Saturday, September 14, 2013

DOORKA AY BAANANANKA GANACSIGU KA QAADAN KARAAN KOBCINTA DHAQAALAHA SOMALILAND. W/Q. Cumar Saleebaan Cumar


Cumar Saleebaan Cumar


Maqaalkan oo aan kaga hadli doono doorka ay Baananka ganacsigu (Commercial Banks) ka qaatan horumarka dhaqaalaha waxaa igu kalifay markaan arkay ganacsiga xorta ah ee kajira dalka curdinka ah ee somaaliland iyo sida ganacsiga xadiga yari uu korayo .
Baananka ganacsigu run ahaantii waa kuwa laf dhabarta u ah koboca ee dhaqaalaha ee dalkasta oo kamida dunidan aan kunoolnahay , waxa ay dhexdhexaadiyaan kaydsadayaasha (savers) haysta lacagtii laakin aan maal gashanin taas oo ay fursad usiinayaan amaahdayaasha (Borrowers) kuwaas oo aan haysanin lacagtii laakin haya fikirkii iyo xirfadii ay ku abuuri lahaayeen fursad ganacsi. Tani waxay sababaysaa in maal gashigii kordho hadii ay taasi dhacdana waxa hoos udhacaya shaqo laantii oo ah dhibaatada ugu wayn ee haysata dalkeena Somaliland.
Intaa marka laga yimaado wadan kasto oo leh commercial Bank ama baan ganacsi waxaa u sahlaya shuruucda maaliyadeed (Financial Rules) ee uu dalkaasi leeyahay, waxa kale oo iyaduna muhiim ah lacagta wadankaas ugaarka ah iyo heerka sarifka lacagaha qalaad,
Marka laga yimaado Baananka iyo doorkooda horumarineed waxa iyaduna aan laga tagi Karin noocyada baananka, sida la ogyahay waxa jira laba nooc baanan ah Baananka dulsaarka (Traditional Banks), waxaana sal u ah lagaha la dhigto ama lagu kaydsado taas oo uu bixiyo dayn ahaan (loan) taas oo qofka qaadanaya daynta lasaaro dulsaar kusalaysan mudada uu ku bixinayo habkan oo kasoo horjeeda diinta Islaamka oo ah qaab ribo kusalaysan oo aanay ogolayn shareecada ilsaamku waxa sida qaalibka ah uu kasheqeeyaa wadamada aan islaamka ahayn inkastoo wadamo islaam ahina ay isticmaalaan. 
Nooca labaad waa Baananka Islaamka (Islamic Banks), hadaynu eegno baananka noocan ahi aad ayay uga duwanyihiin baananka dulsaarka ah ee aan kor soo xusnay, waxaa sal u ah baananka islaamka wax loo yaqaano khasaare iyo faaiido wadaag qofkii lacagta ku kaydsanayay ayaa waxa loo soo ban dhigayaa in lacagtiisu shaqaynayso isla markaa loo dhiibayo qof haya fikirkii kadib marka la hir galiyo uu faa iidadii iyo khasaarihiiba lawadaagayo qofkii lacagta la amaahiyay. Tani waxay meesha kasaaraysaa lacagtii daynta dulsaarka lahayd ee ay isticmaalayeen baananka dulsaarka ku sheqeeyaa waxaanay waafaqaysaa diinta islaamka dalalka islaamka badankooduna waa ay ku dhaqmaan iyadoo run ahaantii horumarka badan kagaadhay hadaynu soo qaadano Malaysia oo kale oo la odhan karo aad ayay uga faa iideen 
