Sunday, November 22, 2015

Qalin-leyda: Hadalkiina iyo qoraalkiinu ha-is-yeesho



                                   Maxamed Jaamac Meygaag

Af-ka Soomaaliga ah waxaa lagu tiriyaa afafka ugu faca weyn leh ee soo jiray wakhtiyo badan, inkastoo aanu nasiib u helin in la xafido oo la qoro intii ka horeysay todobaatanaadkii. Afka Soomaaligu muu helin dadkiisii iyo dawladihiisii u damqan lahaa ee u tafa-xaydan lahaa sidii loo keydin lahaa, oo mar walba loo tifaf-tiri lahaa. Ma jirto dawlad ka mid ah kuwa afsoomaaliga ku hadla oo xil-weyn iska saartay sidii ay afka-soomaaliga ugu gurman lahayd oo ay uga badbaadin lahayd burbur iyo baaba’ ku dhaca. Hadday jirtana ma noqon mid sii joogtaysa oo uu dadaalkeedu sii waaro. Maalinta ku beegan wakhtiga Soomaaliga la qoray  oo kaliya ayaa mararka qaarkood aad arkaysaa munaasibado lagu xusayo, inkastoon lagaga doodin, laguna falan-qeyn, caqabadaha iyo dhibaatooyinka Afka Soomaaliga la soo dersay waayadan dambe iyo sida loo badbaadin karo ee kaliya waxaa lagu dhamaystaa, madadaalo iyo hadalo aan mug-weynayn.

Afka Soomaaligu maaha mid dabar go’aya hadduu helo cid-u-hiilisa, yaa se ay tahay inay u hiiliyaan? Dawladdu waa ta ugu horeysa ee ay tahay inay keento Tab-iyo-Xeelad lagu ururiyo, lagu keydiyo, laguna sii joogteeyo. Fikir ahaan, wakhtigan hawl badan buu u baahan yahay afka iyo dayac-tirkiisu, laakiin waxaa lagaga bilaabi karaa in xafiisyada dawliga ah oo dhan lagu isticmaalo afka soomaaliga. Dhambaal iyo warbixin kasta oo ka baxaysaa haday noqoto soomaali waxaa imanaya in xataa shaqo-abuur uu ka imanayo oo la heli doono dad badan oo Soomaaliga iyo turjumaanimada barta ka dibna hay’adaha kala duwan ee ajaanibku ay qaataan.
Bahda qalinleyda sidoo kale waxay ka qeyb qaadan karaan, kor-u-qaadida iyo ilaalinta afsoomaaliga, laakiin waa goorma? Waa marka ay is-waafaqaan qalinkooda iyo hadalkoodu. Tusaale, waxaad arkaysaa qof ka mid ah dadka inta badan wax-qora, ha ahaado maqaallo ama buugaag e. Qoraalladooda hadaad akhrido waxaad aad ula-dhacaysaa sida farshaxan-nimada leh ee ay u qoreen ama u diyaariyeen, hadday noqoto afsoomaaliga iyo habka ay iskugu sid-kan-yihiin aragtidooda iyo ujeedadooduba.  Dhinaca kale, Hadaad isla qofkaas aad ku kulantaan madal oo aad aragto isagoo hadlaya, waxaad isku qabanaysaa qofkani miyaanu ahayn kii aad akhriyaysay maqaalkii aadka kuu soo jiitay mise waa qofkale. Haddaad dhagaysato hadalada uu ku hadlayo inta ugu badan waxaad ku arkaysaa afsoomaali iyo af-ingiriisi uu isku dhex isticmaalayo. Oo markuu dhawr eray oo saamaali ah yidhaahdo ba wuxuu ku darayaa erayo badan o oaf-qalaad ah sida af-ingiriisi.

