtu waa HAA, sababtoo ah xigmadda guurku waxay ku salaysan tahay cibaado buuxda. Nebiga NNKHA ayaa laga weriyey in uu yidhi “Ninka guursadaa wuxu dhamaystiray qayb (50%) diintiisa ah inta kalena Allaah ha uga baqo oo keliya.” Waxa kale oo iyana cad inuu guurku daawo u yahay mushkilado badan oo ka dhex jira bulshada, ha ugu horeyso cudurada wax gumaada, sinada, faqriga, raxmadda EEBE oo yaraata, abaaro iyo dhibaatooyin soo noqnoqda, iyo qaar kaloo badan. Nin aanu saaxiib nahay ayaa igula kaftamay hadalkan isagoo igu dhiiri gelinaya guurka “Mustafow markaad imika ilaahay baryayso waxaad la hoos joogtaa hal bilaydh (saxan), markaad se guursato waxaad ilaahay la hoos tagaysa laba bilaydh” ana waxaan ugu daray “Iyo laba saxan wax ka badan” anoo u jeeda ubadka soo kordhaya. Waxaan idinkana idinkana idin leeyahay “Ilaahay saxanno fara badan la hoos taga!!”, macnaha ubadka badsada.
Shaikh Al-Nafsawi oo ahaa caalim Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir fii Nus-hatil-Khaadhir), aad ugu dhiiri geliyay guurka, xataa wuxuu gaadhay inuu yidhaahdo “gabadha leh astaamahan soo socda yaan sinaba looga daahin guursigeeda….”. waxaan kaloo idinku dhiiri gelinayaa inaad daawataan muxaadarada (Lecture) “dhiiri gelinta guurka” ee sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, si aad uga heshaan aqoon aad u badan (Muxaadarada sheekha waxba kamaan soo qaadan markaan qoraalkan samaynayay; keligeed ayaa u baahan in qoraal xaashiyo fara badan)
Guntii iyo gabo-gabadii, guurkuu waa sunne fiican, aynu kaga dayano Rasuulkeenii suubbanaa (NNKHA), aynu badsano dhasha ALLAAH na ka barino ubad wanaagsan. Haddi aynu nahay aabayaasha aynu ku dadaalno inaynu gudano waajibkeena, aynu daryeelno ubadkeena, aynu u raadino nolol fiican. Haddii aynu nahay waalidka waxa ina saran xil wayn iyo xaq culus, aynu iska xil saarno ubadka. Yeynaan se dhasha isaga dayn cabsida aynu ka qabno faqriga.
ALLE HA INAGA DHIGO KUWA WANAAGA IS FARA XUMAHANA ISKA REEBA
Mustafa Ahmed Hassan (BAE, MEPP)
Mustafeh2@gmail.com
Facebook: Mustafa Ahmed

Monday, August 26, 2013

Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? Q.1aad W/Q. Maxamed Action