Intaas marka laga soo gudbo hadaynu uniimdno Somaliland waa dal da’ yar oo ka go’ay wadankii la isku odhan jiray Somalia 1991 kii waqtigaas oo xaqiidii bur bur aad u badani kuyimid hadana dawladihii u kala danbeeyey intii ay talada hayeen waxa is badalo badani ku yimaadeen ganacsiga gaarka loo leeyahay oo run ahaantii horumar badan sameeyay iyo dhaqaalaha oo isa soo taray 22 kaa sanadood ee ay jirtay, ganacsiga kajira Somaliland waa nooca loo yaqaano (free market) suuqa xorta ah hase yeeshee waxaad moodaa inuu meeshii larabay inuu gaadho uu aad uga gaabinayo iyo in maal gashigii caalamiga ahaa uu maqanyahay taas oo ay sabab utahay baanankii ganacsiga iyo ilihii maaliyada (Financial institution) oo aan kajirin dalka.
Maxaa ay u fududayn lahaayeen baananka ganacsigu Somaliland, waxaynu odhan karnaa siyaabo badan ayuu ugu faaiidayn karaa dhaqaalaha dalka gaar ahaan maal gashadayaasha iyo ganacsatadaba . hadaan ku bilaabo dadka lacagta dhiganayaa waxa ay heli lahaayeen lacagtoodu inay amaan u ahaato iyagoon kacabsanayn in laga xado ama laga dhaco, ta labaad lacagtii meel iska ooli lahayd iyadoo fadhiid ah waa ay shaqaynasaa oo qofkale ayaa ka faa idaysanaya iyadoo isagana uu macaash kahelayo marka la eego habka baananka islaamka,
Tan sadexaad waxaa kordhi lahaa abuurista ganacsiga yar yar iyo ka waawaynba taas oo kor uqaadaysa shaqo abuurka ardayda kasoo baxday jaamacadaha iyo schoolada sare, ugu danbayn baanan ganacsi oo kahir gala Somaliland+ganacsiga xorta ah ee kajira Somaliland waxa ay soo jiidan lahaayeen indhaha maal gashadayaasha caalamiga ah taasi oo door laxaad leh kaqaadan lahayd koboca dhaqaalaha dalka taas oo markasta dawlada ufaaiidanaysa inay qaado cashuur badan oo ay ku kaabto adeega bulshada sida caafimaadka, wax barashada iyo adeegyada kale.
Marka la isku wada geeyo dhamaan qodobada aan kor kusoo xusay iyadoo aan ka dheehan karno faaiidoyinka bangiyadu u leeyihiin koboca dhaqaalaha. Maxaa kahor taagan in ay Somaaliland kahir galaan?. Sababaha ugu waayweyn ee loo nisbayn karo waxaa kamida 
1.lacagta oo aan ahayn mid saamayn badan ku leh dalka oo ay badhxeen lacagaha qalaad sida Dollarka. 2.Baanka dhexe oon qaadanin doorkiisi uu ku dhaqan galin lahaa baananka kale ee aan dawliga ahayn. 3.Golayaasha qaranka gaar ahaan Baarlamaanka oo aan wali ansixin sharcigii baananka. 

