Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Xilku waa wareegto waa odhaah muujinaysa in qofkasta oo
muwaadin ahi xaq u leeyahay inuu ka mid noqdo hannaanka dawladnimo ee kolba
wakhtigaa taagan. Somaliland ahaan waxaynu qaadanay midka mid ah hababka
dawliga ah ee adduunka ka jira oo ah habka loo yaqaan MADAXTOOYO oo uu
madaxweynuhu leeyahay awoodda ugu saraysa ee fulineed. Awoodda madaxweynaha
waxaa ku lammaan saamaynta ay beeluhu ku leeyihiin cidda la magacaabayo oo
halkii madaxweynuhu soo xuli lahaa qof leh aqoonta iyo khibradda looga baahan
yahay booskaas ayaa waxaa dhacda in reeruhu keenaan ka ugu af-tahansan oo ay u
arkayaan inuu danahooda gaarka ah ka shaqaynayo, laakiin aanay fileyn inay
horumarkii ubadkooda iyo aayahooda curyaaminayo. Waxaa maalmahan inagu soo kordhay
oo ugub inagu ah in koox wasiiro ah oo is-xulafaystay ay hal-mar iska wada
casilaan xilalkii ay ka hayeen dawladda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.
Hadaba maxaa keenay is-casilaaddaa? Is-casilaaddani ma mid ku qotontaa habka
maamul ee ay iyaguba ka mid ka ahaayeen? Ma dantoodii shakhsi ayay ka dhex-arki
waayeen dawladda? Ma waxay kala garan waayeen Xisbiga Kulmiye iyo Shaqada
Dawladnimo?
Masuulkasta oo nasiib u yeesha inuu ka mid noqdo hadba
jaran-jarada maamul ee dawladnimo, waxyaabaha ugu horeyn ba laga fishaa waxa
weeye inuu ka shaqeeyo arimaha ugu muhiimsan ee loo magacaabay oo ah baylah
muuqata oo loo gartay inuu isagu qeyb ka gaysan karo hagaajinteeda ee maaha
inuu nolol maalmeedkiisa iyo heerkiisa dhaqaale uun kor-ugu-qaado oo sidii uu
hanti u urursan lahaa ku mashquulo oo Dhismayaal dhaadheer u dhisan lahaa.
Masuulku isagoo wasiir ah ama mansab kale oo dawladeed haya
ayuu xisbi ku jiri karaa, taageeri karaa, shirar la gali karaa, talooyin ka dhiiban
karaa, wixii aanu ka reebin xeer ama sharci mooyee. Laakiin inaga waxaa iskaga
keen dhex-qasan xisbinimo iyo dawladnimo. Xisbigu waa meesha lagu soo koriyo oo
lagu soo gardaadiyo siyaasiga oo lagu tabo-baraa siyaasad ku dhisan, ilaalinta
diinta, dhaqanka wadaniyadda, akhlaaqda wanaagsan, ilaalinta shariciga iyo
kala-dambaynta, iyo dhiirinaan ah inuu horumar gaadhsiin karo bulshadiisa u
baahan. Laakiin waa marka uu xisbigu leeyahay aragti iyo ujeedo cayiman
arkayana baylah uu isleeyahay waad dabooli kartaa, kadib na, uu u tafa-xayto
sidii uu olole ugu gali lahaa uu hankaas ku gaadho isagoo bulshada tusaya habka
iyo xeeladda uu xisbigiisu dheeryahay axsaabta kale kuna gaadhi karo yoolkaas
mudada caynkaas ah. Xisbiyadeena Qaranku waa meesha lagu aasaaso Qabyaaladda ee
u ah sallaanka ay ku gaadhaan inay ku fadhataystaan dhiiga masaakiinta. Siyaasigeenu
isagoon mabaadi’ la iman, qorshana aan diyaarsan ayaa la magacaabayaa markuu shaqada
bilaabana, wuu ku haftaa oo meel uu kaga hagaago ma garto, waa ta dhalisa in shaqadiis
la mahadin waayo.
Sunnaha dawladnimo ayaa ah in qofkasta oo waajibaadkiisa si
fiican u guta oo sidii loogu tala-galay uga soo baxa la-dalacsiin karo, loo
badali karo meel kale oo hoosaysa lagana filayo inuu kor u soo qaado isagoo
laga faaiidaysanayo aqoontiisa, iyo xirfadiisa hogaamineed. Sidoo kale
dawladnimada ayay ka mid tahay in masuulka shaqadiisa gaba’ ee ku mashquula
waxaan loo dirin iyo danaysta-nimo, iyo ku takri-falid hantida umadda, kuna
guul-daraysta waajiibaadkii loo asteeyay inuu is-casilo haddii ba la casili
waayo.