Qeybta Koowaad
Maxamed Jaamac Meygaag

Dhamaan marka hore waxaan salaamayaa bahweynta wax-akhriska jecel iyo qalin leydaba kani waa maqaalkii labaad ee aan u qalin qaato markaa wali waan ku cusubahay dhinaca wax qoristee wixii aan dhaliil yeesho intaas iigu cudurdaara. Maqaalkani waxaa laga yaabaa inaanu dad badan macno u samaynin una qaataan wax-iska maalaayacni ah oo aan wakhti badan oo aan helay uun kaga faaiidaystay laakiin walaahi waa arrin aan aad uga damqaday una baahan in lagu baraarugo ay aad u muhiim tahay, wali ay dhawdahay waxka qabashadeedu. waxaanan ku bilaabayaa magaca Eebe. Afka Ingiriisigu malaha wuxuu ku wanaagsanaan lahaa in laga dhigo afkeena koowaad waa u jeedada ugu weyn ee aan maqaalkan kooban u soo gudbiyay, waana iga talo soo jeedin markaan arkay meelkasta iyo wakhti kasta inuu inagula fal-galay.
Iyadoo aanay sidaad u sii durug-sanayn wakhtigii afka Soomaaliga la qoray oo ay ahayd 1972kii. Haddana waxaad moodaa in uu sii dabar-go’ayo afkeenii hooyo. Waana sababta aan maanta ugu qalin qaatay inaan bal wixii ilaahay iga garan siiyo aan ka qoro, intaas oo dhan ka hor waxaan jecelahay inaan bal dib u yara eegno ama aan is waydiino, afkan Soomaaliga ahi ma afkeena koowaad baa sida dastuurkeenu sheegayo? Yaa ka masuul ah ilaalintiisa iyo keydintiisa ba? In laga xarragoodo yaa sababay? In afkeena hooyo laga doorbido afafka qalaad halkay asal ahaan ka soo jeedaa ama waxyaabaha sababaa maxay yihiin? Ma waxaa ilaalintiisa laga sugayaa dhamaan umadda afka Soomaaliga ku hadasha mise ciddii is-xilqaami kartaaba way soo celin kartaa haybaddii iyo sharaftii afkeena hooyo? Weydiimahan iyo kuwa badan oo kale ayaa igu kalifay inaan intii karaankayga ah aan idiin soo gudbiyo.
Anigu aad uguma wanaagsani afka kumanaan soo barbaarin meelo lagaga hadlo Af Soomaali sax ah sida meelaha baadiyaha ah. Laakiin waxaan ku garaadsaday iyadoo afkeena ay muquuniyeen afaf badan oo kale. Kalmaddaan is idhaahdo asal ahaan maxaa looga jeedaa marka ay isku kay qaban waydo macnaha ay ku fadhido iyo kalmadda lafteedu waxaan marka dambe ogaan jiray inay kalmaddani tahay mid laga soo waariday af qalaad. Inkasta oo uu afkasta oo adduunka ahi leeyahay afafkale oo badhxaa lakin dadyawga ama dawladaha horumaray way ladagaalamaan intii ay awoodaan. Hadday dalalka kale ee ay xidhiidhada la leeyihiin la shirayaan ama ay wax wada qabsigooda ka hadlayaan, dalna dalka kale ugama tanaasulo afkiisa isagoo ku sharfaya dalkan uu martida u yahay ama martida u ah. Haday sidaasi dhacdo na waxaaba suurta gal ah sida aan maqlay in masuulkii afkiisa af aan ahayn ku hadlaa sabab kamid ah  sababahaas aynu soo sheegnay ay ku dhacdo in uu waayo mansabka uu hayo culayska uu doonaba ha lahaadee. Afkeenu waa sida kuwaas aynu soo sheegnay wuxuu na koobsadaa afaf ay ka mid yihiin Hindiga, Carabiga Ingiriisiga IWM. Hadaba inaga maxaa inoo diiday oo aynu uga sii jeednaa afkeena, miyaa laga waayay cid u kacda oo u tafa-xaydata ama u damqata afkan sii dabar-go’aya. Waan u mahadcelinayaa way jiraan ururo badan oo jecel ama ku magacaaban soo celinta iyo dib u ururinta afkeena laakiin iyaguna wax la taaban karo kama qabtaan ee xafladdo iyo munaasibado aan midho dhalin ayay wakhti badan ku lumiyaan.