ALLAA MAHAD LEH 
Cumar Saleebaan Cumar cscomar66@hotmail.com
BA in ECONOMICS

Friday, September 13, 2013

Habkii ay Reer Yurub uga Dhaxleen Cilmiga Muslimiinta.

Ridwaan Maxamed Ibraahim

Cilmiga waa shay aad ugu muhiim ah bani aadamka, qayb laxaad lehna ka qaata dhismaha bulsho ahaaneed, islamarkaana siiya ummada haykal dawladnimo oo la mahadiyo, iyada oo la’aantii aanay waxba u suurto galeen. Alle (SW)  waxa uu Qur’an kiisa kariimka ah uu ku leeyahay “Miyey siman yihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan  lahayni?” isaga oo innagu baraarujinaya qiimaha cilmigu leeyahay. Dhanka kale Nabi Muxammed NNKH meeqaam sare ayuu siiyey aqoonta.
Aqoontu waxa ay soo jirtay ilaa markii la abuuray aabaheen Nabi Adem, umaduhuna way soo kala dhaxlayeen iyada oo qolo walba meel intay kaqaadaan ay meel kasaraysa soo gaadhsiinaysay; tani waxay dhaabad adag u noqotay horumarka  aadamuhu maanta ka gaadhay dhanka aqoonta.
Haddaba waxan maanta qalinka u qaatay maqaalkan oo aan idiinku soo bandhigi doono taariikhdii iyo habkii ay reer Yurub uga soo min-guuriyeen, isla markaana uga dhaxleen muslimiinta. Waxaan mugdi kujirin in cilmiga iyo aqoonta maanta reer Galbeed-ku (Western Europe) horumarka ku gaadheen uu yahay kii ay kasoo min-guuriyeen dunida muslimka, waxaana qormadan ku soo bandhigi doonaa, dibna idiinku celin doona qarniyadii hore iyo taariikhdii waayo hore. Ugu horrayn sida ay xaqiijiyeen taariikh yahanada reer Yurub ee ay kamid yihiin Batler, Harkins, Hitti, Leff, Ronan iyo kuwo kale oo badanba, “muslimiintii hore waxay ahaayeen dadka adduunka oo dhan u haya hoggaanka haddii ay noqoto xagga dhaqanka iyo xadaaradda labadaba” (Hitti, 1943,P. 143).
Marka labaad, sababo badan awgood, dadyawgii hore ee Yurubta galbeed kamaa ay baxsan karayn saamaynta muslimiintu ay ku leeyihiin iyaga. Dhulka muslimiinta iyo ka kiristanku waxay ahaayeen kuwo dhinaca isku haya, dhulka Spain waxay hoos imanayeen xukunka muslimiinta inka badan toddoba qarni, halka qaybo kamid ah dhulka talyaaniga ay hoos imanayeen muslimiinta muddo hal qarni ah, dadaalkii muslimiintu ay ugu jireen faafinta diinta islaamka oo socday muddo dheer, ayaa waxa uu baray Kiristankii dhulkaas degganaa maba’diida Islaamka iyo habka qurxoon ee ay u dhisan yihiin bulshada Muslimka ahi. Dhanka kale qoraaladii ay sameeyeen culimadii waawaynayd ee dunida muslimkuna waxa loo turjumay afka laatiiniga, sidoo kale waxa jiray xidhiidho kale oo ka dhexeeyey labada xadaaradood ( Muslimiinta iyo Kiristaanka). Waxay ahayd intii lagu gudo jiray qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii laba iyo tobnaad,  markii reer Yurub ay isku dayeen inay waxka ogaadaan Sayniska, Xisaabta iyo cilmiga looyaqaan Filoosofiga- halka noocyadan cilmiga aynu xagga sare kusoo xusnay ay kamarayeen heerkoodii ugu sarreeyey dunida muslimka. Waxa qasab noqotay in reer Yurub Muslimiinta kabartaan cilmiga ka hor inta aanay iyaga laftoodo horumar dheeraad ah ka samaynin cilmiga, waxaana cilmiga ay ka dheegteen aqoonyahanaddii muslimiinta ee wakhigaas waxa ayna u qaateen habab kala duwan, waxaynu ka xusi karnaa hababkaas kuwan hoos ku xusan:-
1.    Dhammaadkii qarnigii kow iyo tobnaad (11st centurery) ilaa horraantii qarnigii laba iyo tobnaad (12st century), culimo badan oo Kiristan ah ayaa u socdaalay dhulalkii Muslimiinta si ay ugasoo bartaan luuqada Carabiga iyo sayniska, kadibna ay u baraan dadkooda. Waxan tusaale usoo qaadanaynaa caalimkii Kiristanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Leonardo Fibonacci oo u socdaalay dalka Algeria si uu uga soo barto Xisaabta. Leonardo markuu soo dhammaystay waxbarashadiisa bilawgii sannadkii 1202 ee taariikhda miilaadiga, waxa uu qoray buug uu u bixiyey (Liber Abaci), si uu ugu faa’ideeyo bulshadiisa.