Iska daa in kor loo qaadee waxaad moodaa in ay bulshadu isku waafaqsan tahay hoos-u-dhigidda, waayo cid kasta oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshadu xilba iskama saarayo ilaalinta afkiisa iyo daryeelkiisa. Culimaa-u-diinka qeyb laxaad leh bay ku leeyihiin laftoodu, waayo qudbadaha iyo waanooyinka ay bulshada u gudbinayaan, oo afsoomaali iyo afcarabi isku dhex jira ayay ku wacdiyaan, iyadoo waliba dadka fahmayaaba ay yar yihiin.
Waxaan soo jeedin lahaa dhawr qodob

  •  In dawladdu ay doorkeeda hogaamineed ka qaadato arimaha horumarinta afkeena hooyo, iyadoo kaga bilaabaysa dhaqan-gelinta afsoomaaliga ee xarumaha dawladda. Dhaqan-gelinta afka Soomaaliga ee xarumaha dawladda waxaa ka dhalanaya in Hay’adaha wada shaqeynta la leh dawladdu ay u baahdaan in loo turjumo, waxaa na ka abuurmaya shaqo abuur, oo Hay’ad kasta waxay qaadan doontaa hal qof oo turjumaan ah.

  • In dadka qalinleyda ahi ay iyaguna qeyb laxaad leh ka ciyaaraan oo ay dhiiri-geliyaan u hiilinta afkeena hooyo, kaga na bilaabaan naftooda iyagoo is-waafajinaya qoraalkooda iyo hadalladooda. Sidoo kale na ay dhiiri-geliyaan ilaalinta afka soomaaliga.
  • In culimadu na ay qeyb ka ahaadaan horumarinta afka, oo halka ay markay tusaale ama wacdi bilaabayaan ay tix gabey ah oo nin carbeed tiriyay soo xiganayaa ay ku beddelaan hal-doorkeena suugaaneed ee dhinac kasta ka gabyay.

W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag
Hargeysa, Soomaalilaan

Sunday, November 8, 2015

KU-DAYASHO INDHO-LA’AANEED


                                 Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

SALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATU.
Umad waliba waxay leeyahay hal-door iyo cid ay hiigsato oo ay kolba himiladeeda iyo hiyigeeda ba uga tilmaan qaadato, iskuna qiimeyso inay sidaas hebel/heblaayo oo kale noqdaan. Wakhtiyadii hore Qofku markuu hana-qaad yahay ee uu la kacaa-kufayo koriinka iyo taabba-galka dhalinyaranimo waxaa maskaxdiisa iyo fikirkiisa ugu badani ahaan jiray markuu weynaado, halka noloshiisu ku dambayn doonto, aqoonta uu baran doono, iyo heerka uu bulshadiisa ku yeelan doono. Su’aalahaas oo dhami waa qaar ka weyn inuu si fudud u saadaaliyo, barta ay ku dambayn doonaan iyo inay siduu doonayo uu noqoto iyo inkale. Wuxuu indha-indheyn jiray a dadka bulshada magaca ku leh, ha noqdaan, culimo, aqoon-yahan, madax ama hal-doorada kale ee caanka ka ah bulshadiisa uu ku dhex noolyahay. Kadibna wuxuu ku deyan-jiray inuu noqdo hebelka uu doortay inuu sidiisa oo kale noqdo ama loo tix-geliyo sida looga tix-geliyo bulshada, kuma uu raaci heybta ama qabiilka uu ka soo jeedo. Kaliya wuxuu ku mashquulsanaa oo uu wakhtigiisa ugu badan galin jirey inuu wax ka ogaado heerarka uu soo maray iyo siduu ku soo gaadhay heerkan uu manta joogo. Kadib na sidaasuu isna dedaalkiisa oo dhan iskugu geyn jirey, wakhtiga iyo waayuhu haday u saamaxaan.