Dawladda Djabouti waa dawlad aad iskaga xilsaarta sidii ay u ururin lahayd ama ay u hanan lahayd dhamaan hal-doorka ay ku tuhmayso inay yihiin Maktabadaha Suugaanta ama afka Soomaaliga. Maalinta afka hooyona si fiican ayay u xusaan, taas lafteedu may yaraynin sii liidashadii afka Soomaaliga. Dhamaan dalalka afka Soomaaliga ku hadla dastuuradooda waxaa ku xardhan in afka Soomaaligu yahay afka koowaad ee lagaga hadlo dalkooda, laakiin in uu afka koowaad noqdaa ma waxay ku dhamaystiran tahay in lagu hadlo inyar inta kalena lagu hafiyo afaf qalaad. Waa in la ogaadaa halka ay sartu ka qudhuntay, dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu masuul ayay ka yihiin dhibtan ku dhacday afkeenii aynu ku dhaadan jirnay.in badan ayaan u kuurgalay bal inaan ogaado oo aan indha-indheeyo waxaana ii soo baxay qaybahani inay yihiin kuwa xagal-daaca ku ah horumarka afkeena hooyo ugu horeyna waxaa ka mid ah
1.      Dawladda: Dawladdu waxay masuul ka tahay ilaalinta waxyaabaha soo jireenka ah ama bulshada ay maamulaysaa laga dheehanayo jiritaankeeda sida Hiddaha, Dhaqanka, iyo Suugaanta oo uu afku sal ba u yahay. Hadaba siday dawladdu uga qayb qaadataa hoos u dhaca afkeena hooyo? Weydiintan jawaabteeda waad haysataan, haddaan se idiin saafo, dhamaan xafiisyada dawladda, warbixinaha ay soo saaraan iyo munaasibaddaha ay ka qeyb qaataan ba waxaa aad uga muuqda inay afka qalaad ee uu Ingiriisigu u xoog badan yahay ku hadlaan intooda badan. Oo haba yaraatee afkii Soomaaliga ahaa uu ku yaryahay, marka laga tagi waayo, araajida la qorto marka xafiis ay dani kaa gasho, war saxaafadeeddada qaar. Waxaan mar ka qeyb galay munaasibad ay shirkadi ku soo bandhigaysay waxay ka shaqayso iyo sida ay dadku uga faaiidaysanayaan badeecadooda, shirkadani mar hore ayay ahayd furitaankeedu laakiin munaasibaddani waxay ahayd mid ay hawleheedii si toos ah u bilaabaysay ayaa mid ka mid ah wasiirada oo lagu marti qaaday munaasibaddaas hadalna ku lahaa ayaa markii ay gaadhay wakhtigii uu/ay hadal ayaa wuxuu ku bilaabay/bilawday, shirkaddan markaanu LAUNCH-garaynaynay sanadkii hebel. Launch waa kalmad af ingiriisi ah laakiin loo hayo soomaali fiican mana aaminsani in baahi loo qabo kalmad soomaali fiican loo hayo in ingiriisi lagu badasho. Kuma dhaleecaynayo kumana durayo masuuliyiinta dawladda, intooda badani intii karaankooda ah way ku hadlaan tixgalinna way siiyaan soomaaliga.
Lasoco……………….Qeybta Labaad
W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag
+252 63 4429181