2.    Talyaaniga, Spain iyo koonfurta Faransiiska ayaa waxay u direen  Ardey aad u tiro badan dhulka Muslimiinta si ay uga soo bartaan culimadii muslimiinta ee markaas ku sugnaa dunida muslimka, cilmiga  ay ka soo baranayeen waxa kamid ahaa Xisaabta, Filoosofiyga, Caafimaadka iyo Sayniska. Kadib markii ay ardaydani soo dhammaysteen duruustoodii waxbarasho waxa ay kusoo laabteen Yurub, halkaas oo qaar badan oo kamid ahaa ardaydani ay tartan ugaleen inay macalimiin ka noqdaan jaamacadihii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Yurubta Galbeed sida uu Mirakhor ku sheegayo buugiisii uu qoray sannadii (1983, P,352).
3.    Gollahii ay lahaayeen aqoon yahannada Kiristanka oo la odhan jiray Golaha Vienne (Council of Vienne) ayaa waxa ay ka dhiseen shan dugsi oo lagu barto luuqadaha magaalooyinka Roma, Bologna, Oxford, iyo Salamanca, halkaas oo lagu barayey ardayda afka Carabiga, tani waxay ka dambaysay, kadib markii golluhu ka helay codsi caalimkii Kiristanka ahaa ee la odhan jiray Raymond Lully oo noolaa intii u dhaxaysay sanadahii 1232 ilaa 1315, kaas oo socdaal baahsan kusoo maray dhulka Muslimiinta, sida uu ku sheegayo Durant buuggiisa uu qoray sanadku markuu ahaa (1950, P, 979).
4.    Dabayaaqadii qarnigii 12 aad (12st century) ilaa intii laga gaadhayey qarnigii 13 aad iyo kii 14 aad, waxa Yurub gudaheeda si xoog ah looga dareemay dhaq dhaqaaqyadii sida weyn loogu turjumayey qoraaladii ay sameeyeeen culimada muslimiintu, kuwaas oo loo turjumay afka Laatiiniga (Latin), sida uu taariikh yahan Mirakhor ku sheegay buuggiisii uu qoray  (1988, P, 326). Waxa lagu turjumay buugaagtan goobo badan oo kamid ah qaarada Yurub – khaasatan, magaalooyinka Toledo iyo Burgos oo kuyaal waddanka Spain iyo labada magaalo ee layidhaa Sicily iyo Naples ee ku yaal Taliyaaniga intii lagu gudo jiray labadii qarni ee u horreeyey saddexdan qarni. Intaa wixii ka dambeeyeyna  waxa loo turjumay Laatiini qoraaladii Carabiga ku qornaa ee hore loogu turjumay afka Yahuudda ee loo yaqaan Hebrew.
Haddaba iyadoo ay jireen dhaq dhaqaaqyadaas baahsani, Islaamku waxa uu galay meel kasta oo kamid ah qaarada Yurub dhinacyada diinta, dhaqanka iyo dhaqaalahaba. Waxa wax aad loola yaabo ah in Kiniisadihii wakhtiyadaas majaraha u hayey waddamada reer Yurub marnaba aanay ogolayn ganacsiga, alaab isku badalashada (barter trade), iyo wixii lamid ah, iyagoo u daliishanaya inuu qanacsigu xaaraan yahay; qofka inaba lagu arko isaga oo ganacsi faraha kula jira waxay wadaadada Kiristanku u arkayeen sidii qof danbi samaynaya, taas oo keeni jirtay in mararka qaar ciqaabo qalafsan lagu fuliyo ganacsatada. Waxa xusid mudan in Islaamku xorreeyey qaarada Yurub. Tusaale ahaan, islaamku waxa uu soo nooleeyey qanacsigii, waxa uu sare u qaaday isku beddelashada alaabaha, islamarkaana waxa uu door muhiima ka ciyaaray hirgelinta nidaamka dayn isa siinta (credit). Waxa intaas dheer in mufakiriintii Muslimiintu (Muslim thinkers) ay siyaabo kala duwan saamayn ballaadhan ugu yeesheen culimadii Kiristanka, tusaale ahaan, taariikh yahanadii ayka mid ahaayeen Crombie (1963), Sarton (1931), iyo Winter (1950) ayaa iftiimiyey doorka ay culimada Muslimiintu ku lahaayeen helitaankii culuunta Physics-ka, Chemistry-ga, iyo Astronomy-ga.
Guntii iyo gunnaanadkii, akhristayaal, sidaan qormadan idiinku soo bandhigay, waxa cad oon sinnaba indhaha looga qarsan karin doorka ballaadhan ee muslimiintu kasoo qaateen aas aasida, kobcinta, iyo horumarinta aqoonta iyo culuunta ay maanta Yurubta Galbeed sheegtaan inay iyagu hindiseen, isla markaana adduunka ku soo biiriyeen ikhtiraacooda, iyaga oo inkaraya meelaha ay ka heleen aqoonta, waana mid muhiim ah in aan daaha ka qaadno in aqoonta ay maanta ku faanan ay ka soo qaateen culimada muslimiinta iyo dawladihii musliiminta ee xilligaa qabsaday qaybo kamid ah waddamada yurub.
Allah Mahad leh.
Ridwan Mohamed Ibrahim.
University of Hargeisa, BE (Bachelor of Economics and Political science)
Kampala International University, MEPP (Masters of Economic policy and planning)

Kampala, Uganda.