Khasab maaha qofkastaa ba inuu cid ku deydo oo dad badan ilaahay ayaa haybad u siiyay inay naftooda ku kalsoonaadaan oo ay iyagoo aan cid gaar ah farta-ku-fiiqin ayay iskala daalaa-dhacaan marxaladaha kala duwan ee nolosha, Caruurnimo—dhalinyaranimo iyo waliba waayeel-nimo ba. Mararka qaar na qofku wuxu raadsadaa qof ay isku hammi iyo hiigsi yihiin isagoo ay ka reeban tahay qofkan waxbaad isku tihiin ama qofkani waa reer hebel ee waxa kaliya ee isku raaceen uu yahay isku dan iyo iyagoo jiibta iyo jaanta isla helaya. Hadaba, wakhtiyadu way kala duwan yihiin, sida dadku u arkaanna ama ay u dhaqmaan na way kala gedisan yihiin, xiliyadan aynu ku jirno, waxaa is bedelay dhamaan waxyaabahaas aynu soo sheegnay, oo haddii qofku cid ku dayanayo wuxuu ku dayanayaa qof reerkooda ah. Hadduu cid difaacayo wuxuu u difaacayaa waa reerkooda ah, hadduu cid amaanayo wuxuu u amaanayaa waa reernimo, cid hadduu ku soo hal-qabsanayo ama uu tusaale ka dhiganayo wuxuu ka dhigayanaa qof ay isku reer yihiin, hadday doorasho timaadana kaba sii daran oo wuxuu galayaa ol-ole balaadhan oo uu ku difaacayo qofkaas haduu doono yaanu aqoon iyo aragti ba lahaanine.
Haddaad u fiirsato mareegaya internet ka intooda ugu badan waxaad ku arkaysaa qof cid dhaliilaya, iyadoo laga yaabo qofkan wax dhaliilayaa inuu isleeyahay wax toosi. Haddaba hadaad isla inyar ka dib isla mareegtii hore ku noqoto waxaa suurta gal ah ama ay u badan tahay ba inaad aragto qofkii la dhaliilayay oo qof reerkooda ahi difaacayo kana jawaabayo wixii lagu dhaliilay, waxaa ba laga yaabaa qofkii la dhaliilay inaanu ogayn qofkan wax ka sheegay iyo kan difaacay ba waana ayaan-darrada inagu habsatay. Gabey haddii la tiriyo oo uu cid waxka sheegayo markii ba qaar baa kuu soo jawaabaya. Waxyaabaha ugu badan ee sababayna waa qabyaaladdii oo aad u xoogaysatay. waxaana masuuliyaddeeda leh dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada haday noqoto madaxda oo marka ay wax doonayaan meesha kaliya ee ay wax ku doontaan ay tahay qabyaalad. Haddii dawladda wax lagu  dhaliilo oo la sheego meelo ay ka gaabisay, ama la tilmaamo, waxaa isla markiiba ka dhalata in qofkan dawladda wax ka sheegay sharaftiisa iyo shakhsiyaddiisa meel lagaga dhaco oo aan dib loo eegin waxyaabaha uu qofkani ku dhaliilay dawladda, halkay ka ahaan lahayd in waxqabadka dawladda ee uu shakhsigani dhaliilay dib loo eego wixii sixitaan u baahanna la saxo wixii si fiican loo qabtayna loo soo bandhigo si bulshadu ugu qanacdo.  waxaa kale oo iyaguna doorkooda ka qaata ganacsatada, madaxda dhaqanka, aqoonyahanka, ururada haweenka. Waxaa kale oo iyaguna qeyb laxaad leh ka qaata dhalinyarada oo iyana markay is raacayaan isku raaca reer –reer taas na waxaa ka dhalankara in caruurtii soo koraysay lagu beero xanuunkan qabyaaladda kadib na ay la koraan hadhawna sidan iyo si kadii darani inagu dhacdo. Waxyaaha beryahan inagu soo battay oo dadka qaarkii ilbaxnimo dheeraad ah u arka iyo geesimo iyo guul ay gaadheen in beelo beelo loo shiro oo taasoo dhaliinyaradii ku noqotay majaro habaabin iyo jaha-wareer hor-leh waayo waxa laga yaabaa laba arday oo asxaab ahaa oo meel wax ku wada cuni jiray oo aqoontu walalaysay in ay hal shir iskugu yimaadaan oo ay isku bartaan in ay isku qolo yihiin intaa kadibna noocii xidhiidhkoodii hore wax badani iska badalo.
Markaa dhalinyarada iyo caruurtu waxay u baahan yihiin in la hago oo hoga-tusaalayn fiican lagu barbaariyo, si ay bulshadoodu iskugu wada mid noqoto oo aan cidna ku tixgelin qabiil iyo qof-jeclaysi. Cidna aanay ku colaadin cid-necbaysi iyo qabyaalad.
Ayid waad is xigtaaniyo
Idinkaa isku reer iyo
Aqligii lixdankii
Maanta iib geli maayo
******************
Sidaan aaminsanahayna
Abkuu doono ha sheegtee
Wuxuunbaa ehel ii ah
Dadka kaan af aqaano
Ee si wax iila arkaaya
Ee ina midayso ujeedo (Gaarriye” Alle ha u naxariistee)