Email: action50@gmail.com

Sunday, August 25, 2013

AF-QALAAD AQOON MIYAA? Q.2aad W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Qeybtii labaad
Maxamed Jaamac Meygaag

Waxaa akhristayaal inoo sii socday maqaalkeenii, Af-Qalaad Aqoontu Miyaa? waxaanay inoo maraysay bulshada qeybeheeda kala duwan ee ka masuulka ah ama loo tiriyo inay qeyb wayn ka qaataan hoos u dhaca afkeena, waxaan soo aragnay inay Dawladdu ka mid tahay qeybaha aynu sheegayno waxaana ku xiga;
2.      Ururadda Dhalinyarada, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah waa meelaha anigu aan filayo inuu aad Soomaaligu uga liito. Dhamaan magacyada ururada ama Hay’aduhuba hadaad u fiirsato magacyadooda waxay ka kooban yihiin kalmado la soo gaabiyay una taagan afka qalaad ee Ingiriisiga, sida Hay’adda ABC, WXYZ IWM. Dhanka kale dastuurada, shuruucaha u yaalla, xeer-hoosaadada ay ku dhaqmaan iyo habsami u socodka xafiisyada iyo waliba afka lagu isticmaalaa wada sheekaysiga iyo tilmaamaha oo dhani waa wada af Ingiriisi.  Mashaariicda ay fulinayaan intooda badani waa Ingiriisi, hadalkasta oo aad ku aragto nin dhalinyaro ah waxaa laga yaabaa in boqolkiiba 50 ay yihiin kalmado ingiriisi ah. Waxaan ka qeyb galay tababaro badan oo ay qabanayeen Hay’addaha kala duwan ee dalka ka dhisan, macalimiinta daadihisa tababarkaasi waxay ku hadlayaan kalmado ingiriisi ah. Ta aad ka iiga yaabisay anoo maalin maalmaha ka mid ah ku jira tababar dhalinyaro u badan ayaa waxaa I ga soo garaacay tilifoonkayga gacanta nin aanu asxaab nahay, kadib waxaan u sheegay inaan ku jiro tababar, markii ba wuxuu igu la soo booday waar ma CIIDAMADA ayaad ku biirtay waa maxay tababarka aad sheegaysaa. Markaa waxaan is idhi ma adiga ayaa qaldan mise inanka. Markii dambe se waxaan fahmay inanka hadaan ku odhan lahaa TRAINING ayaan ku jiraa markii ba wuu fahmi lahaa. Taasina waa dhibaato kale oo laxaad leh.
Labadii sanno ee u dambeeyay waxaan ururiyay kalmado af ingiriisi ah oo gaadhay 600 oo kalmadood oo boqolkiiba 90 loo helayo turjumaadoodii afsoomaaliga ahayd oo sax ah laakiin waxay aamineen in hadii ay kalmadahan ingiriisigooda ku hadlaan ay macno ka wayn samaynayso ta soomaaliga. Way jiraan kalmado badan oo aan lahayn eray bixin  afsoomaali ah. laakiin kuwaasi waa kuwo gaar ah. Sida kalmada STATEGY oo ay dadbada oo hal-door iskugu jira sugaanyahanno, qoraayo iyo aqoon yahanno badan oo ku shiray Dalka Jabuuti waxay kalmadaas rog-rogaan oo ay u raadiyaan afsoomaali ugu dambayntii waxay ku soo macneeyeen ISTARAATIIJIYAD. Waxay igu qaadatay inaan munaasibad kasta oo aan ka qeyb galo aan tiriyo dadka kala duwan ee ka hadlayaa inta ay soomaali ku hadlaan iyo inta ay ingiriisi ku hadlaan ayaan waxaan u samaystay buug aan ku xafido. Waanan sidan jiray buugayga munaasibad kasta  kalmadahaas ingiriisiga ah ee lagu hadlayo ayaan qori jiray, hadaan ku soo beegmo munaasibad anoon sidan buugaygana tilifoonkayga gacanta ayaan ku sii xafidi jiray hadhawna waan ka wareejin jiray.

Kalmadah aan ururiyay aad ayay u badan yihiin waxaase ka mid ah;  