Is-casilaadda hal wasiir ama dhamaan wasiiradu waxba uma
dhinto hannaanka iyo habsami u socodka dawladnimo, waayo waxaa bulshada ka
buuxa dad ka aqoon, karti iyo aragti ba dheer oo lagu badalo ciddii is-casisha
ama la casilo. Wasiirada is-xulafaystay ee sidii tusbax furmay halmar iswada
casilay, waxay shaqaynayeen wakhtiyo kala duwan, wasaarado kala duwan,
qaabilsanna dhinacyo kala duwan. Intii ay shaqaynayeen wax way qabteen laakiin
wax-qabadkoodu ma yahay mid maanta lagu faani karo oo aynu odhan karno
dhinacaas waynu ka dhamaystiranahay haddaynu nahay Somaliland ee dhinacyo kale
aynu xoogga saarno. Masuulyiintaas is casilay wax lagu xasuusto oo waara ayay
ka tageen. kaliya SIDAY INOOGU YIMAADEEN BAY INAGAGA TAGEEN. Haddaanay hoos
inoo ridin oo aanay dib inoogu celin.
Marka taariikhda dib loogu noqdo waxaynu aragnay, in cidda
kaliya ee siyaasadda guul ka gaadhay ee ku negaatay waxa weeye shakhsiyaad
Samir iyo dulqaad dheeraad ah u yeeshay marxaladaha kala duwan ee soo waajaha
intay ay ku abtirsanayaan bahda siyaasadda, la yimi aragti iyo tusmo ay ku
jiheeyaan bulshada, rajana ugu abuuraan dhallinta. Waxaa hore siyaasadda uga
huleela oo ka baxa haddii aad siyaasadda u soo gashay aad magac yeelatid, aad
lacag ku yeelatid, is-xulafaysi afka-baarkiisa ah, ka fiirsasho la’aan iyo
kalsooni darro intaas hadaad ku sifowdo siyaasadda waad ka dhaqaaqday.
Masuuliyiintii is-xilqaantay ee is-casishay Maalmo ka hor
ayay nidaamka maamul ee Madaxweyne Siilaanyo ku qanac-sanaayeen, ammaan iyo
difaac ba la hor-taagnaayeen waxqabadkiisa iyo horumarka ay samaysay mudadii ay
xilka haysay. Markii ujeedadoodii u suurta-gali waydayna waxay isku arkeen inay
iskaga baxaan hannaankan, kadibna qaarkood ay afkay shalay ku amaanayeen hadana
maanta ku caayaan, kuna eedaayaan Madaweynaha mid dhinac maray iyagoon hayn
warar xaqiiq ku dhisan. Waxay muujinaysaa bisayl la’aan siyaasadeed. Waxay kale
oo ay ku faraxsanyihiin dhaawacaas ay u gaysteen dawladnimadii, Waxaynu dareemaynaa
inay ahaayeen koox gaar dantooda uun wata balse aan u adeegayn danta guud ee
qaranka. Waxay kale oo ay lumiyeen kalsoonidii shacabku ay ku qabeen. Loollankii
ka dhex jiray xisbiga kulmiye ayay ku iloobeen dantii guud ee qaranka
Marka la isku soo xooriyo, masuuliyiintan is-casishay waxay
dantii guud ee ay umadda hormoodka uga ahaayeen ka doorbideen dantoodii gaarka
ahayd. Wixii aad umadda u hayseenna iska soo wareejiya, midda kale qofkasta oo
masuul ahi waa inuu yaqiinsanaadaa inaan adduunka lagu waareyn oo lagula
xisaabtamayo, oo xataa haddii inta ifka la joogo lagugu xisaabin waayo, waxaa
dambeysa maalin aanad ka baxsan karin xisaabta Ilaahay. Aakhiradiina u tudha oo
ilaahay na ka cabsada.
Xilku waa wareegtee,
Dadka wada-jirkoodiyo
Qarankaa ka weyn ruux
Danihiisa wadan jiray
Nin wasiir ahaan jiray
Haddii uu wadada xulo
Cirka waaxi may dumin
(Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax)
W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Hargeysa