W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)
Hargeysa, Somaliland

Ka-garaab Xaqiiqada



                                                   Mukhtaar Cabdi Jaamac

Qofka bini-aadamka ahi waa noole uu illaahay ‘SWC’ uumay oo ku dul nool arladan guudkeeda, waxaa uu soo maraa marxalado badan oo kala gedisan, meerto-nololeedkiisa wuxuu leeyahay han iyo hiigsi nololeed, wuxuu ku barbaaraa iyadoo la leeyahay hoo, cun, cab iyo daaya waa ilmo yare, wuxuu isku qaataa wax kastoo aduunka yaala inuu kaligii leeyahay, cid ka saraysaana aanay jirin inta aduunka guudkiisa ku nool.

Aadamaha adduunka ku nooli wuxuu kala leeyahay jinsiyado, midabo kala duwan, wuxuu ku kala noolyahay adduun-waynaha, waxay kala haystaan diimo kala duwan, waxay kala aamin-sanyihiin mabaadii iyo afkaar, hadana qof waloo bini-aadam ahi wuxuu rumaysanyahay in tiisu ay tahay ta saxda ah, wuxuu yaqiin-sanyahay inuu yahay qofka ugu wanaagsan, inta og dhaliishoodu ama og meelaha lagaga fiicanyahay ee ka garaabaysaa waa faro ku tiris.
Qaaradaha addunnka ee tirade badan, qof walba tuu ku noolyahay baa la qiimo iyo qaayo badan in yar oo maan-gaab ah mooyaane, oo hunguri wadkii ma arkee la yidhi arsaaqdaadii qaaradaasay taalaaye udoono halkan waxba kuuma yaalaane.
Siyaasiga dalkeenuna wuxuu ka dhiganyahay sidaasoo kale waxaa ku jirta qab ah dalka adigaa kaligaa saxsan, aragti dheer umada hor-mood u ah hadii wax lagu waydiin waayo xaajaba hagaagi mayso. Waxaana laga yaabaa inaanu mabda’ iyo aragti wax-ku-ool ahna aanu la iman oo uu bulshada ku hogaamiyo ee sababta uu ku yimi tahay aad ka fara-qabsatid, jaha-wareerna soo kordhisid, waayo haddii ay wax hagaagaan isaga dan uma aha oo ujeedadiisii horaan ahayn sidaas.
Qof walba wuxuu sitaa muraayad kaliya tusta uun muuqiisa oo qudha, markaasuu maankiisa u sheegaa inuu yahay ka kaliyee udoor-roon, waana ta la yidhaa qofkaa qumanihiisa ayaa qoorta u sudhan. Waxaad arkaysaa qof ay wax ka baylah-sanyihiin haddana aan isku qabin, waxaad arkaysaa qof meel ku fashilmay haddana isku arka inuunan isagu sababin guul-darrada ee  uu hannaanku‘system-ku’ qaldanyahay.
Noloshu waa cayn-ba-cayn, waa hadhka labadiisa gelin, mar wakhtigaa kuu roon marna way kaa yara dhantaalan-tahay. Qof baa qaba in qiimo uu leeyahay oo uu dadka kale dheeryahay wax ku taransaday, qof na maba yaqiinsana ee wuxuu dhaleecaynayaa qaabka ay wax u socdaan laakiin way yartahay qof qirta inay isaga wax ka qaldanyihiin.