·         In capacity building ka la dhiso
·         In advantage laga helo
·         In disadvantage ka laga eego
·         In strategic plan ka la horumariyo
·         In la implement gareeyo
·         In information sharing la sameeyo
·         In la approve gareeyo
·         In la advocate gareeyo
·         In la train gareeyo
·         In la lobby gareeyo
·         In la join gareeyo
·         In la facilitate gareeyo
·         In la establish gareeyo
·         In la determine gareeyo
·         In corruption ka la ilaaliyo
·         Institution ahaa
·         Aan comment ku daro
·         In aan context ka laga bixin
·         In civic education ka la sameeyo
·         In Youh centers la sameeyo
·         In recreation la sameeyo
·         Effect ga uu ku leeyahay
·         In data la helo
·         In Research la sameeyo
·         In raw material la helo
·         In laga qayb qaato Decision making ka
·         Waxaasi waa unique
·         Waxaasi waa series
·         U fikir si rational ah
·         In aan lagu confuse garoobin
·         Anaa inoo lead gareynaya
·         Banker ayan aha
·         Follow ga barnaamijka
·         Waa role model
·         Unfortunately nasiib darro
·         Challenges fara badan
·         Donors ayaa inaga caawinaya
·         Emergency ha igaga dhigin
·         Context keena marka laga eego
·         Media heenu ma wanaagsana
·         Waa case jira
·         Waa issue muhiim ah
·         Congratulate gareeyay
·         Level ka caalamiga ah
·         Foundation caan ah
·         Reform ka la sameeyey
·         Waxay shape garaynaysaa
·         Partners ayay la yihiin
·         La launch gareeyey
·         Cabinet ka la doortay
·         Globalized ayuu adduunkii noqday
·         Waa very logic meeshaasi
·         In revenue ga la kordhiyo
·         Waa arrin sensitive ah
·         International recognition la’aan
·         Lack of expertise ayaa jirta
·         Hundred percent weeye
·         Ayaa minute-ka inoo qaadaya
·         Sheeko funny ah weeye  
Intani waa qayb ka mid ah kalmadaha faraha badan ee aan ka ururiyay bulshada qeybeheeda kala duwan waxaanan ku soo bandhigi doonaa maqaalo kale insha’alah.
3.      Culimada diinta ayaa iyaguna ah kuwa dhankooda masuulka ah hoos u dhaca afkeena. Sheekhyadu hawlo aad u muhiim ah ayay u hayaan bulshada, haday tahay tilmaamidda xaqqa iyo farista wanaagga iyo xumaan reebista ba. Hadaba dhanka ay iyaguna ka galayaan dabar-go’a afka soomaaligu waa iyagoo markay dadka wacdinayaan, intay afka soomaaliga ku hadli lahaayeen ay ka doorbidaan inay afka carbeed ku hadlaan, ama ay inyar na ku hadlaan afka soomaaliga inta kale na afka carabida. suugaanta Tusaalayaasha u soo qaataan marka ay wanaag sheegayaan ama ay xumaan dadka uga digayaan, dhamaan waa wada suugaanyahanada carbeed. Markaa waxaan is weydiiyay talaw Suugaantiina ama gabayaaga Soomaaliyeed miyaanay lahayn gabayo dhinaca diinta ka hadlaya? Haa weeye jawaabtu oo sugaanyahanno badan ayaa leh qeybaha kala duwan ee suugaanta oo ay uga hadlaan si aanay uga hadal carabtan aynu ka soo dhuxul-qaadanayno, markaa maxaa Culimada Diinta u diiday inay tusaale ama tilmaamid u soo qaataan gabayaa la wada fahmo fariinta uu wado, maxaa u diiday Gaarriye, Hadraawi, Timacadde iyo dhamaan suugaanyahannada soomaalida meelkasta oo ay joogaan inay halkay ka soo qaadan lahaayeen nin carabi ku gabyay. Dhamaan bal u fiirso ogaysiisyada muxaadarooyinka, astaamaha meherada Maktabadaha Islaamiga ah, iyo duruusta kale ee lagu bixiyo masaajiddada waxaa ku wada qoran af carabi inta fahamtaaba ay aad u yartahay.
4.      Ganacsatada oo doorka ugu wayn ba ka qaata sii xumaanshaha afkeena; bal hal su’aal ah aan idin weydiiyee yaa wali ku arkay dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ka kooban tahay Somaliland, dukaan ama meherad ganacsi astaanteeda ama magaca meheradda oo ku qoran afsoomaali sax ha ahaado ama qalad e? Waxaan filayaa inay adagtahay, hadday se jirtaba aan la soo helayn wax ka badan mid iyo laba meheradood. Mar aan cilmi baadhis kala shaqaynayay shirkad la yidhaahdo KIMETRICA INTERNATIONAL  ayaa waxaanu ka samaynaynay cilmi baadhis dhamaan lixda magaalo ee waawayn iyo Wajaale oo aanu tirikoobaynay caqabadaha haysta ee dhinac kasta ah, dadka aanu waraysanaynayna waxay wada iskugu jireen ganacsatada waaweyn, dhexe iyo kuwa yar yar ee quutal-daruuragooda kala soo baxa ganacsigaas. Marka laga tago shaqadayda iyo buuxbuuxinta weydiimaha looga baahan yahay in wax laga ogaado, waxaa ii raacsanaa cilmi-baadhistaydii kale ee ku saabsanayd u fiirsashada astaamaha (Boodhadhka) meherada aan waraysanayay ama aan ku arkayay wadooyinka. Waxaan helay Dukaan ku yaalla Magaaladda Burco oo ahaa ka kaliya ee aan ku arkay boodhkiisa afsoomaali oo uu si fiican ugu qoray waxyaabaha uu ka ganacsanayo oo afsoomaali sax ah inta aan aniga ka garanayay, laakiin anoo u bogay meheradan ayaa hadana waxaan arkay in Magaca meheraddu ba ku qoran tahay af ingiriisi.

W/Q. Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Mobile: +252 63 4429181

Email: action50@gmail.com

Saturday, August 24, 2013

Adaa deeqda bixiyee Allow Ubadka noo badi! W/Q: Mustafe Axmed Xassan

Mustafe Axmed Xasan
Bal u fiirso weedhahan,
“Sidaa daraadeed dhallinta aqoonta leh waxaan leeyahay; Ha guursanina, haddaad guurstaanna ha dhalina, haddaad dhashaanna hal ha ka badsanina, maxaa yeelay tobankii walaalkaa, ama walaashaa, ama adeerkaa, ama abtigaa dhala ama soomaali maxamed dhaleen aday ku sugayaan”!!!!!
Weedhahaas iyo qaar ka daran ayay ahaayeen waxaan kala kulmay maqaal kooban oon ku arkay baraha internetka gaar ahaan mareegta weedhsan media oo aan aad u booqdo. Waxay igu noqotay falaadh igaga dhacday halbawle khatara, runtii waxay ahayd lama filaan iyo u qaadan waa; ka dib waxaan go’aansaday inaan qoraal ku saxo walaalkay (Qoraaga maqaalka: Ubad Badan uma Baahnin ee ku jira weedhsan media).
Akhriste, maan garan waayin inaan qoraaga fariin u diro, si aanan dadka kale u gaadhsiin, se waxa lagama maarmaan noqotay inaan maqaal ka qoro laba sababood awgood:
1. Waxa jira, oo aad u badan dadka aaminsan fikirka noocan ah (Qorshaha Qoyska), waxaana mudan in la saxo oo la wada gaadhsiiyo kelmada wanaagsan, si ay wax ugu tarto.
2. Maqaalka qoraagu (Ubad Badan uma Baahnin) wuxuu gaadhay dad badan, waxa laga yaaba inay u qaataan sida saxda ah, sidaa darted ayay muhiim u tahay in iyana loo sheego inaanay sidani sax ahayn.
Afeef: Ugu horeyn waxaan ka afeefanayaa ujeeddada qoraalkaygan oo qofba si ugu dhadhami karta. Runtii ugama jeedo inaan shaqsi, cid ama koox aan wax ugu dhimo, xaasha! Weligay qoraal aan qof ama cid ku maagayo uma qalin qaadan, qabiilna daa hadalkiisa. Igamana aha is muujin iyo is mahadin, taas ALLAAH ayaan ka magan galay. Waxaanse uga jeeda oo qudha inaan ku saxo fikir qaldan oo ina dhex qaadaya meeshuu doono ha ka yimaaddo’e (waxaa aad u qurux badan in fikirka la dhaliilo qofka se la dhawro).
Waba yaanan taraarine aan soo noqdo, aan se ku bilaabo weydiine; Akhriste ma ogtahay in ALLAAH uu qoray dhuuniga (RISIQA) qofka isagoo uurka hooyadii ku jira? Hadday jawaabtu tahay haa, Maxaynu uga warwaraynaa dhuunigeena? Kuma lihi ka tag oo ha raadsan dhuunigaaga (IRSIQA), waan kugu dhiiri gelinayaa inaad geed gaaban iyo geed dheerba u fuusho sidii aad quruskaaga u soo dhacsan lahayd, se kama badsanaysdi intii qalinku kuu oqray. (Wax kasta sabab ayay u baahan yihiin)