Dhinaca nolosha arimaha bulshada dadku way cabanayaan, curyaamin dhaqaale iyo mid maskaxeed bay tirsanayaan, cod-dheer bay ku hadlayaan haddii wax loo qabtana ma qirayaan oo sababo kale oo ay qabyaalad ka mid tahay ayay ku qiimeynayaan tusaale ahaan Dalkeena Somaliland waxaynu soo marnay marxalado adag oo nololeed, waxaynu kasoo gudubnay duruufo dhaqaale oo qallafsan oo sag-xadda laga soo bilaabay. Waxaynu soo tirsanay guyaal badan haddana waxaad moodaa inaanay haantii wali tolmin, hadaynu maanta dadka ra’yigooda waydiino inta wax qiraysaa waa wax yar.
Dhinaca xisbiyada mucaaridka: waa xaq dastuurkeenu siiyay in xisbiyada mucaaridku dhaliilo u soo jeediyaan hadday arkaan meelo ay dawladdu ka gaabisay, waxay kale oo ay xaq-u-leeyihiin inay dawladda ku bogaadiyaan meelaha ay wax fiican ka qabatay. Wali maan arag mucaarid qiray horumar la sameeyey, oo xisbi ahaan bay isku waafaq-sanyihiin inaanay wax kasta mucaaridaan. Oo hadday ku bogaadiyaan waxay isku odhanayaan waxaad ku waayaysaan taageerayaal badan. Sidoo kale wali lama arag Dawlad ama xisbi muxaafid ka garaabay hor-umar xisbi mucaarid ahi sameeyey ama wax uu hor-umar ah bulshadiisa kusoo kordhiyey.
Wali lama arag masuul xil-haya oo culayska iyo miisaanka masuuliyada uu hayo awgeed intuu umadda uu u hayey xilka u tagay oo ku yidhi way igu adkaataye wax badan oon qorsheeyeyna way ii suurta gali waayeene cid kale u igmada. Laakiin waxaa dhacday marar badan inuu markuu hayana wax walbaa ay sax ula muuqato, markuu ka tagana ama laga qaadana waxyaabihii saxda ula muuqday ay dhinaca kale ula muuqdaan oo wada khalad uu u arko, eedana uu u jeedo ciddii markii hore u igmatay.

Gabo-gabadii waxaan ku talin lahaa Fikirkayga gaaban
·         Adduunka cid laga maarmayaa ma jirto ha yaraado ama ha waynaadee, cidna cid kama xoog wayna in maskaxda la maalo oo la isku noqdo arimahana cagta loo dhigo ayuun baa haboon
·         In dadku ay xaqiiqda iyo horumarada la sameeyay ka garaabaan, wixii qaldan ee ay arkaanna ay ka qeyb qaataan sidii loo sixi lahaa.
·         In dib la isku xisaabiyo si aan caadifadi ku jirin
·         In Muxaafid iyo Mucaarid bad anta guud iyo horumarka dalka iyo dadka laga wada shaqeeyo oo la iska joojiyo midi-midi ku taagta.
Waxaa la yidhi ‘laba caaqil’ way kala baxaan laakiin ‘laba caamo’ ma kala baxaan.

·         Hadday adhiyeysi tahay
·         Hadday adhax-tuujin tahay
·         Ilduuf iyo jeeble tahay
·         Hadday wada ‘Anniga’ tahay
·         Siyaasi aabe ma leh
·         Ku daalka abaabulkeeda
·         Alooskiyo baaneheeda
·         Ujeeddo ka keeni maysid           (Abwaan ‘Hadwaari)

W/Q: Mukhtaar Cabdi Jaamac
Berbera, Somaliland