Waxa jira fikir ay reer galbeedku u soo waaridaan wadamada itaalka daran ee Islaam ka ah, fikirkaas waxa loogu magic daray Qorshaha Qoyska (Family Plan), waana ka oo qoruhu si cad aan ka gabasho lahayn u taageerayo, fikirkani wuxuu odhanayaa (Aabaha iyo Hooyadu waxay dhali karaan hal wiil iyo hal gabadh si ay ula dagaalamaan faqriga). Ogow akhriste Qorshaha Qoysku waa qasab wadamo badan oo ku yaalla bariga fog iyo galbeedkaba.
Intaanan kugu qancin ama kugula doonin heerka daciifnimo iyo maangaabnimada ku jirta fikirkan (Qorshaha Qoyska), aan kula wadaago hadalka ALLAAH, iyo Rasuulkiisa (NNKHA) kuna saabsan mawduucan. Aayadda 31 aad ee Suuradda Al-Israa, ALLAAH (SWT) wuxuu yidhi (Ha dilina ubadkiina idinkoo ka baqanaya faqri (Gaajo), Anagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba, dilkoodu (ubadka) waa gef aad u wayn). Aayaddan kariimka ahi waxay inoo sheegaysa inaan faqri dartii dhasha loo wax yeelayn Karin, taas macnaheeda waxa soo galaya inaan faqri dartii guurka laysaga dayn Karin, waxaana caddayn kuugu filan xadiiskii uu Rasuulku (NNKHA) uu macnahiisa guud ahaa (Haddaad faqri ka cabsataan guursada).
Dadka inta badan ku talax tagay fikirkan (Family Plan) ayaa ah kuwo u cuskada aqoonta maaddiga ah ee ku tacaluqda horumarka iyo la dagaalanka saboolnimada. Waxay aaminsan yihiin in badhaadhe la gaadhi karo oo kaliya haddii qof walba loo sii qoondeeyo sidii loo dabooli lahaa baahidiiisa, tan waxa lagu gaadhi karaa ayay aamineen keliya in la yareeyo dhasha. Si aan si fiican kuu fahamsiiyo, qoladani waxay aaminsanyihiin in aabaha iyo hooyadu dhalaan keliya intay quudin karaan. Su’aal ayaa imanaysaa markaas; Yaa wax quudin kara, ama quudiya? Jawaabtu waa ALLAAH, sidaas waxaa inoogu cad in aabbaha iyo hooyadu toona aanay waxba quudin Karin.
Cilmiga dhaqaalaha (Economics), qeybtiisa horumarinta dhaqaalaha (Economic Development) ayaa si fiican uga hadasha sida loo yarayn karo faqriga laguna gaadhi karo badhaadhe waara; waxaa jira aragtiinno (theories) badan oo ka hadlaya sida ugu fiican ee lagula dagaalami karo faqriga laguna gaadhi karo badhaadhe waara, aragtiinadaas intooda badani waxay isku raaceen in korodhka bulshado (Population Growth) ay tahay sees ka badhaadhe waara iyo yaraynta faqriga, waxaanad adigu ila qiraysaa in badinta guurka iyo dhasha ay yihiin keliya labada dariiqo ee ay ku iman karto korodhka bulsho (Population Growth). Waxa laga yaabaa in qoruhu ku dawakhay aragtiinnada faraha badan ee is burinaya ee arrintan ka hadlaya, ama aanu aqoon buuran u lahayn cilmiga dhaqaalaha. Si aynu fikir uga helno aaragtiinnada (Theories) noocan ah, aan idinla wadaago laba ka mid ah aragtiinadaas oo aad isaga soo horjeeda, dabadeed ta saxda u dhaw aynu doorano.
Classical theory: Aragtiinka (Theory) koowaad Waxa la yidhaahdaa (Classical theory), waxa markii ugu horeysay wax ka qoray Bare Sare Thomas Malthus, dadka qaarkoodna waxay u yaqaanaan (Malthusian Theory), dadka fikirkan aaminsan ama ku abtirsada oon aan filayo inuu qoruhu ku jirana waxaa la yidhaahdaa (Malthusians). Aragtiinakani waxay dhigaysaa; Haddii korodhka bulshadu siyaado, waxa yaraanaysa qaniimada ilaa ay gaadho heer ay u qaybsami waydo bulshadaa iyada ah, tani waxay sababaysaa faqri (Gaajo) iyo dib u dhac xagga horumarka ah. Si looga hortagana (korodhka Bulshada) waa in la xakameeya dhasha. (FIKIRKANI WAA MID AAD U GABOOBAY OO AAN HADDA SHAQYN)
Neoclassical Theory: Aragtiinka labaad waxa la yidhaahdaa (Neoclassical Theory), dadka calanka u sida waxa ugu horeeya Bare Sare Robert Solow. Bare Sare Solow iyo colkiisu waxay aaminsanyihiin in korodhka bulshadu door aad u muhiim ah ku leeyahay horumarka dhaqaale ee waddan ama bulsho. Waxay kaloo aaminsanyihiin in bulshada oo korodhaa ay qayb ka tahay helidda shaqaale jaban oo maalgeliyayaashu ka faa’idaystaan. (Akhriste ma is weydiisay sababta shirkadaha waawayn ee dunidu manta ugu guurayaan ama xarumo cusub uga furanayaan India iyo China.), qodobka labaad ee ay aaminsanyihiin inuu horseedi karo badhaadhe ayaa ah horumarinta tiknoolajiga.
Is barbardhiga labadan fikradood si aan ta saxda ah u qaadano: Hal qodob ayan rabaa inaan anigu kuu soo gudbiyo, inta kale se adaan kuu dhaafayaa akhriste. Korodhka bulshado ma yarayn kartaa qaniimada? Jawaabtu waa maya, sababtoo ah, marka bulshadu korodho waxa kordha fursadaha maalgashi iyo shaqooyin cusub, tani waxay sii kordhinaysaa qaniimadda, macnaha bulshada iyo qaniimadduba waxay u wada kordhayaan si wada socod ah (Direct Proportional). Sidaa darteed ma qaldanin haddaynu nidhaahno aragtiinlka Malthus maaha mid shaqyanaya casrigan.
Guntii iyo gebo-gebodii, Shareecadeena suubban iyo aqoonta maaddiga ah labaduba waxay dhiirigelinayaan taranta badan iyo korodhka bulshada, sidaana waxa lagu gaadhi karaa guurka oo la badiyo. Sababta se reer galbeed ay uga qaylinayaan korodhka bulshadu waa arrin kale oo u baahan in lagaga hadlo maqaal kale.
Dhalinta wax baratay iyo tan aan waxbaranba waxaan kula talin lahaa taladii Rasuul keenii suubbana (NNKHA), ee ahayd “Midkiina awoodaya guurka ha guursado”, Welibana waxaan sii dhiiri gelinaya in ubad badan la dhalo anoo cuskanaya hadalkii rasuulkeena “Guursada oorida jacaylka badan ee dhasha badan”.
Waxaan ka xumahay in aan idiin qadhiidhay se aan jeclaa inaan wax badan ka qoro; sababtuna waa soomaalida oo aad u neceb qoraalada dhaadheer.

ALLAAH HA INAGA DHIGO KUWA KHAYRKA IS FARA XUMAHANA ISKA REEBA
Mr. Mustafa Ahmed Hassan (BAE, MEPP)
Mustafeh2@gmail.com